Saamaynta Mustaqbal ee Guurka Wajaale ma Sargoyn Doontaa S ixirka Suuqa Guurdoonka Somaliland?.

 

Mustafe Future

Guurku waa nimco ka mid ah Nimcooyinka illaahay Bixiyo, waana Furaha Taranka Bulsho, kana Fogeeya Xumaanta iyo wixii la mid ah, Waana Hoyga Nafta Bani’aadamku ku Xasisho kuna nasato. Guurku waa dhaqanka islaamka, waana dariiq muftaax u ah isdhexgalka Bulshadda, Deganaansha Bulshadda, Fura ha Rajadda Mustaqbalka Dhalinyaradda iyo Dabarka Nafta ee Xumaha

Hamiga Guurku Waxa uu ku jiraa Maskaxda Qofkasta, hiigsigiisu wuu ku dheeryahay Ruux walba marka uu yaryahay, Waxaana loo soo maraa Dariiq dheer oo Gogol xaadh u ah, kaasi oo Dhib iyo dheefba la soo mara Ruux walba oo Gudo gala hasaawaha hore ee Sheekadda Guurka.

Waa hoyga Rasmiga ah Naftu ku Raaxaysto, kagana nasato Hawl maalmeedka shaqo, Nuxurkiisu Waa nolol, Niyadiisu Waa fahan, Nasiibkiisu Waa Ubad, Waana Dhaxal soo jireen ah oo illahay ugu Deeqay Bani’aadamkiisa.

Aan u daadago Dulucda Mawduuca Guurka Wajaale ka soo Kordhay oo dhawaanahan aad looga hadal hayo Somaliland, Wajaale oo ah Degmo Ganacsi oo ku Taala Xadka udhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa la sargooyay Qiimaha Doonista hablaha (Marriage Discount), taasi oo Qiimaha Guurka  ina nta lagu dooni karro laga dhigay (2000 birr) oo u dhiganta ($118), iyada oo aanu qofna ka kordhin Ka rin qiimahaasi oo Culimadda Degmada Wajaale ku guulaysteen inay ka hirgalinayaan Guud ahaan  Deeg aanka Wajaale.

Arintan oo hore uga hirgashay Deegaano ka Tirsan Itoobiya ayaa in dhawayd soo gaadhay Degmada Wajaale, taasi oo aan la malayn Karin halka ay saldhigan doonto, iyada u fududaysay Gayaan Badan  o o Gabaatigu geed ku xidhi jiray Wakhtiyada qaar,Soona Dhaweeyeen Waalidiinta iyo dhamaan Dadka Deegaanku ayaa la filayaa inay ku faafto Somaliland.

Somaliland ayaan hore loogu Arag arin noocan oo kale ah, taasi hadii ay soo Gaadho Dalka oo dhan  Sa amayn ku yeelan karta Sixirka Guurka Somaliland oo heehaabaya Ruuxba halkii laga helo iyo Afkaagu Wuxuu kuu gooyo.

Culimadda Somaliland ayaa in badan ka hadashay in Qiimaha Guurka hoos loo dhigo balse taasi may  su uro galin marka laga reebo wajaale oo ay dhawaan soo gaadhay si baaxadlena uga hirgashay, taasi oo wakhti badan ku Qaataday Culimaddu inay ka dhaadhiciyaan Hoos udhac lagu sameeyo Guurka, lana  S argooyo Qiimaha Gabaatiga laga bixinayo Gabdhaha Gayaanka ah.

Waa arin ku soo korodhay Dhaqankii Guurka somalida oo ku soo fidaysa Deegaanadda somalida iyadda oo ka soo bilaabantahay Dalka itoobiya, manta soo maraysa Deegaanno ka tirsan Somaliland, baryah an danbe aad looga hadal hayo somaliland.

Arintan ayaa meesha ka saari karta Caqabado Xoogan oo horyaalay dhalinyarro Gayaan ah oo Jeebkoodu ciilay, Waxa kale oo ay yarayn kartaa Dhaqan xumadda badanaa ku kacaan qaar ka mid ah Dhalinyarada somalidu.


Guntii iyo gabogabadii waxaa iswaydiin leh, Arintani Saamayn intee leeg ayay ku yeelan kartaa somaliland hadii ay soo gaadho wadanka oo dhan? Se wax dhibaato ahi ma jirtaa hadii sixirka guurka la sargooyo?

Waxaan u dhaafayaa jawaabta Akhristeyaasha.



Wa bilaahi Tawfiiq.

 

 

 

 

Mustafe Future
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/somaliland