Raadiyo Hargaysa ma Ictiraafkuu isna ku xidhan yahay?!

 

Is dabaqabataynti iyo la soo noqoshadii Qaranimadeena Somaliland ayaa ku soo beegantay xili aduunyadu dumisay gabiyadii ama gidaaradii kala qaybinayay ee ku salaysnaa iska soo horjeeedka sida '' reer Galbeed iyo ree bari ama Waarso iyo Naato '' waxay taasi keentay in ay timaado war is gaadhsiin xor ah oo wadata aqoon, awood iyo farsamooyin casri ah, waxa mar kaliya ku soo faruurmay mawjado iyo maduufaano warar ah oo kala duwan oo midiba dhan ka yimid, waxase u qaadan waa ah, in tan iyo maalinkan maanta ah ee aduunwaynaha kale dadka ku dhaqani ku qaraqmay war ee ay la' yihiin meel ay ka galaan, ay dadka Somaliland ku nooli ka ooman war nooc uu yahayba!.

War-is-gaadhsiintu waa hab ka mid ah kuwa ugu awooda badan leh ee dadka lagu hanto quluubtooda, tamartooda, heelanaantooda iwm, waa meesha kali ah ee ay dawladi dadkeeda hadafkeeda ku wada gaadhsiin karto, sidaasoo ay tahay, ayaa weliba dadka reer Somaliland ka sii xag jiraan Caalamka kale, oonay haysan Ictiraaf weli oo ay aad iyo itaal ugu haraadan yihiin inay dawladooda ka maqlaan had iyo jeer halka xaal marayo iyo sida wax yihiin!. Mase helaan taasi oo waxba kuma yeeleen hadaanay dadka reer Somaliland maqleen war gabigiisaba, waxase cawo daro ah, in dadkeenu dhagaystaan Idaacado cadaw adeegsanayo sida BBC-da iyo qaar kale.

Dadkeenu waa war ku nool. waa dad jecel inay ogaadaan waxa ka socda caalamka, waxana dhab ah ninba inta ogaanshahiisu yahay ayaa guushiisuna ku xidhan tahay, waxa caalamka kale si dadkoodu ula socdaan waxa dhacaaya oo sare loogu qaado garashadooda loo sameeyay, si kasta oo lagu gaadhsiin karo warka iyo wacaal-sha, ha noqoto qoraal la akhriyo, dhegaysi la maqlo, muuqaal la arko, Taabasho la dareemo iwm. Waxan intaa kuugu darayaa iska daa war lacag aad ku iibsato e, waxa jira dalal badan oo ay jiraan ugu yaraan 4-5 jaaraa-id oo lacag la' aan dadku ku helaan, waxa dadka qaarkii ay ku dhego barjoobeen oo ay ka kharaareen wax u sheegistii, waxay taasi kuu cadaynsaa sida aduunyada badankeeda war-is-gaadhsiintu uga haqab beeshay ee ay dadkooda uga dhigeen '' Biyo-yaa-shuban ''.


Hadaba miyaanay haboonayn in aan mar iyo laba iyo sedexba is waydiinaa, waar dawlada Somaliland Jaraa-id bilaasha lagama rabo, Internet dadka guryaaha u gali lama laha, qalabka dadka dhego li' i wax ku akhristaan ee Taabashada ah lama waydiinayo, Telefishino meel kastaba gee lama odhan, waxa laga la' yahay Idaacad yaroo dadku ku ciil baxaan oo dalka wada gaadha! ee taaana ma waxay dadkan talada qaranka hayaa ka sugayaan toloow Caalamaka iyo Hayado?

Yaabka yaabkiiye Idaacadaas yarina ma Ictiraafkay ku xidhan tahay? Sanad kasta lacag baa loo qoondeeyaa la leeyahay waa kharashkii lagu soo iibin lahaa Idaacad, dadkana waxa lagu sabaa waxa la keenayaa mid waynoo dalka wada gaadha waxna ma qabsoomaan, cid kalena dawladeenu uma ogola inay Idaacad samayso oo.waynu wada ognahay Idaacada Horyaal ee ay muwaadiniin is xilqaamtay oo adkaysan kari wayday sameeyeen iyo shaqaalaheedii waxii ay Dawladu ku samaysay ! Sidee hadaba laga yeelaa arinkan? Qaran aan war-is-gaadhsiin ( Idaacad ama Raadiyoo) lahayn waa qof aan dhego wax maqla iyo af dhawaaqa lahayn! waa Laxaad lç' i culus. Weli lama garan sida ay dawladeenu damacsan tahay inay dadkeeda wax ugu sheegto. malaha Cilmi siri iyo Manaam bay aaminsan tahay inay hawsheeda ku quminayso!!!

Idaacadiina ma Ictiraafkay ku xidhan tahay waa yaabe!
 


Somaliland ha jirto oo ha joogto.
 

 



Cali Cumar Xasan