Saalax-Waateynta Riyaale ee Warshadda Sibi dhka Berbera & Somajestannimada Siilaanyo ee Baarlamaannada Yurub!!

 

     

Ninna dhuunuu kuugu dheggan yahay, nin dhaqashuu kuula dhuubtuu kuugu dholondholey !! Ereyadani, waa kuwo baac dheer oo duur-xul leh, laguna kala saarayo fukucleynta ragga , iyo Falsamaanta fiirada leh ee inta daacadnimadu wehelka u tahay. Waxa maanta ka dhacaya  Somalila nd, ee Maamul xumo, Hanti boob , Shuruuc jebin, Dastuur ku tumasho iyo Xil-Gudan waaba leh , Maaha wax uu Riyaale iyo Kooxdiisu ku keli yahaiin ee waa mid ay Bulshadii sida qaldan ugu codeysey sababtey, waana mid ay bixiyeen oo laga jarey gafkeedii, markii laftiisa lagu kerbaashey ilaa ay laba caanteyn oo isku dhaca jeebkaba ka weydey, khayraadkii Badda la xaalaufshey, Hantidii ma guurtada ahayd iyo Dantii Guudna imika laysku hayo!!

Bulshadu marka ay Caddaaalad iyo u samayn weydo kala doorashada Mas'uuliinta ay xilka u dhiibaneyso, sidey Ilaahay uga sugeysaa in uu iyana uga xaqsooro Maamumul ku sargacmey?!! Waxa horteeda yaalla Biriishkii labaad ee Caasimadda oo shan sano imika qabyo ah jeex dhan oo caasimadda ahina go'doon yahay marka uu Daad soo rogmado!!

Waxa hortooda shaley dhaweyd ka dhacay in Afar Guri Dab qabsadey ku bes-beeleen oo Dab-demis aanay lahayn Caasimaddu, waxay Hargeysa khatar ugu jirtaa, Alle kuma keenee, Hargabyadan shimbiraha iyo  Doofa arka ee aduunka gilgiley haddii ay ka soo yar ruqaansadaan dalalka  jaar ka ah , sida aanay maanta u lahayn waxdii Gurmadka Cudurrada Faafa , aqoontii u carbisneyd iyo Goobihii u ciyinnaan lahaa Hawlahan, halka uu Madaxweyneheedii Saalax waateyn uu Warshaddii Sibidhka ee Berbera ugula jiro share iyo Dillaal Amiirka Kuweyd wiil uu dhaley!!

Dhinaca kale, Waxa Goleyaasha Siyaasadda ee Dawladaha  iskandanee fiyanka loo yaqaan ee Yurub lagu Martiqaadey oo fadhiyo wadajir ah oo Aqallada Baarlamaanka ee Dalalkaas arrimaha Somaliland Wada xaajood kala leh, hawlo sooma-jeestenimo Siyaasadeedna ka wada  Madaxweyn aha Mustaqbalka Dalkan , Xaaji Axmed Siilaanyo. Labadan taswiirood ee midna hoos-ka-Faasixid hanti qaran aan sifo Dastuurka waafaqsaneyn loogula guguurtey Wiilka Amiirka kuweyd dhaley iyo Kan shaleyna Halgankii Ummadda hoggaaminayey, maanta xilli ay dagan tahay u garaacaya Albaabada yurub si danaheedu u meel maraan, hadduu simo Muwaadinku, Alle ha u naxariistee, jiritaankiisu waa khasaare!!

Caasimadda iyada oo bad Biyo ah ku fadhida, haddana harraaddani, iyana waa musiibo wax ku qaadasho leh!! Caddaaladda Distida Madaxa kula jirta ee Xeerarkii Faqashtu weli Dhaqan galka ka yihiin Dalku, iyana waa musiibo kale. Dalkan haddii soddon sano uu Maamulkanu joogo aan laba caanteyn isu gaadheyn ee dhawr gobolba lacagta goonida ahi ka socoto, kuwa weli Riyaale iyo Maamulkiisa hadal hayaa, waa qaar kula bahoobey khiyaamada Ummadda iyo Dalka!!

Mashruucii Dabin gelinta ee Madaxtooyadu mucaaridka u qurxisey ee Serverka ay xujada uga dhigeysay, waxa uu u eeg yahay mid xagga Alle laga kashifey.

Hullel dhaqaaqa wafdiga uu wasiir Cawil hoggaminayey ee Kiiniya u  teg ey in ay Deeq-bixiyeyaasha ka soo codsadaan in qaybtii yared ee laga sugayey Maamulka Riyaale ay u suura-geliweydey in ay keenaan, waa tusaale cad halka ay Ummaddani ku sugan tahay!! Meel haddii aan  shur uuc shaqeyneysa, Dastuur dhaqan gal ah iyo shuruuc dhaqaale  muujin eed ka jirin, sow Budcadnimo Nidaamsan oo Maleeshiya  adeegsan eysa maaha waxan aynu dhoob-dhoobeynno!! Ilaa Ciidammo Qaran oo Darajeysan la helo, Ummadda iyo Dalkaba Fadhateysi ayaa ku socda'e waa in la soo af-jaraa!! Qoladan Mucaaridka ee niyad samidu halaagtey, waxa la gudboon in ay ogaadaan koox tuug ah oo xadhko goys ah inay Alle-ka-baqda, shuruucda dhawra oo Dastoorka ilaaliya leeyihiin!! iyana aanay uba oollin waxan ay ka hadlayaan!! Maxay u eegi la'yihiin Ciyaarta "Robinhoodska" sida looga dabbaasho!! ee ay Spidermen ugu noqon la'yihiin!!?

Riyaale waxa uu doono wuu ku qori waraaqaha hor yaalla, waxa uu  doo no laakiin, Irbad ay Ummaddu wada leedahay, wax ka weyni ha joogee, awood sharciya uu ku bixiyo mid toos ah, iyo mid dadban, midnaba  maa nta ma laha oo waa ku sime Doorasho keliya!!

Goleyaasha Sharci-Dejintu maxay Guul-darradan aynu arkeynno ee  Ser verka dhicisoobey uga quusayaan ee ay uga fadhiisan la'yihiin xaaladda Dalku marayo ee aan isdilloda ah!! Waa Axmaqnimo aan loo dambi dhaafi kareyn iyo khioyaamo qaran in la sugo, gacan ka hadal siyaasadeed oo ka dhasho xeeladihii muddo kordhinta oo aan hubu in jawaabteedu  maa nta ka duwanaaneyso kuwii hore, haddii laysku dayo!! Qiiqan Suldaanka beesha gar iyo Xukun diidka ahina ee Bardaale , laga yaabo in uu oloka huriyo !!.


 


Dr. Cali Cabdi Muxumed