Roob
Lagu Qabawsaday Oo Ka Da’ay Gobolka Gabiley Iyo Beeraleyda Oo Isu
Diyaarinaysa Falashada Dallagyada.

Roobkan, ayaa ka hooray Magaalooyinka Gabiley, Kalabadhayd, iyo
Wajalle, waxaana ... Daawo Sawirrada
Gabiley (TNN)- Roobab xoog leh, ayaa ka curtay markii u horeysay
xilliga Guga gobolka Gabiley oo ku yaalla dhanka Galbeed ee
Somaliland, iyada oo Roobabkan soo afjareen abaar aan xooganayn oo
ka jirtay deegaankaas.
Roobkan, ayaa ka hooray Magaalooyinka Gabiley, Kalabadhayd iyo
Wajaalle, waxaana u ahaa mid lagu qabowsaday , iyada oo biyuhu ay
qulqulayaan dhulka dooxooyinka ah ee deegaankaas oo u badan dhul
beereed ballaadhan.
Beerlayda gobolka Gabiley, ayaa maalmihii u dambeeyay oo Roobabka
xilliga Gugu ka curteen qaybo dalka ka mid ah , isu diyaarinayey in
ay fashaan beerahooda, iyaga oo sugayey dhibicda ugu horeysay ee
Roobabka, waxaana ay beeri doonaan dallagyo kala duwan hadda.
Roobabka , ayaa hore ugu da’ay gobolada Somaliland qaarkood, waxaana
weli jirta abaaraha oo sameeyay xoolo dhaqato badan oo ka taagan
deegaamo ku yaalla Galbeedka iyo Bariga.
C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland
|