Rayaale iyo Waftigiisii oo caawa ka dhoofay Magaalada London

 

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo waftiga uu hogaaminayay ayaa maanta ka ambabaxay dalkan Britaan iyaga oo uu sii jeeda dalkii, madaxweynuhu oo muddo shan cisho ah joogay magaaladda London, ayaa waxa lagu wada in uu gaadho Somaliland maalinta Sabtida ee fooda inoogu soo haysa. Waftigan Madaxweynaha oo ka kooban Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale ( Caawil), Marwadda Madaxweynaha Huda Barkhad, Xoghayaha Gaarka Axmed Maxamed Ciise.

Booqashadan Madaxweynaha oo ahayd mid gaar oo aanu marti ugu ahayn dawladda Britaan, ayaa haddana waxa intii uu joogay la kulmay urur caalami ah oo u ololeeya qaddiyada Somaliland iyo ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta baddaha International Marine Organisation.

Madaxweynaha oo u waramayay Wargeyska Jamhuuriya Times ee London waxa uu sheegay in booqashadii ay ku tageen dalka Faransiisku ay ahayd mid rasmi ah oo ay guullo waaweyn ka soo hooyeen, isla markaana rajo weyn ka qabaan in ay wax la qabtaan Somaliland.

Booqashada Madaxweynuhu waxay ku soo beegantay xilli xisbiga tallada dalka haya ee Labour Party ay ku mashquulsanayeen shirweynahooda uga socdo magaalada Manchester.

Dhinaca kale waxa intii Madaxweyne Rayaale uu ku sugnaa magaalada London uu kullamo gooni gooni ah la yeeshay qaar ka tirsan xubnaha Jaalliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Boqortooyada Ingiriiska.

Weftiga madaxweynaha waxa caawa fiidkii ka dhoofay garoonka caalamiga ah ee Heathrow Airport waxa halkaasi ku sii sagootiyay Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale, wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo shaqada Mahdi Cismaan Buuri, Wakiilada Somaliland ee Britain Adam Muuse Jibriil iyo Jamhuuriyada Ireland C/fataax Axmed Siciid

 




Jamhuuriya Online