Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo JSL ku Bogaadiyay Horumarka ay ka gaadhay Nabad gelyada iyo Dimuqraadiyadda

 

Raysal wasaaraha dawladda Ingiriiska Mudane Gordon Brown, ayaa dawladda iyo shacabka Somaliland markii u horaysay u soo diray bogaadin iyo hambalyo la xidhiidha horumarka ay ka gaadheen dhinacyada nabadgelyada iyo Dimuqraadiyadda.

Sida ay Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyeen ilo xogogaali, Rasal wasaaraha Ingiriiska Mudane Gordon Brown, ayaa dhawaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin u soo diray qoraal si rasmi ah oo ka soo baxay xafiiskiisa, magaalada London, waxaana qoraalkaas loo soo dhiibay oo Madaxweyne Rayaale soo gaadhsiiyay Safiir ku xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa Ambassador John Marshal, oo toddobaadkii hore safar ku yimid magaalada Hargeysa. Sida ay ilahahaas xogogaalka ahi Geeska Afrika u sheegeen, waxa uu qoraalkan Raysalwasaaraha Ingiriisku jawaab u yahay baaq uu Madaxweyne Rayaale bulshada caalamka oo uu Ingiriisku ku jiro u diray markii ay Hargeysa ka dhaceen qaraxyadii argagixiso 29 Oktoobar, 2008.

Gordon Brwon waxa uu qoraalkiisa ku muujiyay sida ay isaga iyo dawladiisuba uga xun yihiin weeraradaas argagixiso, isaga oo qoysaska dadkii qaraxyadaas ku geeriyoodayna tacsi u diray, waxaanu dawladda Somaliland ku bogaadiyay tallaabada ay kaga jawaabtay weeraradaas argagixiso ee lagu soo qaaday.


Sida ay ilahan xogogaalka ahi u sheegeen Geeska Afrika, Raysalwasaaraha Ingiriisku, waxa qoraalka uu u soo diray Madaxweyne Rayaale uu ku sheegay in dawladda Ingiriisku diyaar u tahay inay Somaliland ka caawiso xoojinta nabadgelyada, waxaanu dadka nabadda daneeya ugu baaqay in ay Somaliland ka caawiyaan sidii ay u sii ilaashan lahayd heerka ay ka gaadhay nabadgelyada. Sidoo kale waxa uu Raysal wasaare Gordon Brown ammaanay dimqraadiyadda Somaliland ka hirgashay, waxaanu ugu dambayn Somaliland u rajeeyay inay heerkan hore uga sii socoto.


Dawladda Ingiriiska oo ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay 26 Juun, 1960, ayaa il gaar ah ku eegta Somaliland, laakiin haddana kuma dhiirato aqoonsiga qaddiyadan ay markhaatiga ka ahayd.

Hase yeeshe, qoraalkan uu Raysalwasaare Gordon Brown u soo diray Madaxweynaha Somaliland ayay dad badani u arkaan tallaabo ay dawladda Ingiriisku u soo qaaday dhinaca Somaliland.

 

 


Source: Geeska Afrika