Quruxdii Golaha Macaankii Cuntada Qosolkii Dad Waynaha ,Ma ja ajiladii Hure Walan Wal Shir Balaadhan Oo Ilyartu isqabatay L agaga Hadlaayey Horumarka Degmada Balidhiig Balaadhinta Mashaariicda Oo Kadhacay Magaalada London+Sawirada


 




Dec 18, 2011 -London (TNN)- Xaflad balaadhan oo si xoogleh loo soo agaasimay ayaa xalay oo ahayd Axad lagu qabtay Guriga Odayaasha 37St Mathews Row Bethnal Green ee magaalada London ,waxaana ku dhexjiray qado sharaf Jaaliyadda reer Somaliland gar ahaana dagaanka Balidhiig ee Gobalka Toggdhe er ku dhaqan dalka boqortooyada ingiriiska ay kusoo dhawaynaysay wax qabadka ay la yimaadeen sha cabka iyo maamulka dagaanka Baliweynta ee Reer Balidhiig Gudaha iyo dabadaba

Kulanka oo ahaa is xogwareysi Jaaliyada reer Somaliland iyo ta gobalka togdheer ta Balidhiig ay u dham aayeen waxaa habsami u socodkeeda hogaanka u hayey Qoraaga weyn isla markaana ah Suxifi rug cad aaya aqoon yahan Maxamed Baashe Xassan. Aqoon yahankii iyo culumadii iyo dhamaanba marti sharaftii ka socda shacabka Jaaliyada Somaliland oo ku sugnaa cariga Ingiriiska, ayey xafladan ay indhahooda so ojiidatay habsami u socodka xaflada iyo abaabulka ka muuqday ahayd mid aad u saraysa kuna salays nayd iswaraysi iyo wadatashi iyo isxog waraysi, isla-markaana si wanaagsan u qabsoontay iyo daganaa nsho.

Qado-sharaftan iyo xaflada sida heerka-sare ah loo sii agaasimay gaar-ahaan dhanka maamulka hawe enka reer Somaliland Balidhiig oo si badan kuna jirto feejiganaan ugu hagarbaxay samaynta cuntada ca ynadaha kala du-duwan lahayd,isla-markaana ay u Dhamaayeen Nooc Kasta ooCunto iyo Casiirkii ayaa dadkii goobta joogayaad ula dhaceen aya la bilaabay shirkii. Ugu horayn waxa lagu furay Aayado Quraan a oo uu halkaa ka akhriyey Shei kh Ibraahim Adan Ismaciil (Daldal)

Maxamed Baashe Xassan ayaa Mikirifoonka kusoo dhaweeyey inuu xog mugwayn ka siiyo jaaliyada reer Somalinad waxa u qabsoomay iyo halka ay wax marinayaan iyo waxa ay sanadka dabac sanyihiin inii faah faahin ka bixiyo Yusuf Xasan Umal (Yucuboole)Hadaba ugu horeyn waxaa xafladdaasi furay, Yusuf Xasan Umal (Yucuboole) faah faahina kabixiyey halka Ururkan balidhiig trust ay waxmarinayaan ilaa hada iyo
waxa u qabsoomay sanadkii tagay ee 2011 oo ay runtii aqoon yahankii culamadii waxgaradkii iyo dhamaa nba jaaliyada Somaliland ay aad ugu farxeen waxa u qabsoomay ilaa hada oo ahayd wax dhamaanba da dkii ka farxisay aadna loola dhacay.


Maxamed Baashe ayaa mikirifoonka ku soo dhaweeyey kulankaasi ayaa Si aan La qiyaasi karin ugu Soo Dhaweeyay Maayarku xigeenkii Hore ee Magaalada Balidhiig Yuusuf Googoogye kana xogwaramay sida loogu bahan yahay in wada jir wax looqabsado iyo isku duubni taasna lagu gaadhi karo wadada horum arka iyo Guusha.

Yusuf Xasan Umal (Yucuboole isagoo sii faahfaahinaya waxa uu yidhi Ururkan balidhiig trust waxa ay hirgaliyeen iyaga oo kaashanaaya jaaliyada dagaanka xukuumada Somaliland haayadaha iyo cid kasta oo wax laqabatay waxa inoo hirgalay ilaa hada sanadka siidhamaanaya ee 20011
.
Hirgalinta dhisida dugsiga sare ee ina Sanwayne Dhisida Mahadka barashada Culuunta Diinta Islaamka ee Balidhiig Dhisida Guriga Hooyooyinka ee Lagu barto wax barashada dadban Sahaminta Biyaha ee Balidhiig
Balaadhinta ururka Ururkan balidhiig trust hada meelkasta ka jira Booliska magaalada oo lalaban laabay
Gaadhigii Booliska oo ay magaaladu yeelatay Isku Rogadii xashiishka ka qaadi lahayd magaaludu yeelatay
Qalab buugaag iyo Computer isugu jira oo aanu gaadhsiinay Iskuulka sare Gunada macalimiinta oo aan markaliya kala go,in sifiicana u socota Galaas IT ah oo lagu daray dugsiga sare Samaynta qorshe sanade edkan 2012 oo miiskan saran.


