Riyaale Oo Si Qarsoodi Ah Shalay Dalka Uga Dhoofay Kadib Markii Udub Uu Gacantiisa Ku Burburay Afartii Ugu Dam beeyey Ee Ku Hadhayna Midba Meel Ka Fud Kudiyey


 

 

Hargeysa, September 10, 2012 (TNN) - Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay si qarsoodi ah dalka uga dhoofay markii uu ku fashilmay maaraynta khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo afartii xubnood ee ugu dambeeyey ee kaga hadhay xisbigii Udub, kuwaas oo kala ahaa Cali Maxamed Waran-cade, Siciid Sulub, Axmed Xaaji Daahir Cilmi iyo Cawil Cali Ducaale oo dhamaantood Wasiiro ka ahaan jiray xukuumadii Rayaale xiligii uu dalka Madaxweynaha ka ah aa. Xisbiga Udub ayaa tan iyo intii uu ku guuldaraystay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday 2010 waxa la soo gudboonaaday kala qaybsanaan iyo burbur is daba joog ah, kuwaas oo ka abuurmay loolan ay kooxaha xisbiga dhexdiisa ka dilaacay u galeen sidii ay mid walba iskee d gacanta ugu dhigi lahayd talada iyo hogaaminta xisbiga.

Hirdankaasi dhexmaray kooxaha ku taamayey inay hantiyaan awooda hogaamineed ee xisbiga ayaa bilaabmay kadib markii Mr Daahir Rayaale uu talada dalka ku wareejiyey madaxweynihii la doortay Axmed Siilaanyo ee uu isla markaana dibada u dhoofay bishii August 2010, waxaanu hirdankaasi wuxuu sii socdaba aakhirkii gaadhay heer uu gudoomiyihii xisbiga ee Daahir Rayaale uu shalay dhuumasho Berbera diyaarad uga raaco isaga oo u sii jeeda magaalada Paris ee uu haatan degan yahay. Khilaafkan u dambeeyey ayaa ahaa mid ku kooban Daahir Rayaale, Axmed Xaaji Daahir iyo Cali Warancade oo dhinac ah iyo Siciid Sulub iyo Cawil Cali Ducaale oo iyaguna dhinac ah, waxaana la isku diiday cida noqonaysa murashaxa xisbiga ee Mdaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiye ku xigeenka cusub ee xisbiga.

Daahir Rayaale oo sida la sheegay Cawil iyo ina Sulub midba mar hore dhabarka uga taabtay isaga oo mid walba gaarkiisa u balan qaaday inuu xisbiga ku wareejin doono ayaa hadana Cawil iyo Ina Sulub waxa ay ku ambabareen is xulafaysi cusub oo dhex maray daahir Rayaale, Cali Warancade iyo Axmed Xaaji Daahir, waxaanay dareemeen in cidlo lagaga tagay arintaasi waxay xisbigii Udub gayeysiisay in doorashadii golayaasha deegaanku ay soo gasho iyadoo xisbigii kala daadsan yahay, isla markaana ay xisbiga ka dareereen xubnihii ugu firfircoonaa iyo xildhibaanadii uu ku lahaa golayaasha wakiilada oo uu xitaa awoodi kari waayey inuu soo xulo murashaxiin uga qaybgasha doorashada golayaasha deegaanka, iyadoo wakhtigii loo qabtay soo gudbinta liisaska murashaxiinta uu ku eegyahay 14-ka bishan.

Hadaba markii ay arimahaasi ku soo oodmeen ee ay jiq ku noqdeen ayaa 4-tii ugu dambeeyey ee Mr Riyaale Udub kaga hadhay uu midba meel ka fud kudiyey iyadoo Cali Warancade uu shalay sheegtay in xisbiga Udub aanu ka qaybgali doonin doorashada golayaasha deegaanka.

Hase yeeshee warar lagu kalsoon yahay oo aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in arinta qaadacaada doorashadu ay ku kooban tahay Cali Warancade oo kaliya oo aanu la qabin Mr Riyaale oo isagu ah guddoomiyaha sharciga ah ee xisbiga.

Dhinaca kale xisbiga Udub ayaan lahayn guddoomiye ku xigeen iyo xoghaye guud iyada oo Axmed Yusuuf Yaasiin iyo Jaamac Yaasiin Faarax ay dhawaan sheegeen inay ka baxeen xisbiga, sidoo kale ma jiraan gole dhexe iyo gudi fulineed oo xisbiga u dhisani.

Mr Rayaale intii aanu dalka ka dhoofin ayaa la sheegay Inuu qoraal u gudiyey Komishanka doora shooyinka uu kaga codsanayo in dib loogu dhigo laba todobaad murashaxiinta golayaasha deeg aanka xiligii ay ku ekayd araajida murashaxiinta. Hase yeeshee Komishanka doorashooyinka qara nka ayaa la sheegay in Mr Rayaale ay u sheegeen inaanay suurtoobayn in dib loo dhigo xiliga ka ma dambaysta ah ee qabashada liisaska murashaxiinta, dhinaca kale warar aan wali la xaqiijin ay aa sheegaya in Mr Rayaale damacsan yahay inuu kha lkhal siyaasadeed uu dalka ka dhex abuuro oo uu ku talo jiro in marka uu Paris gaadho uu warbaahinta la xidhiidho oo uu sheego in xisbiga Udub uu qaadacayo doorashadii golayaasha deegaanka ee loogu talo galay inay dalka ka dhacdo dabayaaqada sanadkan.
 

Haatuf