Rayaale iyo Axmed Yuusuf oo iska saamaxay khilaafkii soo kala dhex galay.

 


 


Hargeysa (TNN)- Is-mariwaagii u dhexeeyay guddoomiyaha UDUB iyo ku xigeenkiisa Daahir Rayaa le Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, ee salka ku hayay khilaafka kala qaybiyay xisbiga UDUB ayaa u muuqda in dawadiisii si fudud loo helay.

Xubno ka tirsan guddiga fulinta ee xisbiga UDUB, una badnaa xubnihii taageersanaa Axmed Yuus uf Yaasiin, ayaa shalay magaalada Wajaale kaga hortagay Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka soo laab tay shirkii London, waxaana sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika ay u bandhigeen tallo ay gaadheen oo ah inay wada hadlaan Daahir Rayaale Kaahin, islamarkaana ay si toos ah u tag aan guriga Daahir Rayaale Kaahin ee Hargeysa si ay isu salaamaan jawiguna isugu bedelo wana ag.

Waxaana la sheegay in dood iyo falanqayn ka dib uu Axmed Yuusuf Yaasiin aqbalay goaanka ay xubnahaasi u soo jeediyeen, waxaanu warku sheegay in Axmed Yuusuf Yaasiin markii uu Hargey sa soo galay isagoon gurigiisa ku leexan uu toos ugu tagay Daahir Rayaale Kaahin, taas oo noqo tay mid fajaciso ah, waxaana la sheegay inay salaam gacaltooyo iyo asxaab kala raagtay muujin aysay isku qaabileen, iyagoo isweydaarsaday hadalo kooban, waxaana la sheegay in la isla qaat ay in loo hawlgalo sidii xisbiga UDUB looga badbaadin lahaa burbur iyo inuu ku hadho tartanka go leyaasha deegaanka oo ay ka qayb galayaan 15 urur siyaasadeed oo cusubi.

Khilaafka labadan hoggaamiye ayaa ka bilaabmay doorashadii murashaxa madaxweyne ee xisbig as loo doortay Jamaal Cali Xuseen, waxaana codayntaas oo uu gadhwadeen ka ahaa Axmed Yu usuf Yasiin qaadacay Daahir Rayaale Kaahin. Sidaas oo kale markii uu Daahir Rayaale dalka ku soo laabtay wuxuu si cad u weeraray ka qayb galka shirkii London ee Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu ku tilmaamay inaanu xisbiga ku metalayn ee uu shakhsiyadiisa ku tagay, taas oo uu Axmed Yuusuf Yaasiina ka jawaabay.

Si kastaba ha ahaate kulanka shalay dhex maray labada masuul ayaa u muuqda bilowga wada hadal u furma iyo turxaan bixinta khilaafka xisbiga ragaadiyay, waxaana kulanka shalay door muhiim ah ka ciyaaray xubno ka tirsan guddiga fulinta oo ku dhowdhowaa Axmed Yuusuf Yaasiin.
 

 

Source: Wargeysa Geeska Afrika