Riyaalow Roobkii waa da'ay

 

Ka rogoo hadana saar ku raroo hadana roga raacoo hadana roor ramag maal hadana raro.

Maxaan ka faaloonayey maxaan saadaalinayey maxaan sir iyo caad usii sheegayey.

Garashaa iga hadlinaysey gu'baa i gubaaya gar-daraan arkayey geelbaa iga habeensadey gob-baan ahay oo gobanimaan rucle-goobayaa garbaan u leeyahay inaan gardaadiyo gol-qaniin baa gorof-legdaya hadana waan gadaalinayaa gurrac baan arkayaa oo hadana gam'ayaa gefbaa lagu daweeyaa gol-daloolada.

Doorashaynu hadal hayney, waad tirsanaysaa waana lagula tirinayaa oo laguu tirinayaa.
Miskiin meel uu ka hadlayo iyo wuxuu kahadlayo aan fahmin Axmed Yuusuf Yaasiin waakaa inoosoo qadimey fariintii Riyaale shaxeexii shaashaynta dib loogu dhigayey dalabkaagii doorasha u samirka maandhow, ma'dhowa mana dhadhamayo dhawaaqaasu.

Abaarta laga ducaysanmaayo akhyaareey ee waa lagu ducasanayaa dadkaba Ilaahow rogoo anaguun meesha nagu haybaa loo dibid baxayaa ee muwaadin garo oo gunto gefka laguu gogley.

Nimankan Ilaahay inooga wakiil ducaynayaa maalkooda, ma'kalkooda, iyo mal-biskooduba waa xaaraan Dalkaba xaaraan bay ku haystaan Dadkana Xammaaqad bay ku xukumaan xaggay iiga ducaynayaan xabaalayba iiga xoola urursanayaane'

Waxaad yeeli lahaydba muwaadin, laguu sheeg inaan doorasho dhacayn haabkeed iyo hadhuubkeedna tollayn, tabaabushe & tilmaan abaareed baa loo tafa xaytey

"Gudinyahay badhkay baa kugu jira e' imaad goyseen geed baa yidhi"
Kulmiyaa ka dhiganoo malaa catowgaasu caawa u egyahay. badhkiibaa badhka neceb u biyo dhaaminaya.

Qayla dhaantii Axmed yuusuf Yaasiin abaar sheegii lagu dabayla xaagaa raacinayey maalmaahaa kaarka badan ee sida dermada usoo duubmayey.Darewal biyo-dhaamis kuwada Hawd waqti ay ahayd gaadhi-gaadhi saar ayaa daruuri dul timi markaasuu daaqada luqunta ka laadlaadshey oo yidhi gaadhigii oo soconaya"Raggii del-dellaa ma'deen bixine' Daruurta cirkay haygusoo di'in"

Waxa ka dhigan ninkaa balweeyey ee biyaa sidey kooxda ina Riyaale abaar Eebe inooga tolliimo iyo taakulayn tuugatay. maxaa qaylo dhaan iyo qorshe Rabbiga Qaaddirka ahi ku ilma celiyey dhigeen. Riyaalow Rabbi kaama yeelinoo Roobkii waa da'ay.

Yufle roobka ka curtay baa habeen maray ilaa uu ka gudbey Buuhoodle biyana kaga tegey dhulka intaa u dhaxeeya balladh iyo baaxad,Ilaahow ku magan Ilaahow waa mahadaa Ilaahow waa galladaa Ilaahow waa noo guul horaanteed iyo gacan qabasho.

"ROOBOW HIGLOW SOO DA' RIYA DARARIYOW SOO DA' AQALKAYAGA DABADIISA KAXUMBEEYE KA XAREEDSHE.

Ammaano Alla iyo daadwararac,
 

 


Ahmed Haji Yussuf Dualeh

London.