Rasiisal Wasaaraha Itoobiya oo maanta Qasrigiisa ku qaabay Wafti ka socda DDS iyo xubno Qurbajoogta Ismaamulka Somalida.

 



Addis Ababa (TNN)-Waxaa ka ambabaxay magaalada Jigjiga una kicitimay addis-Ababa wafti uu  hog aaminayay madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,isagoo ay wehelinayeen,Af-hayee nka Baarlamaanka DDS Mudane Maxamed-Rashiid Isaaq,Wasiirka wakaaladda Jidadka Miyiga  Muda ne Xabiib Maxamed,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Iyo horumarinta Dhaqaalaha DDS, Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,wasiirka Qurbajoogta Mudane Cabdi Maxamed Gamaadiid,Iyo  Qurbaj oog Tiradoodu Kor u Dhaafayso 75.


Hadaba Maanta abaarihii 4tii galabnimo Ayaa si heer-sare ah loogu soo dhaweeyay xarunta raysal-wasaaraha dawladda federaalka mudane Meles Zenawi, isla markaana uu raysalwasaaruhu kulan balaadhan,oo xiiso lahaa kula yeeshay,Waftigii uu hogaaminayay Madaxweyne Cabdi Maxamuud  Cu mar iyo jaaliyaadka waayadanba ku sugnaa dalka.



Raysal-wasaaraha Dalka Federaalka Mudane Meles Zenawi ayaa mahad-naq balaadhan u soo  jeediy ay qurbajoogtan door-biday in ay ku soo noqdaan deegaankooda, garab istaagaana  dawladooda,Is la Markaana wakhtigoodii qaaliga ahaa u soo huray,raysal wasaaraha ayaa ku booriyay in ay  dawl adda federaalku,la garab istaagi doonto qurbajoogta hadba waxay uga baahdaan dawladda  feder aalka.


raysal-wasaaraha ayaa tibaaxay in Qof kasta oo u dhashay deegaanka soomaalida itoobiya,aan  la ga xigin inuu dalkiisa maalgashado,garab-istaago DDS Iyo DFI,Isla markaana uu doorkiisa ka qaato.
Mar uu Raysal-wasaaruhu ka hadlayay dhinaca horumarka ayuu carabaabay,in Deegaanka  Soomaa lidu uu 18 sano dib uga dhacay horumarka ay gaadheen deegaanada kale,balse ayuu yidhi,bilaw  fii can ayaa jira,indhihiinana waad ku soo aragteen, wadciga,nololeed,horumar iyo nabad-gelyo ee ka jira deegaanka Soomaalida Itoobiya waxayse u baahan tahay in la xoojiyo lana ilaashado.Raysal  wa saaraha ayaa ayaa ugu baaqay in jaaliyaadka Itoobiyaanka ah kuna dhaqan dalka dibadiis a in ay gacmaha isqabsadaan,midoobaana,maadaama aad tihiin ayuu yiri”Amsadooro aan la  maga caabin”.

Raysal wasaaraha ayaa balan-qaaday in horumarka deegaanka Soomaalida,uu ka qaadan doono  ka alin lixaad leh diyaarns u yahay,isagoona raysal-wasaaruhu balan-qaaday in garoonka diyaaradaha ee qabri-dahar,la balaadhin doono,qorshaha dawlada federaalkana lagu darayo.
Dhanka kale mar uu raysal-wasaaruhu ka hadlayay dhinaca nabad-galyada,ayuu carabka ku  dhuft ay,hadii ubo ay hal baabuur gubto,waxaanu deegaanka soomaalida diyaar ula nahay in aanu 5 baabuur ugu badalno.

Sahra Omar Samatar oo ku hadashay codka jaaliyaadka,ayaa uga mahad-celisay,sida qiimaha leh ee ay u soo dhaweeyeen DDS Iyo dawlada federaalkuba,iyadoona ku dheeraatay mar ay ka  hadlays ay,kaalinta dumarka adduunka.

Sahra ayaa soo jeedisay,balanqaadka jaaliyaadka in ay si hagar,la’aaneed uga qaybqaadan  doona an isbedelada iyo koboca-dhaqaale ee dalkaba,gaar ahaana ayay tiri in ay dumarku kaalintoodii  bo odhka ka jafi doonaan.

Ugu danbayntii ayay qurbajoogtii gudoonsiiyeen hadiyad gaara oo ay ugu soo talo-galeen Raysal-wasaaraha mudane Meles Zenawi,hadiyadaasoo ka turjumaysay,astaamaha dhaqankeena,sidoo kalena hadiyad taa la mida ayay gudoonsiiyeen,madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.


Source: Togaherer