Rayaale
oo Safar aan la Shaacin ugu Duulaya Dalal ka
Tirsan Qaaradda Yurub
Madaxweyanaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti kooban
oo uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa in dhowaan booqasho ku tagaan
qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.
Weftiga oo ku horreyn doona Farnsiiska, ayaa lagu wadaa in uu sidoo
kale booqdo waddamada Jarmalka iyo Ingriiska, iyadoo wararku
sheegeen in in weftigu muddada ay joogaan Faransiiska kulamo la
yeelan doonaan masuuliyiinta dawladda iyo ganacsatada waaweyn ee
dalkaas.
Hase ahaatee, ilaa hadda wax war ahi kama soo bixin dhinaca
xukuumadda Somaliland oo ku saabsan socdaalka Madaxweyne Rayaale.
Faransiiska ayaa ah dal ka mid ah dalalka caalamka ee aad u
danaynaya inuu xidhiidh ganacsi oo xor ah la yeesho dalka
Somaliland. Iyada oo xukuumadda Rayaale la sheegay in ay beryahan
dambe xoojisay xafiiska ay ku leedahay magaalada Paris ee dalka
Faransiiska.
Sidoo kale Faransiiska ayaa ah dalkii ugu horreeyey ee caalamka u
soo bandhigay ataarta qadiimka ah ee ku duugan dhulka Somaliland,
iyada oo ay dhawaan khubaro ku xeeldheer arrimaha taariikhihii hore
ay shaaciyeen in Somaliland qani ku tahay raadraaca taariikhihii
quruumihii hore, kuwaas oo dalka u soo jiidi kara dalxiisayaal fara
badan.
Sida ay baahisay shabakadda wararka ee Qarannews waxa xubnaha
weftiga Madaxweynaha ku wehelin doona socdaalkiisa ka mid ah
wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, marwada koowaad xoghaynta
khaaska ah ee Madaxweyne Rayaale.
Weftiga ayaa lagu wadaa in ay dalka ka soo dhoofaan saddexda casha
ee foodda innagu soo haysa gudahooda. Haseyeeshee, wararkaasi ma
sheegin inta uu qaadan doono safarka madaxweynahu, hase ahatee waxa
dalka Faransiiska ku sii qulqulaya diblomaasiyiin iyo saraakiil u
dhashay Somaliland iyo caalamka kale ee iyagu daneeya arrimaha
Somaliland, kuwaas oo isu diyaarinaya soo dhoweynta weftiga Md.
Rayaale.
Geesta kale, waxa iyaguna qaaradda Yurub safar shaqo ku jooga
xubnaha Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaas oo la
filayo in ay Jimcaha maanta gaadhaan dalka Norway.
Source:Jamhuuriya Online
|