Run ha sheegin, been ha sheegin, waxaad sheegtana ha waayin .... Hamud Duale
 


Waxaan ka qaybgalay, habeen hore, xaflad lagu soo dhaweynayey, wasiirka arrimaha Guda ha ee Somaliland Mudane Waran Cadde, oo lagu qabtay galbeedka London. Xafladan oo aan nooceeda hore loo arag. Qabanqaabiyayaashii waxay sameeyeen barnaamij uu wasiirka oo keliya ahi ka khudbanayoo. Waxaa kale oo ay fursad siiyeen ka soo qaybgalayaashii oo haad u helay, talo dhiibasho, faallo iyo su’aalo.

Xafladani, waxaa kale, oo ay kaga duwaneyd xafladiihii hore ee aan arki jirey, beel iyo jilib gaar ah, oo dadka kale ka badan oo dig iyo dam laynaaya, si ay dadka ka xigaan masu’uulka qaran , oo ku jiidh jiidha, kuma arag. Waxay ahaayeen, dad habaq le ku yimi oo kala wada duduwan. Waxaan ka yaabay, waxay ahayd xaflada keliya ee raggu, haweenka ka badnaayeen.

Sidii qorshaysnayd, markiiba waxaa mikaroofoonka lagu wareejiyey Mudane Warane Cadde. Wuxuu soo jeediyey warbixin guud oo ku saabsan Somaliland. Khudbad aan asluubi ku dheeh an tahay, guul wadaysnayn, mucaarid ahayn muxaafidna ahayn, Khudbad ku qotonta danihii sa gaarka ah oo aanu dooneyn, in ay cidi ka dido, cidina gaar ugu riyaaqdo. Khudbad ku koo bnayd murtida ah: “Run ha sheegin, been ha sheegin, waxaad sheegtana ha waayin.”

Markii khudbadii dhammaatay, ayaa dibnihii shakaalaa ee ka soo qaybgalayaasha doodii, loo furay, Xidhiidhiyihii Barnaamijka Mudane Iid, ayaa cadaaladiisii ku saleeyey in kolkii ruux haw eena u yeedhaba, raggana mid uga yeedho. Waxaa lagu boobay su’aalo xag jir ah oo xeela daysan, isna wuxuu uga jawaabay si xarago leh oo xeeladaysan, “Run ha sheegin, been ha sheegin, waxaad sheegtana ha waayin.” Shidanaaba, shidin.

Haddaba waxaa la yaabka lahaa, marka su’aal weerar ku ah xukuumada uu ka tirsan yahay la weydiiyo, dadweynihii ka soo qaybgalay, sacab bay ku taageerayeen dhammaantood- in yar mooyaane- si aad moodo in uu mid waliba isleeyahay, waa su’aashaan weydiin lahayd. Markuu isagu ka jawaabana badh baa sacab ku taageerayey, jawaabta aan cidna ka dideen, cidna daaya lahayn, cidna deyrineyn ee uu ka bixiyey, iyaga oo aad moodo in uu tuhun ka galay in uu yahay musu’uul mudarka ah oo aan guul wadayneyn, oo garaadkiisa hadlaaya.

Haddaba markaan weydiiyey, ka soo qaybgalayaasha, aragtiday ka qaateen wasiirka, qaar baa igu yidhi, waa siyaasi rug caddaaya, dawlado badan la soo shaqeeyey, UDUB ahaan jir ey, oo ka dhex mudhay wasiirada aw awran ee dawlada KULMIYE, shiiqiyeyna khudbadaha ay akhriyaan.

Qaar kale waxay igu yidhaahdee, waar waa dantii maraate, caado qaata ah, calooshiista u shaqayste, cidna dan iyo muraad ka lahayn, oo aan waxba xeerin. Dawladduu hoosaasinaya. Waa UDUB koley daahiri maayo. Waa awr kiraale dawladaha xun xummi aanay ka maarmin, kol ay tii Cigaal ku tahay.

Qaar kale waxay igu yidhaahdeen, dawladda ayuu hoosaasinayaa, waana markii ugu horeys ey ee uu London yimi, oo waa sooryo doon. In ay beelaha qaar ka dudaan rabin, in mucaarid ka dido dooneyn, in muxaafid ka dido aan dooneyn. Siddedabana waa kii faraha kaga gubte y, isaga guulwadaynta ku talax tegaya, Madasha wada tashiga iyo toosinta iyo dooda qar an. Waa kii ku tilmaamay cadaw Xamar laga soo dalbaday. Markaa way u furan tahay in uu is dhawro.

Guud ahaan. Dadka badankiisu, way u bogeen wasiirka hab dhaqankan cusub ee uu la yimi oo aan looga fadhiyin ee uu su’aalihii uga jawaabey.