Intaas ayaa Ururkan balidhiig trust u qabsoontay sanadka tagay ee 2011 waxaanan odhan karaa waa guul inaanu intaas ku fulino sanad kaliya mana ayna suurta gasheen hadii ayna dhamaanba jaaliyada Somaliland iyo ta dagaankuba ayna ka qayb qaadan ayuu yidhi Yusuf xasan Umal waxaanu u mahad naq ay dhamaanba dadkii ka qayb qaatay arintaas. Intaa ka dib waxa hadalo kooban oo soo dhaweyn ah iyo duco iyo talo iyo baraarujinba isugu jira madasha ka akhriyey Isman Cige Awad ahna aqoon yahan kasoo najaxay Iskuulka hoose dhexe ee Balidhiig runtiina dadka qiira galiyey.


Ugu dambayntii waxa uu Maxamed Baashe Xasan kusoo dhaweeyey mikirifoonka Abwaan Isman Ibraahim Wasrame (HureWalan wal)”bismilaahi raxamani raxiim waxay ii tahay farxad sida sharafta iyo qiimaha leh ee aad ii soo dhawayseen aadna waan idinka mahahadcelinayaa Abwaan Isman Ibraahim Wasrame (HureWalan wal) ayaa hadalka ku bilaabey, waxa uu aad ugu mahadnaqay dadkii xafladan quruxda badan soo abaabulay gaar ahaana Gudida horumarinta ee Ururkan balidhiig trust, sidoo kalena wuxuu mahadcelin u soo jeediyey dadweynihii xaflada ka soo qaybgalay.

Intaas ka dib wuxu si qoto dheer uga waramay Abwaan Isman Ibraahim Wasrame (HureWalan wal) Sooyaalka taariikhda Dagmada Balidhiig halka ay kaga jirto sooyaalka Somaliland ee soo jireenkaa waxaanu ku tilmaamay magaalo magic iyo manfacba u leh dhamaan shacabka Somaliland iyo ka gobalka togdheer una baahan in si qotodheer wax looga qabto ,Isaga oo hadalkiisii siiwatana waxa uu yidhi waa halbowlaha tobalka togdheer Dagmada Balidhiig waxayna ka caansan tahay magaalooyin badan taariik h da ilaa xiligii Ingiriiska hadii aad halka u danbaysa ee Itoobiya aad tagto waxa lagu odhanayaa ma Balid hiig baad ka timi,Waxaanu ugu baaqay dhamaanba shacabka iyo jaaliyada oo iskaashanaya inay ka midh a dhaliyaan dadaalka loogu jiro inay Balidhiig gaadho halka hayaanka looyahay ee ah horumar iyo wax barasho iyo biyaha sadaxdaba isku duubnina la sameeyo ayuu yidhi Abwaan Isman Ibraahim Wasrame (HureWalan wal).

Gudoomiyaha Ururka Badbaado Saeed Sheekeeye ayaa isna waxa uu madasha ka jeediyey hadal runtii qiirabadan uu ay dadkii jeclaadeen aadna ay soo dhaweeyeen sheegayna in marka larabo in dal saro looqaado ay tahay inay shacabku ayna sugun xukuumadee ay iskood wax u qabsadaan ay layimaada an howl karnimo iyo wada jir iyo xilkasnimo si loogamadhadhaliyo hayaanka iyo geediga horumarka kaas oo ku xidhan shacabka Somaliland.


Guud ahaan Jawiga Munaasabadda xafladda ayaa ay Ka Muuqatay Muuqaal Farxadeed oo Qof kasta soo jiidanayay halka Qurbajoogtuna ay Qiimo Gaara oo Wadaniyadeed laga daalacan karayay, xafladan ayaa ku dhamaatay guul, iyo rayn waxaana dadkii balan qadeen inay ka midnoqonayaan Ururkan balidhiig trust ayna gamca furan iyo niyad furanba ay ku soo dhawaynayaan. Ururkan Balidhiig District Trust.

Ugu Danbayntii waxaa lagu soo afmeeray shirwaynaha ururka Ururkan balidhiig trust in sanadkan labal aadhiyo loona howl galo balaadhinta Dugsiga sare ee Ina Sanwayne iyo sidii dagaanka loogu helilahaa Biyaha dhulka hoostiisa ku duugan iyada oo lala kaashanaayo xukuumada iyo shacabka iyo ueuerka Ururkan balidhiig trust.


waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa, xarunta guud ee ururka saldhiga u ah ee dalkan ingiriiska iyo laam aha ka baxsan sida dalalka kale ee yurub , Austaraliya, canada iyo gacankacarabta, America iyo
Somaliland.
 

 

 



http://www.balidhiig.com/

Mohamud Nadif Ajab Email: ajab@balidhiig.com
Mohamed bashe hassan Email: Mbashe@balidhiig.com
Magaalada Manchester/Bolton Mukhtar Baashe
Maxamud Email:Mukhtar@balidhiig.com