Saaxiibkay,walaalkay,Marxuum
Maxamuud Caydiid Raage h (Lafcanbe),godka lagu jannee,Geesi buu ahaa
aanan iloobi karin
Anigoo ku hadlay magacayga,Eng. Mohamed Ali Muse,waxaan tacsi
tiiraanyo leh u diraya a xaaskii, caruurtii,walaaladii,ehelkii,qaraabadii,gacalkii,xigaalkii,asxaabtii,Bahweynta
Xisb iga Kulmiye & shacabka Somaliland, ee uu ka baxay
walaalkeen,Marxuum Maxamuud Cayd iid Raageh (Lafcanbe),oo maalintii
Sabtida,23 April,2016,ku geeriyooday magaalada Toro nto ee dalka
Kanada.
"Faaraxow gal galad kaan dhigiyo, gama la'aantayda
Gogoshaan ku jiifsaday hurdada, goodkii igu yaacay
Gasiinkii la ii dhigay ,waxaan gawska uga daayey
Dar guryii ka yimi baa, war baas iila soo galaye
Abidkii rag waa go’i jiree,tanise waa gaw’e,"
Cali Jaamac Haabiil
Rabbi naxariitii janno Fardawsa ha ka waraabiye,waxaan marxuumka is
barany waqtigii la bilaabay oloihii Doorashada Madaxweynaha ee
sannadkii 2010,oo aanu masuul ka wada a hayn
Istraajiyadii & isku
xidhkii taageerayasha xisbiga Kulmiye ee dalka gudihiisa &
dibad iisaba , ee dhinaca Media ha.Marxuumka oo aanu wada deganayn
Dalka Kanada,waxaanu noqonay saaxiibo aad isugu dhaw,walaalo ah,isku
hadafa,isku mabda ah,si weyna u soo w ada shaqeeyey.
Wuxuu ahaa muwaadin dalkiisa & dadkiisaba jecel,wuxuu ahaa shaqsi
go'aan adag,aan ga bi dhaclayn, tacab iyo waqti badanna geliyey
xisbiga Kulmiye sidii u ugu guuleysan lahaa Door ashada,hogaanka
dalkana uu qaban lahaa Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Si ilaanyo),Rabbina
waa u rumeeyey dadaalkiisii , hankiisii iyo himiladiisiiba.
Waxaanan marnaba iloobayn shaqsiyadiisii,dulqaadkiisi,dadnimadiisii
& dabeecada wanaa gsan ee Rabbi ku manaystay.Waxaan Allaha awooda leh
ugu baryayaa inuu saaxiibkay,w alaalkay,Marxuum
Maxamuud Caydiid
Raageh (Lafcanbe),danbi dhaaf u fidiyo,iilka u waas iciyo, iilkaa u
nuuro ,neecaw udgooniyo,ku siiyo naruuro,janno Fardwasana ka
waraabiyo, dhamm aanteena samir & iimaan innaga siiyo,aamiin.
ِإِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعون
Eng. Mohamed Ali Muse
(Farshaxan)
Senior Certified Network Specialist
| CNA |
CCNA | MCP |
A+ |
|