RAG CADAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC.MAXAA KA HADHAY XUBNIHII HALBOWLAHA XISBIGA WADANI ?

 


 



Rag caddaalad waayaa sidii, cawsha kala yaacye
Caarrow shabeel iyo Dhurwaa, nalagu cawreeye
Canka nagu gur bahal Goodiroo loo cimaamadaye.


Canda tarantay Caash-Boorri, bay ciidan leedahaye
Cunbullayska reeraha xigey, kula Carrawdaaye
Citiqaadday Raageba inuu kuu ciniin yahaye.


Weli curaddadiinnaan birtii, cadaw la taabsiine
Coomaaddahaan idinku cunin, ceedhin laba wiige
Coofleyda haaddaan indhaa, idinka ciideyne
Cishii baanad soo noqon adoo, cararay maantiiye
Mar haddii calooshayda geed Ciin ah lagu beeray......

Cali Dhuux

Akhristoow weli si qoto dheer ma ugu kuur gashay dildilaaca siyaasadeed ee sida tusbax furmay uga socda gudaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani?, Ma aragtay muranka dah soon ee Xisbiga Wadani ku heshiin la’yahay, hogaaminta iyo hagida mabaadii’da siyaasad eed ee Xisbiga dhexdiisa?, Ma isweydiisay sababta wakhti kasta ay xubnihii miisaanka lah aa ee Wadani ku tabcay uga dareerayaan xisbiga?, Maxaase ka hadhay guddidii fulinta ee xisbiga talada u goyn jirtay? Maxaa ka haddhay halbowlihii dhiigooda u soo shubey xisbi ga wadani? Maxaa qarsoon ee Xisbiga ku soo Biirey? Gacmahan badan ee dibad iyo gudaba leh ee ku jira xusbiga wadani waa xagee?

Akhriste adiga oon meel fogba ka dayin jawaabaha kala gedisan ee maskaxdaadu ka bixin a yso su’aalaha kor ku xusan, bal ii yara kaadi aan dib kuu xusuusiyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray xisbiga Wadani iyo baarqabyadii miisaanka lahaa ee xisbiga u sahlay inuu si dhib yar uga soo mudh baxo ururadii badnaa ee siyaasada. Nasiib darro baarqabadaasi haddii aynaan taariikhda been ka sheegayn may helin abaalkoodii, waxay ku tacab khasaareen dadaalkoodii.. waxaana dhicisowday himiladii ay la damacsanaayeen inay xisbiga Wadani gaadhsiiyaan, taasoo ay markhaati u tahay qaabka aan xilkasnimada lahayn ee Gudoomiyo Cabdiramaan Ciro xisbigu ula dhaqmay, iyo sifooyinka casabiyadnim o,Cunsiyaradnimo,Qabyaalad Qaawan iyo kalitalisnimo ee uu ku ababiyay xubnihii golaha dhexe ee xisbiga ku jiray. Taasi oo Gudoomiye ku xigiinkii Ahmed Muumin Seed oo Mushara x Madaxweyne u taagna uu kula dhaqmey.

Waxa kale oo horyaalkii xisbiga wadani uu ka door bidey nin shaley ku lahaa Ciro sanka ay aan caano kaga soo deyn waa Xirsi Xaaji Caliye,Wuxuu noqdey Hogaamiye aan jirin isago o sita lacag boli qaran ah lana ogyahay inuu DHAMJADIID ku jiro. Waxa kale oo ku soo biirey niman aaminsan Somali weyn sida Ismail Buubaa .taasina waxay keentey in xusbigii laga shakiyo in uu rabo Somaliweyn.Taasi waxay horseeday in sidii tusbax furmay ay ruug cadaadiyadii xisbigu mid mid uga dareeraan habeen madaw, bal maskaxdaada dib u celi mee Xoghayahii Warfaafinta Boobe Yusuf Ducaale ee xisbiga Wadani Ka ka xeeyey xisbi ga xog badan ayuu ogaadey Boobe.

Gudoomiye ku xigaankii xisbiga wadani Ahmed Muumin Seed? oo isagu shirweynihii Kowaa d ee xisbiga u taagnaa musharaxa madaxweyne ku xigeenka, muxuu kaga dhiidhiyay inuu sii joogo? bal dhadhanso ereyadii uu sida cad uga dhawaajin jiray intaanu xisbiga garab noqon ka hor (Distoorka halagu dhaqmo, xeerka xisbiga dib ha loogu noqdo, qabyaaladda iyo kooxaysiga hala iska daayo), ereyadaasi waxay ahaayeen digniinihii faraha badnaa ee Ahmed Muumin Seed ku celcelin jiray isaga oo ay u muuqatay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii aan nidaamka iyo shuruucda xisbiga la raacin. Ahmed Muumin Se'ed waxa uu ahaa tusaalihii koowaad ee si cad loo yidha waxaad tahay laan gaab ee Mohamed Cali aya an dooraneyna oo laan dheera ah. Maxaa u cuntami waayay? Si masraxa wadani looga saaro waxa dhacay waxa.

