Rag hubaysan oo ka tirsan booliiska Somaliland oo xalay weeraray xarunta Wargeyska Hubaal dhaawacna gaadhsiiyay Guddoomiyaha Wargeyskaasi

 



Hargeysa (TNN) Iaba nin oo ka tirsan ciidanka Booliiska Somaliland ayaa xalay ku weeraray Ba astoolado Wargeyska Hubaal ee Hargeysa, halkaas oo ay ku dhawaceen Guddoomiyaha Warg eyskaasi Maxamed Axmed Jaamac iyo nin kale oo wariye ahaa oo wakhtigaasi ku sugnaa Xar unta Wargeryska.

Wariyayaasha Wargeyska Hubaal ayay u suurto gashay inay iska caabiyaan labadaas nin ka dib markii mid ka mid ah Boostooladii ka qabsadeen isla markaana kii kale cagaha wax ka day ay, iyadoo rasaastii ay rideen garab martay Guddoomiyaha Wargeyska balse waxa ay gacan ata kaga jabiyeen Bakoorad ka hor intii aanay Rasaasta ku ridin.

Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Amed Jaamaca oo Warbaahinta manta kula hadl ay xarunta Wargeyska ayaa sheegay abaara laba iyo tobankii habeenimo ee xalay in ay laba nin oo hubaysan oo Booliska Somaliland ka tirsani soo weerareen isla marakaana ay gacanata ka jabiyeen halka uu sheegay rasaastii ay ku rideen in ilaahay garab mariyay.

Guddoomiyuhu waxa uu falkaas lagu weeraray Wargeyska ku Eedeeyay Xukuumadda isagoo sheegay sarkaal ka tirsan Madaxtoouyadda in laga helay Mobile-kii uu sitay ninka ay qabteen isla markaana dhawr jeer uu la hadlay kaas oo ay walaalo yihiin.

Talaabadan ayaa ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee Warbaahinaata Somaliland lagula kaco waxaanay noqonaysaa haddii aan talaabo deg deg ah laga qaadin arrin khatar ku ah Amaanka Suxufiyiinta iyo dadka kaleba.


Source:Waaheen