Raisul wasaaraha Dalka Turkiga Rajab Tayyep Erdogan Oo Goor Dhawayd Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho
 

 



Raisul wasaaraha Dalka Turkiga Rajab Tayyep Erdogan oo goor dhawayd soo gaa adhay Magaa lada Muqdisho isaga oo booqday Xerooyinka Qoxootiga ee magaalada Muqdisho ........


Muqdisho,19 August 2011 (TNN)- Ra段isul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Kadib markii Uu Ka soo Dagay Madaarka Caalamigaa Ee Adan Cadde international Airport ee Magaalada Muqdisho ayaa booqday xerooyinka barakacayaasha ee Magaalada Muqdisho, si uu ugu kuur galo xaalada dhab bta ah ee ka jirta, iyadoo Ra段isul Wasaaraha ay wehliso xaaskiisa iyo gabar uu dhalay.


Wafdiga Ra段isul Wasaaraha Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ah dhaqaatiir u dhalatay dalka Turkiga, Wasiirkiisa Arrimaha Dibada iyo Xubno ka tirsan Xisbigiisa, waxaana Ra段isul Wasaaraha uu hada ku sugan yahay Xerada Rajo ama Badbaado ee degmada Wadajir oo dhowaan Dowladdu ay dajis ay qoysas cusub, kadib markii ay buuxsantay Xerada Badbaado.


Raadiyaha ku hadla Afka Dowladda ayaa tabinaya booqashada Ra段isul Wasaaraha Turkiga oo sa aka Magaalada Muqdisho ku yimid ilaa Laba diyaaradood oo mid ka mid ah ay siday shixnad daaw ooyin ah.


Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra段isul Wasaare Dr. C/wali oo saaka soo dhoweeyay ayaa ku wehliya meelaha ay booqanayaan,
Hadaba Raisul Wasaaraha dalka Turkiga Rajab Tayyep Erdogan ayaa la filaya in uu u gudbo xaru nta madaxtooyada villa soomaaliya oo maanta si aad ah amaankeeda loo sugay.
 

 


Timacade News
Muqdisho/Somaliya