Rayaale Oo Amray in la xidho Abiib Timacad


Hargeysa( Longlivesomaliland News)-Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay in la soo qabto  Mud ane Abiib Diiriye Nuur (Timacad), oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbi ga Mucaaridka ah ee KULMIYE.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ka ag dhaw odayga, waxa la keenay guriga Abiib timacad habeenkii xallay ahaa ciidamo tiro badan oo loo  malayn ayo in ay u socdeen soo ogaanshaha in uu Guriga ku sugan yahay iyo in kale, hasa ahaatee waqtigaasi waxba may waydiin isaga.

Abiib Diiriye Nuur( Abiib Timacad) oo isaga laftiisu ka waramaya waxa uu yi dhi ilaa habeen hore warkaas waan maqlayay oo dhegahayga ayuu ka  bat ay, laakiin shallay galinkii danbe ayaan arkay dhaq dhaqaaq ciidan oo ay  dul eedka gurigay ka noqdeen, waxaanay malaha hubinayeen inay guriga ciddi joogto.

Isaga oo warkaasi sii xaqiijinaya waxa uu intaa ku daray xalay ayay dad loo ga qaateen ahi si rasmi ahi iigu soo sheegeen.” Waxaanu isaga oo sharaxaad ka bixinaya cida uu u malaynayo in ay soo dirtay uu yidhi Rayaale ayaa Ina Saqadhi [Taliyaha Booliska] ku amray in lay soo xidho.


Ilaa imika lama garanayo sababta dhabta ah ee ka danbaysa soo qabashada Abiib Timacad hasa ahaatee, Abiib timacad ayaa isagu ku tilmaamay soo  qa bashadiisa mid ka mid ah ficilada aan fiicnayn ee uu baryahan danbe ku  tall aabsado Madaxwayne Rayaale Ma garanayo, laakiin, waxaan u malaynayaa inay ka mid tahay kibirka Daahir Rayaale Kaahin. Laakiin anigu diyaar ayaan u ahay, waayo sidan oo kale waxa dhaanta geerida.

Waxaanan hubaa inuu Daahir Rayaale eeddi doono, anigoo noolna isaga  [Madaxweynaha] iyo waxa hoos fadhiyaa i xidhi maayaan.”

Dhinaca xukuumada ayaanay ilaa imika wax war ah oo arintaa ku saabsani aanu ka soo bixin. Arrintani ayaa ku soo beegmaysaa waqti uu jiro khilaaf culus oo u dhexeeya xukuumada iyo Xisbiyada mucaaradka, kaasi oo  maalma han danbe cirka isku sii shareeray isla markaana gaadhay meel uu heerkeedu sareeyo oo aanu hore u gaadhin.

Abiib Timacad, ayaa hore uga tirsanaan jiray Xisbiga tallada haya ee Udub. markii uu Madaxweyne Rayaale sannadkii 2003, ku guulaystay doorashada madaxtooyada noqday Wasiirkii Duulista iyo hawada,hasa ahaatee waxa uu xilkaasi is casilay markii ay sannadkii 2005 Madaxweyne Rayaale isku maandh aafeen qaabkii loo xulay murashixiintii xisbiga UDUB uga qayb gashay dooras hadii Baarlamaanka, mudadaas wixii ka dambeeyayna waxa uu ka mid noqday xisbiga KULMIYE, oo uu hadda ka tirsanyahay.

Waana ragga ugu hadalada kulul xisbiga inta badana tilmaama khaladaadka iyo tacadiyada ay xukuumadu kula kacdo Bulshada reer Somaliland.





Longlivesomaliland News Desk
Hargeysa Somaliland