Roobab Laxaadle oo ka da,ay Deegaano ka tirsan Goboladda Sool iyo Sanaag bari

 

Laascaanood (Longlivesomaliland News)-Waxaa xalay ilaa saaaka  barqani madii ka da,ayay magaalada laascaanood gudaheeda iyo dhamaan  deegaa nada ku dhaw dhow roobab ma hiigaan ah.

Roobabkan ayaa helay inta laga waraqabo degmooyinka ku hareeraysan magaalda Laascaanood sida Xudun Yagoori Adhicadeeye dhinaca barina Tukaraq,Ganbadh iyo Higlada halka dhinaca kale uu gaadhsiisanyahay ilaa magaalada Buuhoodle Ee xarunta Gobolka Cayn.

Biyo farabadan oo ka dhashay hogoshii xalay ayaa saaka Qulqulayey  Wado oyinka waawayn ee magaaladda Laascaanod iyadoo dhawaanahanba  sha cabka reer lascanod la kacaa kufayay abaaro iyo biyo yaraan Waa markii labaad tan iyo intii xili roobaadku bilaabay roob 1:00Am habeenimo Ilaa  10:00 Subaxnimo.

Iyadoo dhawaanihii ugu danbaysay ay abaarta iyo biyo yaraantu ay  gaad heen heerarkii ugu sareeyay kadib markii 3dii sano ee ugu danbaysay  ayn an deegaamadani helin roob fiican iyadoo magaalada Laascaanood ka hor bilowga Deyrta ay foostada biyaha macaan gaadhay 3dollar una dhiganta ilaa boqolkun oo shilinka somaliga ah.

Mar aanu xidhiidh la samaynay Degmooyin hoos taga Gobolka sool ayaa  wa xay ii xaqiijiyeen inay heleen roobab lagu diirsaday iyadoo mudooyinki la soo dhaafayna laga soo sheegayey abaaro baahsan.


sidoo kale roobabkan ayaa helay qaybo kamida Waqooyiga gobolka sool walaw uu khasaare soo gaadhsiiyay reer guuraaga oo uu qaaday xoolo aan hada tiradooda la sheegin meel u dhaxaysa adhicadeeye iyo magaalada laascaanood dumiyayna carshaan badan oo ku yaala dhulka qaarkiis.
 



Wariye Ciise Cabdisamed Axmed
Longlivesomaliland News Reporter
Lasanod office
email:qanciye_ciise@hotmail.com