Saamilayda Warshadda Sibidhka Saaxil oo Kulan Ballaadh an ka Sheegay in aanay Cid gaar ahi Lahayn iyo Fariinta Dahabshiil

 


Hargeysa (TNN)- Ganacsatada saamilayda ku ah dhismaha warshada Sibidhka ee Saaxil Ceme nt Factory oo ay uu hormuud ka yahay mulkiilaha shirkadda wadaniga ah ee DAHABSHIIL, ay aa kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen ku caddeeyey in aanay warshadaasi ahayn mid cid gaar ahi leedahay ee ay ka dhaxayso ummadda Somaliland oo dhan.

Kulan oo ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen ku dhawaa d boqol xubnood oo ahaa mulkiilayaasha ama wakiillada hal-doorka ganacsiga Somaliland, kuw aas oo ka soo kala jeeda dhammaan gobollada dalka, waxa ka sheegeen in warshadda sibidh ka ee la doonayo in laga hirgaliyo magaalada Berbera u furan tahay cid kasta oo ka qaybgalay sa, isla markaana aanay ahayn mid u xidhan shirkadda Dahabshiil oo keliya.

Afhayeenka Warshada Sibidhka Saaxil Mr. Ismaaciil Xaaji Cabdi Ducaale oo ugu horreyn kulan kaasi ka hadlay, ayaa ka warramay warshadda sibidhka ee ay doonayaan inay ka dhisaan Ber bera, waxaannu yidhi, “Warshadda Saaxil Cement waa mid ganacsi oo saamilay dadku wada l eeyihiin ah oo dhawaan laga aasaasi doono duleedka magaalada Berbera Isha Allaahu, shirkad da Saaxil Cement waxay aaminsan tahay in dalku qaadi karo warshad, laba iyo saddexba si wax-soo-saar iyo shaqaba loo abuuro. Sidaa darteed waxay u aragtaa mashruuc ummadda u dan ah in dadku hantidooda isku darsadaan ay mashruucaa wada kiciyaan. Waxay aaminsan tahay suuqa jira ee sibidhku inuu mid wayn yahay ka gudaheena iyo ka dalalka jaarka ah sida dalka Soomaaliya oo burbur badani ka jiro iyo suuq weyn oo ka dhismaya bariga Afrika oo sibidhku ku yaryahay, markaa in aynu buuraheenaa ka iibino waanu ku qanacsanahay. Waxaannu aaminsanahay in aynu samayno warshad weyn oo suuqeena iyo wixii inala jaar ahba gaadhsiino.”

Mr. Ismaaciil waxa uu sheegay in Warshadda Sibidhka Saaxil ka madaxbannaan doonto shirka dda Dahabshiil oo iyada doorkeedu yahay inay xudun ama hormuud u noqotay isku keenida saamilayda, isla markaana ay u furan tahay dadweynaha inay kaga qaybgalaan warshadaasi lacag u dhaxaysa kun ilaa malyuun doollar.

“Shirkadda sibidhka ee Saaxil waa mid aannu doonayno inay u dhisnaato sida casriga ah ee shirkadaha caalamiga ah loo maamulo oo dadka maamulayaa ay yihiin qaar lagu xushay khibra dooda, waayo-aragnimadooda iyo kartidooda, muhimna maaha in saamilayda iyo maamulku isku qasmo ee dad la xulan doono, waxaanay u muuqataa in badankoodu ka imanayaan dalka dibadiisa.

Doorka Dahabshiil ee shirkaddaasi waxa weeye inuu noqdo xudunta isku keenaysa dadkii shir kaddaasi maalgashan lahaa, waayo dad tijaar iyo ganacsato ah ayeynu leenahay oo mid wal iba meel gaar ah uu iska taagnaa. Sidaa darteed in dadkaasi la isku keeno oo warshadaa lagu mideeyo xoolahooda iyo muruqooda ayuu Dahabshiil aaminsanyahay, doorkaana inuu ciyaari karo ayaa muuqata, waayo baanan waaweyn ma leh, shirkado caymis oo wax damaanad qaada ma lehin, markaa sidii uu arrimahaasi u hirgalin lahaa ayuu Dahabshiil rabaa,” ayuu yidhi Afhayeenka Warshadda Sibidhka Saaxil.

