Raxan Wasiiro ah oo uu Hogaaminayo Samaale oo Booqday Allay-baday iyo Duruufo ay hordhigeen dadweynaha Degmadaasi




Allaybaday (TNN) Wefti ka kooban Sideed Wasiir iyo Masuuliyiin kala duwan oo uu hogaaminayo G uddoomiye ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiiladda C/casiis Maxamed Samaale ayaa shalay  bo oqday Degmooyinka gobolka Gabilay gaar ahaan Degmadda Allay-baday halkaas oo ay shalay kula kulmeen Odayaasha iyo Waxgaradka Degmadaasi.

Waftigaasi oo ka koobnaa Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda C/casiis Maxamed Samaale iyo sided wasiir oo ka kala socday Wasaaraddaha Xanaanada Xoolaha, Cadaaladda, Macdanta iyo Biyaha, Hawlaha Guud, Beeraha, Caafimaadka, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada, Agaasimayaal Guud iyo Maamulka Gobolka Gabilay, waxay kulan Garnaqsi ah la yeesheen Odayaasha iyo  Waxgar adka Degmadaasi kuwaasoo ugu horeyn soo bandhigay Baahiyaha Degmadda ka jira oo ay ugu hor eyso Maamulkii wasaaradahaasi oo aan gabi ahaanba ka jirin Degmadda marka laga reebo  Wasaar adda Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale waxay u bandhigeen dadka Degmaduu waftiga baahiyaha kale ee Aasaasiga ah iyagoo ugu horeyn tilmaamay Degmadu inay caan ku ahayd dhinaca Balayo badan oo biyood balse ay  wa xyeeleeyeen Roobabkii da’ay kuwaasoo ay ka nool yihiin Afar kaliya biyana ay kaga jiraan Hal bal ay oo kaliya sidoo kale waxa ay uga warameen inay Liitaan Adeegyadii kale ee dhinacyadda  Waxb arashada, Caafimaadka, Garsoorka iyo Beeruhuba, waxaanay Madaxdaasi ka dalbadeen in si  dhak hso wax loogala qabto.

Waftiga ayaa iyana dhinacooda dadka Deegaanka uga waramay Duruufaha jira, waxaanu masuul kastaa halkaasi ka balanqaaday inuu qorshaha wasaaradiisa ku darsan doono waxqabadka  Degm adaasi iyagoo qaar koodna wakhti dhaw u qabteen inay Degmadda ka hawlgali doonoo halka kuwa kalena ay ka sameeyeen balna qaad ku salaysan sida ay wax ugu helaan.

Dadka Reer Allay-baday ayaa waftiga u sameeyay Qado, waxanay ku dhamaysteen kulankoodaasi jawi qurux badan isla shalayna waxa uu waftigu dib ugu soo noqday Hargeysa.
 

Source:Waaheen