Rayaale oo Diiday inuu Saxiixo Go'aamadda Guddiga

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada La-baxday Somaliland Daahir Rayaale ayaa ka cud ur daartay inuu saxiixo go'aamadii ay soo saareen Guddiga Dhex-dhexaadinta Qila afaadka ee ay ka soo saareen dhamaystirka qilaafaadkii ka dhashay doorasho oyinka Somaaliland.

Afhayeenka Guddigaasi Jaamac Oday ayaa sheegay in labada xisbi ee  mucaara dku ay diyaar u ahaayeen inay saxiixaan, balse waqtigii loo geeyay  Madaxwey anaha uu isagu diiday imaatinka xafladii sida wadajirka ah qalinka loogu duugi lahaa heshiiska ay guddigu soo saareen. Afhayeenku wuxuu sheegay in  Madaxw eynuhu uu u sheegay guddiga inuu aqbalay qodobada ku qoran heshiiska balse uusan saxiixan oo uu taasna ka cudurdaaranayo.


Faysal Ali Waraabe


Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo isagu inuu heshiiskaasi saxiixo uga soo noqday dalka Emirate-ka ayaa sheegay inay  dhin acooda ku qanceen go'aamada guddiga iyagoo eegaya danaha Dadka Somaliland, balse ay maqleen in madaxweynuhu ka cudur-daartay. Faysal Cali wuxuu sheegay in xisbiyada Somaliland aysan aqbali doonin arrintaasi oo iyaguna aysan diyaar u ahayn in ay dhinacooda ka saxiixaan heshiiskaasi.

Muranka u dhaxeeya sadexda xisbi ayaa cirka isku shareeray kadib markii Golaha Guurtidu ay muddo kordhin u sameeyeen Madaxweyne Rayaale taas oo ay gaashaanka ku dhufteen xisbiyada Mucaaradku, balse Guddiga Dhexdhexaadinta Qilaafaadka oo iyagu is-xilqaamay ayaa sadexda xisbi u kala dabqaaday, iyagoo soo saaray go'aamo ay sadexda dhinac-ba doonayeen inay ka ansixiyaan, balse haatan go'aamadaasi iyo heshiiskaasi ayaa shaki ku jiraa waxa uu ku danbeyn doono.
 

 


Source: VOA