Sababta Siilanyo u xushay Saylici

 

                       

Istaraatajiyada Siyaasadu cadow iyo saaxibna ma leh ee dan baa hagta. Somalilandna dan baa ugu jirta in Xisbiga KULMIYE ku guulaysto doorashada Maxaxtooyada (Hadii eebe idmo). Laakiin Xisbigii kacaa kuf baa ku yimid. Bal aynu isku dayno inaynu fahano loolanka siyaasadeed ee garabyada xisbiga. Nidaamka siyaasadeed ee dimoqradiga ah waxaa hab dhaqan u ah talo-wadaag iyo isu tanaasul (Consensus & Compromise). Siyaasiga istaraatajiyadan ku dhaqmay ee markii uu balan qaad helay (in Ra'iisul Wasaare la sameeyo) tanaasulay waa Ahmed X. Cali Cadami. Ha ilaabin in uu Mudane Cadami dhaawac gaadhsiiyey KULMIYE ka dib markii uu dhaleeceeyey habkii shirkii Golaha Dhexe ee Burco loo maamulay (Waxaa dhacay wax akhlaaqiyaadka dimoqradiya ka baxsan" Mr. Cadami, BBC, August 26, 2008).
Falanqayn, hirdan iyo dood kadib haddii aanay garabyada loolamayaa isu tanaasulin waxa dhacda in Xisbigu guul gaadhi waayo.

Tartanka siyaasadeed ee nidaamka dimoqradiyada waxaa lagu xushaa is bar bar-dhiga musharaxiinta iyadoo lagu qiimaynayo (1) miisaankooda siyaasadeed, (2) aqoontooda, (3) taariikhdooda iyo (4) degaanka ay ka soo jeedaan.

Bal hoos ka daalaco is bar bar-dhiga Silanyo, Saylici iyo Muj. C/Raxman Aw Cali

 

Magaciisa Miisaanka Siyaasadeed Aqoonta Taariikhda Deegaanka
Silanyo Siyaasi ruug cadaa ah Mutacalim Mujaahid Togdheer
Saylici Nin siyaasada ku cusub Farsamo yaqaan Nin aan soo halgamin Awdal
C/raxman Siyaasi Miisaan leh Sarkaal Milatari Mujaahid Awdal


Shaxdani waxay daliil u tahay in Silanyo iyo C/Raxman Aw Cali wadaagaan laba sifo (Miisaanka siyaasada iyo Taarkiikhda). Halka Saylici & C/Raxman wadaagaan sifo keliya (Labaduba waa reer Awdal). Laakiin Silanyo & Saylici sifoba ma wadaagaan! Haddaba muxuu Silanyo u Xushay Saylici? Silanyo iyo Saylici waxay kala matalaan laba waxood (Political Constituencies) oo reer Somaliland ah. Halka Silanyo iyo C/Raxman ay matalaan waax keliye. Macnawiyan Labada mujaahid way isu dhigmaan. Shirkii Burco ee Golaha Dhexe ee KULMIYE muu ahayn oo keliya tartan Madaxweyne iyo Ku-xigeen ee laba Mujaahid oo labaduba Madaxweyne u dhigmaan baa ku hirdamay. Kii guulaystay baana xaq u leh in uu xusho Ku-xigeenkiisa. Shaqada Ku-xigeenku waa inu dheeli tiro Miisaanka Musharax Madaxweynaha.


Laba tusaale oo Xisbiga Dimoqradiga ah ee Maraykanka ka dhacay aan soo bandhigo.

1992: Clinton wuxuu Ku-xigeenkiisa u xushay Al Gore oo ay isku da' ahaayeen (Labaduba 45 jir), Laba Gobol oo koonfurta ku yaala oo isku xigana ay u kala dhasheen (Arkansas & Tennessee).

Waayo?


Clinton wuxuu rabay inuu xisbigiisa mideeyo, gobollada koonfurtana ka fara maroojiyo Xisbiga Jamhuuriga oo gobollada awood ku lahaa (Republican Strongholds).

2008: Barack Obama wuxuu xushay Senator Joe Biden oo laga soo doorto gobol yar oo la yidhaahdo Delaware.

Waayo?

Senator Biden waa ninka keliya ee ka kaabi kara Barack sifadda keliya ee lagu saluugay (Nin Siyaasad ku cusub oo aan khibrad lahayn). Senator Biden waa Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibbeda ee Golaha Senatka. Xasuusnow Obama muu xulan Senator John Edwards (Hore ayaa loogu sharaxay Ku-xigeenkii Senator Kerry 2004, guulna muu keenin). Muu dooran Senator Hillary Clinton (Way la tartantay isumana calool fayooba). Ha ilaabin laakiin in labada Senatorba hiil iyo hooba la barbar-taagan yihiin Obama si uu ugu guulaysto doorashada Madaxtooyada (Haddii Eebe yidhaahdo).

Istiraatajiyada siyaasadu waa inay guul keentaa. Xulashada Silanyo ee Saylici waxay fariin u diraysaa reer Awdal oo waxay leedahay waa la isa saamaxay ee I doorta. Silanyana dhab bay ka tahay inuu balaadhiyo taageerayaashiisa. Waxayna jawaab u tahay eedayntii Silanyo loo jeediyey ka dib markii 2003 ay Xisbiga KULMIYE ku biireen Mujaahidiinta kala ah:


(1) C/Rahman Aw Cali Farah
(2) Ibraahim Cabdillaahi (Dhegaweyne)
(3) Maxamed Kahin Axmed.

Xil: Cumar Nuur Cisman (Aare) wuxuu yidhi: "KULMIYE waa ciidan doon ee cod doon ma ah". Maanta Silanyo waa cod doon guulna wuu u diyaar garoobay. Ilaahay hala qabto.

 

 

 


Waxaa Qoray: Prof: Abdihakim Y. Kheire

abdihakim365@hotmail.com