Reer Awdalow yaaney iddinka noqon dheefta jecli dhibta necbi

 




Waxaan marka hore ka tacsiyadaynaya reerki ay ka geeriyoodeen sadex-da nin ee sida axm aqnimada leh ee aan dhaqanka islaamka iyo caado dhaqanka Somaliland aheen loo mirey goor saqdhexe ah

ilaahay samir iyo imaan ha inaga wado siiyo dhamaanteen, ilaahayna waxaynu uga baryayna in uu jano fardawsa hooygooga uga dhigo, aamin aamin



Mar-labaadka waxaan si aad ah u dhaleecay-naya dambiilayaashi falkaas waxaashnimada ah geystey iyo in allaale intii ku gacan lahayd falkaas, maaha dad qarinimada Somaliland

in uun jacel ama u damqanaaya, waxaan shacabka labada gobol ee Awdal,Gabiley iyo xukumada ugu baaqaya in ay gacan bira ku soo qabtaan dambiilayaashi falkaas gestay

iyo kuwa sii huri-naaya ee dabka sii shidaaya ee dad-ka isku soofeynaya darajada uu doono ha watee.



Hadaan u soo noqdo dulucda maqaalkan waa u jeedo ama araar si toosa u la hadlaysa bulsha da ku dhaqan ama ku abtirsata gobolka Awdal ee tirsanaaya falka dhibkani in uu yahay

mid iyaga u gaara ama loola jeedo.

Waxaan leeyahay horta reer Awdal-aw marka dheefta Somaliland laga hadlaayo waxa tihiin gobolka ugu sad`bursiga badan, gobolada kale wax ayna ku qabin Somaliland ayaydu ku qabtaan

oo aan dhib ahayn oo dheef uun ah, tusaale ahaan waxa tihiin gobolka qudhaa ee marka laga soo bilaabo 1993 ilaa hada marna ah madaxweyne ku-xigeen marka kalana ah madaxweyne

halka gobolada kale aanay wali u suurta galin in ay intaas isla helaan ama ay koonto ku xidhaan xilalkaas.

Waxa tihiin gobolka qudhaa ee aan marnaba aanay xukumadihii Somaliland soo maray aanay siyaasiyiintiina,waxgaradkiina,uqaashiina iyo salaadiintiinaba aan mar qudha la xidhin haday wax kasta

oo dambiya ku kacaan, halka gobolada kale ee dhigiina waxaas iyo wax ka daran lagula kaco se idinka sa-sabaad iyo dhooldhoolin sidii caruurta ay shacab iyo xukumad-ba la idin dhawro

se waxa wanaagsan in aydu wanaagaas iyo sharaftaas la idiin hayo badalkeed ku jawaabtaan.



Reer awdal-ow maaha marka barwaaqada,dharaga iyo nabadu jirto in aydu Somaliland tihiin se marka abaarta,dhibta,iyo dilalku dhacaan in aydu yar iyo weyn suldaan iyo siyaasi aydu ku wada

dhawaaqdaan Somaliland ha dhacdo iyo Somaliland waa maamul u gaara isaaq, waxaas iyo wixii la mida maaha wax la aqbli karo maaha wax la idinka dhagaysan karo mana ah wax ay qaadan

karaan shacabka Somaliland ee jiritaanka qaranka dhib iyo dheef-ba garab taagan.



Raga la diley waa mid cid walba ka wada naxiyay waa mid dawlad iyo shacaba loo wada guntaday sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiiglayaashaas, waxay ahayd in aydu dhankiina ka

giijisaan oo aydu dawladana gacan ku siisaan sidii la is-kaga garabsan lahaa cadawgaas se arintu waxay u eegtahay mid ku soo arooraysa maah maahdi soomaliyeed ee ahayd "Baroortu orgiga ka weyn" waxaan ula jeeda ama uga socda faldambiyeedkani in uu yahay mid ay reer Awdal ka dambeeyan si ay qiil ugu helaan wixi qurba jooga qiirooday dhoob dhoobeen ee ah Awdalstate.

Laakin arintu way soo bixi doonta dhankay noqonba iisha alla se ifafaalaha ilaa hada lahaya waa mid ku sar go`an ujeedadaas iyo kuwo kale-ba.



Beesha gabiley dagta anigu odhan maayo dilkan foosha xun iyaga ayaa ka dambeeya sababa jira awgeed, waa marka hore ilaahay la hor tagi maayo maalinta aakhiro in ay beeshaasi ka dambeyso sababto ah wali ilaa hada lama hayo qof ama cid cadaynaysa oo haysa dambiilayaashi oo sheegaya meesha iyo cida ay ka soo jeedan lamana hayo raad cad oo muujinaaya in dadka falkaas geystay ay yihiin beeshaas intaan ka ahayn malayn iyo ku xidhiidhin dagalaadi sokeeye ee ka dhaxeeyay labadaas beelood.

Ta-labaad beesha Gabiley kama masuul ah ilaalinta iyo sugista amaanka gobolada gabiley iyo Awdal kaama-na aha Police ilaaliya amaanka dadka halkaas daga mana aha dambiilayaal hadii ay wax ka dhacaan deegamadaasi, waxayna masuul uga aheyn dhoor sababood awgeed oo ku xeeran xuduudada furan ee Somaliland, waxaynu ogsoona-hay in sanadii hore ay soo dhex mareen ciidan ama jabhad tira ahaan kor u dhaafaya 200 laba boqol oo qof gobolka Awdal, sidaas darteed maxaa diidi kara in ay dhoor nin oo aan u dhalan labada gobol ay saqdaas dhexe wax dilaan.

Markaad dib u eegtid qaabka wax loo diley waxa ku soo baxaysa isla markiiba in aan la rabin uun in la dilo ragaas se laga lahaa u jeedo dheer oo xasuus iyo dhib reebta.

Tusaale ahaan raga la diley waa sadex nin se waxaynu maqaalo ku hayna in nin-ka afaraad baxsaday sida uu u sheegay warbaahinta.

Ninkaas ka bad-baaday dilkaas waxa uu saxaafada u sheegay in raga xabad lagu diley markii hore se uu isagu kii islahaa dil uu jiidhay ka dibna uu qoriga ka dhacay halkaas waxaad ka dareemi karta xooga xog ama fal abaabulani in uu meesha ka jiray oo wax la qarinaayo.

Ta-labaadna waxa isla meesha taal raga xabada lagu diley ee hadana la jar-jarey ee video-wga laga duubey isna waa qeeb ka mida faldambiyeed abaabulan oo umada la rabo in lagu faafiyo.



Guntii iyo gaba-gabadii waxaan kula talinaya beesha dagta gobolka Awdal in ay xaal marin ka bixiyaan gafka ay qaranimada kula dhacayaan mar walba oo dhib ay ka dhacdo Somaliland dhibkana maaha mid iyaga uun u gaara mana ah mid xalkeeda iyo masuuliyadeedu iyaga u gaar tahay.

Maaha markasta in lagu caro burburo calanka Somaliland oo mid kala lala soo baxo.

Wadaninimadu waa in ay goor walba idinka muuqata ama aydu shacabka kale runta u sheegtaan oo cadaysataan in aydu tihiin cadawga qaranka ee neceb jiritaankiisa ama aydu noqotaan hiilka iyo shacab uu qarankani ku dhaanto.



NB: Somaliland waa ul iyo diirkeed deris iyo tol wada yaal nin dan-lehba kala gura

 

 

 

 

Qore: Abdifatah O. Abdi (Abdi kling king)
Alta Finnmarka
Norge
kling_king@hotmail.com