Roobkii Gu’ga oo ka curtay manta gobolka Gabilay iyo jawiga Hargeysa
oo aad u kulul Daruuro awgood
Roobkii Gu’ga oo ka curtay manta gobolka Gabilay iyo jawiga Hargeysa
oo aad u kulul Daruuro awgood
Hargeysa (TNN)- Wararka naga soo gaadhaya Gobolka gabilay ayaa
sheegaya in raxmadii u gu horeysay ee Roobka Gu’gu uu manta ka
curtay degaanada Kala-baydh iyo jiida u dhaxay sa Wajaale oo ay
heshay Daruur aad u fiican oo ay dadka jiidaas degani aad ugu
qabawsade en.
Roobka da’ay ayaa la sheegay inuu si fiican u biyo dhigay isla
markaana cirku aad u buuxo oo la filayo inuu si fiican uga da’o
jiido kale oo ka tirsan deegaankaasi.
Magaaladda Hargeysa ayaa ilaa manta heer kulkoodu aad u kacay kadib
markii ay circa soo buuxiyeen daruuro farabadan oo aad u qurux badan,
kuwaas oo dhaliayay Huur xad dhaaf ah hase yeeshee ilaa ma hada muu
di’in.
Si kastaba ha ahaatee curashada roobka sanadkan oo wakhtigii la
filayay dib uga dhacay oo keenay abaar adaga oo dadka iyo xoolahaba
soo food saartay ayaa toddobaadkan ka da’ay gobolada dhexe ee
Somaliya, halka uu shalayna ka helay jiida galbeed ee dhinaca
Itoobiya ee Degmadda Wajaale.
Ilaa hadase waxa socda biyo dhaankii loogu gurmanayay Deegaanada ay
biyo la’aantu ka jirto ee goboladda Dalka oo dhan
Source: Waaheen
|