Farxaan Xaaji Cali Axmed oo ah Mulkiilaha telefiishanka madaxabannaan ee HCTV oo isna shirk aasi ka hadlay, ayaa sheegay in maadaama maalgashiga warshad baaxad weyn oo ay ku bax ayso lacag aad u badani ay caalamiyan u baahan tahay in la helo baanan iyo caymis lagu aam inayo aan looga maarmayn shirkadda Dahabshiil, “Saddex boqol oo milyan la gelinayaa waddan aan la aqoonsanahay anigu qosol baan u haystay marka horeba, laakiin marka ay ka timaado muwaadin ganacsade caan ah oo aan filayo in dadka badankoodu marka horeba lacagtooda ku aamineen inuu qaato doorkaasi oo uu ku dhiirido wadankiisii waa mid soo dhawayn mudan,” ayuu yidhi Mr. Farxaan

Waxa kale oo Farxaan Xaaji Cali sheegay in Somaliland baahi weyn u qabto maalgelin iyo wars hado wax-soo-saar oo abuura shaqooyin iyo horumar, isla markaana waxa uu cid kasta oo danaynaysa warshaddaasi sibidhka ugu baaqay inay ka qaybqaadato, isagoo carrabka ku adkeeyey maamulka warshaddu noqon doono mid madaxbannaan oo aan shaqo ku lahayn Dahabshiil.

Sidoo kale, ganacsade Maxamed Baarjeex oo ka mid ahaa dadka shirka ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi, “Shirkaddu waxay noqon doonta wax la wada leeyahay, waxaanay maasuliyadeedu saaran tahay cidaa masuulka ah umadda ee ay dadku wax u dhiibteen waa dawlada, cida ay siiso iyo siday wax u qeybsadaan dawlada ayey u taala oo sharciyadeeda way sameysay oo ganacsatadu sida ay wax u wada yeelan lahaayeen inay ka wadahadlaan ama cid quudareynaysa oo badani dibadda ha taagnaadaan ama halkan ka fadhiyaan.”

Md. Maxamed Baar-jeex waxa uu intaa raaciyey, “Waxaynu isugu nimid inaynu cadeyno in lawada leeyahay Shirkadda Sibidhka ee Saaxil oo ay tahay saamiley ee aanay cid gooni ahi lahayn oo waxa la wada leeyahay sidii loo wadi lahaana uu noqon doono wixii ay ku heshiiyaan ciddii wax wada yeelata.”

Gebogabadii kulankaasi waxa hadal ka jeediyey mulkiilaha shirkadda DAHABSHIIL Maxamed Siciid Ducaale, ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee uu ka leeyahay hirgelinta warshadaasi tahay sidii loo heli lahaa maalgashi dadka iyo dalkuba ka faa’iidaan.

“Warshadaasi mid cid lagu xumaynayo iyo mid cid loola jeedo toona maaha, waa mid dalka iyo danta dadka la doonayo in wax loogu qabto. Adduunka meel walba in lacag la gashado diyaar baa loo yahay oo waa loo gacan-haadiyaa ama la kala xodxodtaa cidii maalgashanaysa, laakiin ma jirto dunida meel tidhaahda yaan waxba la gashan oo yaan waxba la samayn oo wax allaale wixii la qaadaba qaylo ooda laga qaadayaa. Inkasta oo aanan cid durayn, inaga maalmahan waad arkayseen muranno taagtaagan, markaa taa dadka waxaan leeyahay anagu ballaayo ma wadno, cid duulaan kuma nihin, gobol iyo cid iyo meel aanu qabsanaynaa, laakiin waxaannu isleenahay waxqabta, taa haddii dadka qaar khalad u fahmaan waa nasiib-darro,” ayuu yidhi Maxamed Siciid.

Waxa kale oo Ganacsade Maxamed Siciid Ducaale beeniyey in la siiyay buuraha sibidhka Berb era, waxaannu yidhi, “Buuro naloo xidhay ama nala siiyey ma jiraan ee warshad liisankeedii ayaa nala siiyey, marka ay hawsheedu bilaabantana meelaha ay sibidhka ka qaadanayso dawl adda ayaanu uga fadhinaa. Buur cid la siin karaa ma jirto oo haddii aynu is nidhaa qaybsada buuruhuba inaguba filna. Ta labaad maalmo dhawayd waxa tiifiiyada laga sii daayey kaabado la leeyahay cid baa leh oo laga dumiyey, dadweynaha waxaan u caddaynayaa kaabado aannu meel ka samaynay, kaabado nalaga dumiyey oo aannu leenahay ma jiraan, malaha kaabadaha la duminayey wuxuun baa dhigtay kuwa duminayey ee annagu shaqo kuma lihin. Annagu shuruucda dalka ayaanu u hoggaansanahay, bogcadii laga dhisi lahaana warshadda dawladda ayeynu uga fadhinaa oo inoo tilmaamaysa. Shirkaddanina maaha wax cidi tuurta ku sidito ee dadka oo dhan way u furan tahay oo qof waliba dantiisa ayuu ku galayaa, kuwa na diidani haddii galayaan cidi uma diidana ee albaabadu way furan yihiin.”

Dhinaca kale, ganacsade Maxamed Siciid waxa uu sheegay in aannu qorshahoodu ahayn ku koobnayn warshadda sibidhka oo keliya, balse ay ku talo jiraan sidii ay dalka uga samayn lah aayeen warshado kale oo wax-soo-saar oo dadweynuhu wada leeyihiin ee aan iyaga gaar u ahayn.

source: thn