Raad iyo reprt waafiya

 

Dhaleeco iyo cambaarayn ayaan kaga jawaabayaa falka foosha xun ee kadhacay dariiqa u dhaxeeya Gabiley iyo Boorame. Aad baan uga  xuma hay xasuus naxdin lehna way ku reebaysaa cidii damiirkeedu  damqan ayo.


Waxa shaki leh sida deg-deg ee loo aasay dadkii wadada loogu gabaday iyagoon la baadhin raad iyo report waafiyana laga reebin.Waxay ahayd in laga qaado marxuumiinta intii aan la'aasin faro iyo DNA.

Waxan soo jeedinayaa in aan la xoorin lana qasaalin maryahay xidhnaayeen marxuumiintu si looga bogto baadhitaan.

hadii aanu diyaar u ahayn maamulka Riyaale inuu ka qaato waajibaadka la' gudboon waxan Kulmiye ku boorinayaa inuu ku darsado hawlaha sugaya markuu ku guuleysto hogaaminta wadanka ee u baahan xilkasnimo iyo cadaalad si xasiloonida iyo wada noolaanshaha bulshada loo xoojiyo.

Buur-madow wuxu kasoo saaray bayaano iska hor imanaya oon madax iyo mijo lahayn.
Buur-madow kuma matalo weerarka iyo aflagaadada uu sida ula kaca ah ugula kufay Gudoomiyaha Guurtida MD Suleman Maxamuud Adam isagoo shillal iyo sallaan uga dhigtay xubno kale, nuxurka iyo ujeedaduna ay ku wajahnayd Gudoomiye Suleman sidaana uu ku raalli gelinayey cid kale oo uu ugu adeegayo (title-ka) amaahda ah.

Waxa gef iyo meel-kadhac ugu filan warbaahinta S/land siiba mareegaha internet-ka inay faafiyaan war-saxaafadeedka ay Cismaan Buur-madow kasoo waarideen iyagoo ugu yeedhaya Boqor. Sorry, an idin xasuusiyee shirkii Gar-adag ay ku yeelatay beesha H/jeclo kal-hore waxay xilka madax-dhaqameed kaga xayuubisay ninkaa kadib markuu xaslan waayey xasilina diidey.

Warbaahinta dhamaanteed waxa lagu baahiyey in aanu wadaadkaasu beesha xil ugu maqnayn uguna matalin madal maqaam. Waxa berigaa looga digey saxaafada in aanay beesha magaceeda u xambaarin oo u cimaamadin cid aanay raalli ka ahayn.

Geba-gabo gabyaaga caanka ah ee Muuse Aaye ayaa gabay uu riyaale u tiriyey ku daray waagaas tuducyo uu ku bayaaminayo in Buur-madow xilka laga rogey markuu ka dabayshaday beeshiisa, wuxuna yidhi "waxa Buur-madow laga raacay doollar booliyahe isagana hadaba meel u diro duubki laga qaadye"

Sidaa darteed waxay Beeshu ka codsanaysaa saxaafada madaxa banaan noocyadeeda oo idil inay ka waantowdo inay indhaha ka laliso go'aamada ay beelihu ku ilaashanayaan magacooda iyo maamuuskooda iyadoo lasiinayo mudnaantooda iyo milgahooda, waa mahadsantihiin. Ammaano Alla,
 

 


Axmed Yussuf Ducaale