Maalintii shirka ugu danbeysay waxaa gilihii dhaxe oo ahaa 251 xubnood lagu soo darey 2 00 xubnood isla habeenkiina waxa lagu soo daray 349 xubood,waxaa malintii iney soo gal aan la diidey kuwii hore ee 240 ahaa

Total 809 inta Xubneed ee laga dhigey.

waxaa meesha soo fadhiistey 699 xubnood ee danbe waxayna kala ahayeen

- Habar Yoonis 518 xubnood - Ciidagale 26 xubnood.- Borame 60 Xubnood Arab 19 xubno od -Subeer awal 15 xubnood -Haber jeclo 22 xubnood- Dhulbahante 10 xubnood-Warsangali 11 xubnood-Gabooye 6 xubnood-Ciise 4 xubnood-Ayuub 5 xubnood-Tol-Jrclo 1 xubin-Akisho 1 Xubin.

Total 699 Xubnood oo shirka fadhiyey iyo 141 xubnood oo dibadda joogey oo loo diidey in ey soo galaan.

Total 809 Xubnood.

Hadaba waxaa bil ka hor shirka la sameeyey GARABKA TOOSINTA EE XISBIGA WADANI dh amaan xisbigii wadani waa qoladan inta Ciro ku hadheyna waa Somaliweyn iyo Dhamjadiid iyo in Qabyaalad ula socota.

Xusbigii wadani wuxuu sidii tusbax furmey ayaa la kala yaacay bal eeg aqristoow:

1. Gudoomiye Ku xigeen Muj.Ahmed Muumin Seed oo ahaa mushara xamadaxweyne ku xig eenki, una taagnaa jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Wadani, hadh cadna iskag a dhaqaajiyay markii uu arkay cadaalad xumo iyo wax isdaba marin noqdeyna Goomiyaha Garabka Toosinta Xisbiga Wadani.

2. Guddoomiye ku xigaanka labaad ee xisbiga wadani.Xildhibaan Farax Maxamuud Cabdala.

3-Saciid Cilmi Rooble oo ahaa aasaasayashii xisbiga ahna golaha barlamaanka.

4.Hinda Jamac Gaani : oo ahaa xoghayihii ee arrimaha Bulshadda ee Xisbiga Wadani.. Abuurteyana Garabka toosinta iyo cadaaladda,waana ku jira ilaa 7 xoghaye.

5.Rooda Cabdi Muse oo ahaa xoghayihii ee Dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee Xisbiga Wadani..

6.Kayse Mahamed Ibrahim Jinje Ka mid ahaa golihii dhexe isla markaana ka tirsanaa xubnaha firfircoon ee Gudida fulinta xisbiga wadani

7.Mayir ku xigeenka Gobalka awdal

8. Dhamaan gobalka Sanaag: Xubino firfircoon oo xisbiga ka tirsanaa balse damiirku siin waayay iney sii joogo.

9. Dhamaan gobalka Sool: dhamaan miisaan culus oo ka baxay gudida fulinta.

10.Qoraa Xamse Maxamuud Xiddig oo ahaa Guddomiyaha Gobalka Sanaag ee Xisbiga wadani..

11.Siyaasi Ahmed Ali Ubaxle

12.Fuaad Mixne Guddoomiyihii Gobalka Buuhoodle ee xisbiga wadani.

13.Cabdisalaan Maxamad Adan Xoghayihii Fulinta Gobalka Burco ee Xisbiga Wadani iyo Saraakiishan oo kala ah Abokor Caamir Muuse iyo Cismaan Axmed Maxamed,

14.Xuseen Cilmi Xidhiidhiyaha Gobalka Awdal

15.Dhamaan tageerashii xisbiga dibada ee caalamka oo si cad uga dareerey iyo Mxubnihii ugu danbeeyey ee damiirkoodu siin waayay inay sii joogaan gegida lagaga dareeray, ku darsoo waxa ay ahayeenka aasaasayaashii xisbiga wadani dhidibada u taagay balse uu hogaanka xisbiga Wadani ka soo dhawaystay xubno aan hore uga mid ahayn xisbiga. Isku soo wada duuboo isweydiintu waxay tahay side ayay umadda xasilooni raadiska ah ee reer Somaliland ugu aamini karaan masiirkooda xisbiga siyaasadiisu jahawareersan tahay, een isagoon weli dhalan Dulmiga qaawani astaan u noqotay? Sidee loo aamini kara xisbi maanta ay hogaankiisii sare cadaalad daro isku haystaan,sidii ummadda Somaliland u aa mini karta xisbi rag Somali weyn aaminsani hogaanka u hayaan?

Shacabka reer Soomaalilandoow mustaqbalkaagu gacantaaduu ku jiraa.
 


Wabilaahitawfiiq.
Mahad Ali-salaam
Bristol
mahadpobox@gmail.com