Roobab
Baraf iyo Dabaylo wata oo Saacado badan ka
da'aayay Hargaysa

Waxa maanta galinkii danbe magaalada Hargaysa ka da'ay roobab aad u
xooganaa o watay baraf iyo qabow aad u xad dhaaf ah iyo waliba
dabaylo, roobbkaasi oo bilaabmay ila shantii galabnimo wax yar ka
hor ayaa da'aayay ilaa caawa sagaalkii fiidnimo wakhti ku dhow
Magaalada Hargaysa oo buuralay ah iyo nawaaxigeed ilaa iyo gobolada
ku dhow dhow ayaa iyagana ay roobabkani helayeen ayaamihii ina soo
dhaafayba kuwaasi oo uu roobkan caawu uu aad uga duwanaa roobabkii
da'aayay ayaamahii ina soo dhaafay kan oo aan baryahaasi la arag
noociisa oo kale , sababta oo ah waxa uu si is haysta u daayay mudo
shan sacadoood ku dhow dhow.
Roobabkan ayaa aad ugu badnaa dhanka koonfureed ee magaalda Hargaysa,
siiba dhanka xaafdaha dumbuluq, Siinay, Aktoobar, ilaa Maxamed Mooge,
kuwaasi oo uu ka da'ay roob aad u laxaad lahaa oo laga yaabay,
roobabkani ayaa in mudo ah ka sii da'aayay xaafdahaasi iyada oo uu
ka qaaday xaafdaha galbeedka iyo bariga magaalda oo aan sidaasba uga
sii fogayn xaafdahaas, ilaa hada lama garan karo wax khasaare ah oo
uu gaystay roobabkaasi.
Sida ay qarannews, u soo sheegayaan wariyayaasha gobolo kale oo ka
mid ah gobolada Somaliland ayaa iyagana ay maanta ka da'een roobab
aad u laxaad lahaa sida gobolka Togdheer oo isna ay maanta roobabku
ka da'ayeen, todobaadkan ayaa roobabku ka da'ayeen dhamaan gobolada
dalka oo dhan.
Sida ay doontaba ha ahaatee waxa caawa dul hogaaya magaalda Hargaysa
daruuro aad u faro badan oo laga cabsi qabo in ay mar kale roobabku
bilaabmaan,doraad ayuunbay ahayd markii uu daad soo rogmaday uu
maraaya dooxa Hargaysa uu qaaday gaadhi Bus-ahaa kaasi uu qaaday
kadibna uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba lahaa.
Source :qarannews
|