Rayaale Ha Noolaado,
Ninkii Necebina Ha Dhinto, S/land-na Nimaan Reer Awdal
Ahayni Kama Talin Doono
Alxamdullilaah maadaama uu
madaxwayne Rayaale xilka sii heyn doono, oo uu waddo cad ku ridey
taageerayaashii SNM.
Waxaa arrin lagu farxo ah shalay oo ay golaha guurtida Somali Land
Madaxwayne Daaahir Rayaale Kaahiin muddadii xil haynta u kordhiyeen,
si uu xilka madaxnimada u sii hayo illaa bisha 10aad doorashaduna ay
dhacdo bisha 9aad, alxamdulilaah.
markaa madaxwayne Rayaale waa nin Siyaasi ah wuxuna ku guulay stey
inuu beeshii taaageeri jirtey SNM dullinimo aaney ka soo kaban
dhaxalsiiyey, raggii SNM iyo magaca
beeshooda ku halgami jireyna balaayo ayuu ku dhigey, markaa anigu
reer Awdal waxaan kula talin aya inay
Rayaale taallo u dhisaan
isaga oo nool marka uu dhintana ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee ay
qabrigiisa siyaartaan, sobobtoo ah siyaasad ayuu ku kala jajabiyey
beelihii reer Hargeysa waxaana arrin sida quraanka loo rumaystey
noqotey in ayna beesha Dhexe iyadu is maamuli Karin oo ay isku
dhacayaan haddii uu Rayaale ka dhex baxo.
arrintaana ilaahay ha ka raalli ahaadee Rayaale ayaa mabda` sugan ka
dhigey oo maanta ineyna beesha Hargeysa kaligeed ismaamuli karayn
waa la ogaadey oo ayna Raayaale ka maarmayn, innagauna inaan ku dabo
faylno weeyaan, beelaha kala duwan ee reer Awdal ee Kulmiye u
ololeeyaana ha ka waantoobeen waxa ay wadaan.
Madaxwayne Rayaale siyaasado iyo tallaabooyin istiraatiiji ah buu
qaaday oo uu ku liciifiyey kibirkii iyo santaagii reer Hargeysa
waxaana ka mid ahaa:
1. nimankii asaasey xisbiga Qaran ee
Dr.Gaboose iyo Maxamad Xaaashi
markii loo taagwaayay waa kii Rayaale
jeel ku gurey ee xataa kaliya siyaasiyiinta reer Borama uun u
ogolaadey inay booqdaan, dabadeed markii ay talo nimankii ku ciirtey
waa kii aroor ciid ah sii daayay kuna daray cafis uu ugu talo gelay
50 ka tirsan tuugtii guryaha u dhici jirtey, dabadeed nimankii waxaa
qasab ku noqotey iney si edeb leh ugu noolaadaan dalka xisbigoodiina
ciyi waa ka baryey buu noqdey oo lama aqoonsan.
2. muddo kordhintii hore ee bishii 5aad ee sannadkii hore waatii
madaxda xibiyada mucaaradka oo dhami ku
dhaarteen ineyna ogolaan doonin madaxnimada
Rayaale wixii ka danbeeya
15ka May, dabadeed markii uu
madaxwaynuhu kala jajabiyey ee uu iyaga isku jabiyey waxay u
hoggaansameen duruufihii jirey qasab bayna ku qaateen.
3. madaxwayne Rayaale markii uu
tegey Ethiopia sannadkii hore wuxuu la soo saxeexdey heshiis dhigaya
in uu tebiyo cid kasta oo maamulkiisa khatar gelineysa oo dabcan
argagixiso lagu tilmaami karo, arrintaasina waxay noqotey mid uu
Rayaale kaga
cabsiiyo Siilaanyo.
4. markii ay doorashooyinkii soo dhawaadeen ayuu madaxwayne Rayaale
alle ha ka raalli ahaadee ku dhawaaqey gobollo
iyo degmooyin cusub, suurto gelna maaha in reer gobol ama
degmo la siiyey ay madaxwaynaha afka ku taagaan.
5. madaxwayne Rayaale wuxuu isku dayay inuu doorashooyinkii
xisbiyada mucaaradka saamayn aan muuqan ku yeesho, tusaale ahaan
khilaafkii xisbiga Kulmiye kaalin wax
ku ool ah ayuu ka cayaarey oo Halyey C/Raxmaan
buu ku taageerey kala jajabinta xisbigaasi, kadib waxa uu ku
guuleystey inuu shakhsiyad uu ku kalsoonyahay ku darsado hoggaanka
sare ee xisbiga Ucid, waxaana ku soo baxay ku xigeenka xisbigaasi
Dr.Maxamad Rashiid oo ay
Rayaale isku ogyihiin inuu taageerada
Kulmiye ee Awdal kala jajabiyaan.
6. madaxwayne Rayaale waa
nin cilmiga sirdoonka aaad u yaqaan oo
reer walba marka ay guux bilaabaan iyaga ku dhex dhaca oo kala
jajabiya.
6. haddii uu maanta Siilaanyo
dagaal inuu qaado damco waxa uu
madaxaynuhu adeegsan dooonaa hantida iyo
ciidanka dawladda, qalabkiisa warbaahinta waxa uu u adeegsan
inuu dadka kaga dhaadhciyo in uu Siilaanyo
Rabo inuu Habar Awal gumeysto,
sidaa darteedna beesha Hargaysa ayaa ku kala dhiman oo ku kala jabi,
sidaasna innaga ayay dani innoogu jirtaa.
7. madaxwayne Rayaale waxa uu 3 bilood
ka hor odayaal badan oo
reer Awdal ah oo uu
gurigiisa kula
shirey ugu ballan qaadey inuu u halgami doono
kordhinta kuraasta barlamanka reer
Awdal oo uu ka dhigi doono
40 kursi, laakiinse iyaga looga
baahanyahay iney ku dagaallamaan si hadhaw nabad galyo darro laga
cabsi qabo awgeed loogu ansixiyo.
Markaa haddaba ninka Rayaale necebi ha dhinto, Siilaanyo iyo
Saylicina dalka waxba uma soo wadaan, Daaahir Rayaale Kaahin ha
noolaado, Daaahir Rayaale Kaahin ha noolaado. Ninkii necebina ha
dhinto.
Cabdi Jaaamac Dirir
dirir45@yahoo.com
|