Rugta Ganacsiga Somaliland oo qabanaysa Carwadii Lixaad

 


Qoraalka Rugta Ganacsigu soo saartay oo lagu socodsiiyay dhamaan Ganacsatada Dal ka iyo kuwa Caalamiga



Hargeysa(TNN):- Rugta Ganacsiga Soamliland ayaa ku dhawaaqday in ay qabanayso ca rawadii Ganacsiee Lixaad ee dalka ka qabsoonta, taasoo qabsoomi doonta 1-7 bisha No vember ee sanadkan, sida ay ku baahiyeen Qoraal rasmi ah oo ay Saxaafadda u qaybi yeen.


Carwada Lixaad ee Rugta Ganacsigu qabanayso ayaa ka dhici doonta sanadkan Hotelka Guled Park ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo loogu diyaariyay Ganacsatada Somalil and iyo kuwa Caalamiga ahba adeegyada ay u baahan yihiin.Qoraalka Rugta Ganacsigu soo saartay oo lagu socodsiiyay dhamaan Ganacsatada Dalka iyo kuwa Caalamiga ahba waxay u dhignayd sidan:-

"Waxa la Ogaysiinayaa Dhamaan Ganacasatada Soamliland iyo kuwa Caalamiga ah, Hay’adaha Wadaniga ah iyo kuwa Caalamiga ah iyo dhamaan bulshoweynta Somaliland in Rugta Ganacsiga Jamhuuriyadda Soamliland ay qabanayso Carwadii Lixaad Ee Ganacsiga Somaliland, taasoo ka dhici doonta Hotela Guuleed Park oo ku yaala xaafadda Jig-jiga yar ee magaaladda Hargeysa Taarrikhhdu markay tahay November 1 deeda- ilaa 7 deeda 2013 haddii alla yidhaahdo.
Hadaba waxay Rugta Ganacsiga Soamliland Dhamaan idinka codsanaysaa inaad ka soo qayb gaashaan Carwada Qaran."


Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha ee Somaliland

Allaa Mahad Leh