Riditaanka Shir-guddoonka Oo La Sheegay Inay Ka Dambayso Xaalad Lagu
Burburinayo Golaha Wakiilada
Waxa Lacag La Daba Taagan Maalqabeen Reer Xamar Ah Oo La Yidhaa
Shariif Axmed Siciid Iyo Waki ilo U Fadhiya Somaliland
Hargeysa, December 3, 2010 (TNN) – Waxa soo shaacbaxaya warar
tilmaamaya in ololaha ka dhex so cda Aqalka hoose ee
Baarlamaanka ee la doonayo in lagu rido xubnaha Shirguddoonka ay ka
dambay so xeelad ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaanada wakiilada,
taas oo la doonayo in lagu kala burburi yo golahaasi.
Xildhibaanada loo tirinayo inay dabada ka wadaan qorshahan lagu
bedalayo xubnaha shir-guddoonka ayaa waxa soo ifbaxaya inay xidhiidh
dhaw la leeyihiin maalqabeen Reer Xamar
ah oo magaciisa la yi dhaa Shariif Axmed
Siciid, kaas oo ganacsi farabadani uu uga socdo dalka
Somaliland Guddihiisa.
Hase yeeshee mudaneyaal markii hore si kale loogu dhigay ujeedadii
laga lahaa qorshaha lagu ridayo xubnaha shirguddoonka ayaa hadda u
muuqda qaar taageeradoodii kala noqday,
kadib markii ay fah meen in gacan shisheeye ay ku jirto qorshahaas,
isla markaana laga damacsan yahay ula jeedooyin siyaasadeed iyo
ganacsiba oo khatar ku ah danaha Somaliland.
Maalqabeenka Shariif Axmed Siciid ayaa
waxa uu dalkan ku leeyahay wakiilo Somaliland u dhashay oo
ganacsigiisa u kala wada, waxaana badeecadaha uu soo dajiyo ka mid
ah Sibidhka, Shidaalka, Sonkor ta, Bariiska, Saliida Cuntada,
Sharaabka iyo Alaabooyin kale.
Shariif Axmed Siciid waxa lagu eedeeyaa inuu dhacay in ka
badan $50 Milyan dollar oo ah hanti ay
d ad reer Somaliland ahi gashadeen
shirkadii isgaadhsiinta ee la odhan jiray
Telcom, waxa kale oo uu m uddadii ka dambaysay
doorashadii madaxtooyada ee sanadkan 2010 uu ku dedaalayey inuu
shirkadd iisa Dalcom Somalia ay
xukuumadda cusub ee Somaliland ka hesho fasax loogu ogolaanayo inay
Cable isgaadhsiineed ka hirgaliso dalka, inkasta oo hadana la
sheegay in Dalcom Somalia aanay wax
awood ah u lahayn haba yaraatee inay mashruuc caynkaas oo kale ah ka
fuliso dalka Somaliland.
Ganacsi balaadhan oo kan oo kale
la mid ah ayaa Shariif Axmed Siciid
waxa uu uga socdaa dalka Som alia, iyadoo uu xidhiidh dhaw la
leeyahay xukuumadda Sheekh Shariif iyo kooxaha dagaalka kula jira ba.
Ololahan lagu afgambiyayo shirgudoonka golaha Wakiilada ayaa
dhawrkii maalmood ee u dambeeyey waxa uu si cad uga dhex muuqday
wakiilada Shariifka u fadhiya Burco, Berbera iyo Hargeysa, kuwaa soo
dabada ka riixayey qorshahan, taas oo uu durtaba ka dhashay shaki
farabadan oo ku gedaaman mawduucan iyo ula jeedooyinka fog fog ee ka
dambayn kara.
Sida ay ilo xogogaal ah oo arintan u dhuun daloolaa ay Haatuf u
sheegeen, Shariifka oo badeecadaha uu soo dejiyo inta badan cashuur
la’aan laaluush ku soo galin jiray dalka, ayaa baryahan dambe ka
c abanayey macaashkii uu ka heli jiray ganacsiga Somaliland oo hoos
u dhac weyni la soo gudboonaa day siyaasada la dagaalanka
musuqmaasuqa ee ay xukuumadda cusubi ku dhaqanto awgeed.
Siday ilahaasi tibaaxeen Shariifka ayaa u muuqda inay dani ugu jirto
mijo xaabinta shir-guddoonka go laha wakiilada ee hadda jira,
taas oo sida la sheegay uu ka leeyahay laba qodob oo kala ah (1)
Inuu gacan ka geysto doorashada hogaan cusub oo loo sameeyo golaha
wakiilada si uu danihiisa ganacsi uga fushan karo (2) In afgambiga
shirguddoonka golaha wakiiladu uu dalka galiyo xaalad qalalaase
siyaasadeed ah oo u xuubsiibata fawdo la mid ah ta hadda ka taagan
Somalia, taas oo ay xoogaga Somalia isku hayaa ay aaminsan yihiin
inay dani ugu jirto Somaliland-na oo iyaduna xaalad caynkaas oo kale
ah gasha.
Source:Haatuf
|