Reer
Baligubadle Oo Shiid Hadhka Kaga Dhigay Laba
Masuul
Dadweynaha magaalada Baligubadle ee xarunta Gobolka HAWD oo
gadoodsan ayaa xalay fiidkii shiid hadhka kaga dhigay wasiirka
caafimaadka Md. Cabdi Haybe Cilmi iyo Badhasaab ku xigeenka gobolka
Hargeysa Cali Cawil oo shir la lahaa qaar ka tirsan odayaasha
deegaankaas.
Labadan masuul oo shalay halkaas u tagay dejinta xiisad ka dhalatay
go’aan ay wasaaradda maaliyadda Somaliland ku diiday in jaadka lagu
cashuuro kastamka degmada Baligubadle, ayaa dadweynaha magaalada oo
cadhaysani waxa ay ku soo qamaameen goobtii ay labadan masuul
odayaasha reer Baligubadle kula kulmayeen. Sida ay Geeska Afrika u
sheegeen odayaal ka mid ah duqaytida ay labadan masuul la kulmayeen,
ma jirto wax natiijo ah oo kulankaas ka soo baxday, waxaanu kulankii
ku dhammaaday faashil, ka dib markii dadku soo weerareen, “Annaga oo
markaas is horfadhiisanay oo aan weli u dhaadhicin nuxurkii kulanka,
balse aanu wasiirka iyo badhasaabka u sheegnay xaaladda taagan iyo
go’aanka reer Baligubadle, ayay dad gadoodsani na soo weerareen oo
ay shiid hadhka nagaga dhigeen, dabadeedna waanu kala dareernay.”
Sidaas waxa yidhi Gahayr Gaabane oo ka mid ah odayaasha Baligubadle
ee kulanka ka qayb galay oo xalay u waramay Geeska Afrika, waxaanu
intaas raaciyay, “Dawladdu Baligubadle ma doonayso ee annaga ayuun
baa daba ordayna, waayo waa dawladda tidhi ma aqoonsanin kastamka
Baligubadle.” Labada masuul ayaa xalay u hoyday magaalada
Baligubadle, waxaanay maanta mar labaad kulan la yeelan doonaan
odayaasha magaalada.
Shalay duhurnimadii ayaa waxa magaalada Baligubadle gaadhay ciidan
Boolis ah oo la sheegay inay halkaas u tageen inay soo qabtaan
maamulaha kastamka Baligubadle oo ay wasaaradda maaliyadu ku
eedaysay inuu sameeyay amar diido, ka dib markii uu cashuuray jaadka
shirkadda 571 oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyay la mariyay
magaalada Baligubadle, tallabaadaas oo aan raali gelin wasaaradda
maaliyadda Somaliland. Ciidankaas iyo saraakiishii wadatayba waxa la
sheegay inay dadweynaha magaaladasi ku weerareen dhagaxaan, waxaana
la sheegay in ciidankaas oo dhawr askari laga dakhray ka baxeen
Baligubadle una baxsadeen dhinaca tuulada Gumar oo dhinaca galbeed
ka xigta magaalada Baligubadle.
Wasiirka caafimaadka iyo badhasaabka ku xigeenka gobolka Hargeysa oo
aanu xalay isku daynay inaanu wax ka weydiino arrimaha ay halkaas u
tageen ayaanay noo suurto gelin. Hase yeeshe waxa ay warar xogogaali
sheegeen in labadan masuul halkaas u tageen laba qodob oo kala ahaa
in dadweynaha baligubadle lagu qanciyo in la joojiyo cashuurista
jaadka, maadaama oo aanay wasaaradda maaliyadu ogolayn, iyo in
maamulaha kastamka Baligubadle iyo shatiyadda uu hayaba loo soo
dhaadhiciyo Hargeysa.
Xaaladda magaalada Baligubadle ayaa shalay kacsanayd, waxaana sida
la sheegay magaalada gaaf wareegaya dad u badan dhallinyaro oo ka
gadoodsan go’aanka wasaaradda maaliyadda iyo safarka masuuliyiinta
xukuumadda ee halkaas u tagay dejinta xaaladda ka dhalatay go’aanka
wasaaradda maaliyadda.
Shirkadda 571 ee jaadka ka keentay dalka Itoobiya ayaa go’aan ku
gaadhay inay jaadkeeda mariso oo lagu cashuuro magalaada Baligubadle
ee xarunta Gobolka HAWD. Hase yeeshe waxa go’aankaas qaadacay
wasaaradda maaliyadda Somaliland oo aan ilaa hadda war rasmi ah soo
saarin balse la sheegay inay amar ku bixisay in aan wax jaad ah lagu
cashuuri karin magaaladaas. Laakiin shirkadda 571 ayaan go’aankaas
maaliyadda dheg jalaq u siin, waxaanay shirkaddu, ay jaadkeeda
maalmihii u dambeeyay ka soo gelisay dalka, magaalada Baligubadle oo
xuduud la leh dalka Itoobiya.
Dhinaca kale, saraakiisha wasaaradda maaliyadda iyo masuuliyiinta
shirkadda 571 ayaa xalay magaalada Hargeysa ku yeeshay kulan ay
albaabadu u xidhnaayeen kaas oo ay kaga wada hadlayeen qaddiyadan,
mana jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac.
Source: Wargeyska Geeska Afrika
|