Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Isticmaalka Dalkiisa Ee
Dekedda Berbera
Hargeysa (TNN) :- Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam
Desalegn, ayaa ka hadl ay isticmaalka dalkiisa ee Dekedda Magaalada
Berbera ee Somaliland, isaga oo sheegay in baahida ay u qabaan
waxyaabaha ay la soo degayaan iyo kuwa ay dhoofinayaan in aan ay
dabooleyn Dekeddaha Jabuuti.
epa02916969 Ethiopian Foreign Minister Hailemariam Desalegn
addresses a joint press co nference after his meeting with his
Egyptian counterpart Minister Mohammed Kamel Amr (not pictured) in
Cairo, Egypt, 14 September 2011. Ethiopian Foreign Minister arrived
on an official visit to Egypt on 14 September, days before the
planned visit of Ethiopian Prim e Minister Meles Zenawi who is due to
meet with Egyptian officials. According to local me dia reports, the
Nile Basin negotiations and the situation in Libya, Sudan and
Somalia will be the main focus of the talks. EPA/MOHAMED OMAR
Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya oo ka hadlayey munaasibad sanadlaha
ah ee wax soo saarka Wershadaha dalkiisa, ayaa markii u horeysay
cadeeyey in aanu dalkiisu kooto ugu xidhnaan doonin isticimaalka
Dekedda Jabuuti oo hore ay ugu tiirsanaayeen, waxaanu ho osta ka
xariiqay in ay diyaar iyo xor u yahay u wareegida dekedda Somaliland
oo Casri y eynteeda dhawaan la bilaabayo.
Sida uu baahiyey Telefishanka Qaranka Koonfur Afrika ee SABC-TV,
waxa uu xusay Raysal Wasaare Hailemariam Desalegn in kobaca dhaqaale
ee dalkiisu sababay in ay Dekeddo ka le u wareegaan, waxaanu yidhi
“In kasta oo Itoobiya ay si weyn ugu tiirsaneyd dhinaca D ekedda
dalka Jabuuti, naga ma joojin doono in aanu raadsano Dekeddo kale oo
aanu ku b edeleno sida Dekeddaha Somaliland iyo Kenya.”
Dawladda Itoobiya, ayaa hore u sheegtay in ay 30% waxyaabaha ay la
soo degto ay u soo wareejisay Dekedda Magaalada Berbera, iyada oo si
weyna u soo dhaweysay casriy eynta lagu samaynayo Dekedda Berbera.
Source:
Somalilandtoday
|