Qurbo jooga reer Gabiley oo xaal ka bixiyay caydii wasiiru dawlaha wasaarada Hawlaha Guud  iyo Guriyayntu, uu ku caayay KULMIYE iyo Siilaanyo

 

Waxa hadaanu nahay wax garadka, waayeelka iyo intii xishood uuni ku danbeeyo ee ka soo jeeda Gobol waynaha Gabiley, aanu halkan xaal uga diraynaa, guud ahaan dadka taageera xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, gaar ahaana hogaamyaha xisbiga KULMIYE mudane Siilaanyo, oo si ka baxsan nasabnimada iyo dadnimada, dad magaca beesha Jibriil Abokor huwani ay xalay( 18-04-2009) xaflad UDUB ku qabsatay Gabiley ( xaaji Askar hotel) ku aflagaadeeyeen, aflagaadadaasi iyo meel ka dhacaas oo aanu ka akhrinay www.Gabiley.net oo loo gaystay xisbiga kulmiye iyo hogaamiye Siilaanyo, oo nagu noqday wax naga fajiciyay oo nagu cusub, oonaan weligayo horeyaso iyo danbayso toona meel laga odhanayo caydaasi oo kale, oo ta kaaga sii daran weliba nin huwan MANSAB DAWLADEED ( wasiiru dawlo) dadkiisa kuwa ugu mudan ugu maahmaahayo aanan maqal.

Caydaasi oo ah waxa hadaynu nahay dadka reer Somaliland aynaan Ab iyo Isir toona u lahayn, oo anshaxa iyo caadooyinka lagu yaqaano dadka degaankaasina aan meelnaba ka suura galin, waxanu leenahay afxumo ninkeedaa leh, ee xaasha-e ka mudan oo ma gayaan Kulmiye iyo Mudane Siilaanyo dad loogu maahmaaho, inay dadka iyo dalka Somaliland ku dul saxaroodeen, ooy hadana mar labaad ku dul saxaroodeen oo hada la iska tuurayo !!!!! , waa sida uu ninka wasiiru dawlaha sheeganayaa ku maahmaahaye ( dusha sare ka akhri warka xaflada laga qoray iyo waxa laga yidhi oo akhri waxa lagu caayay Kulmiye iyo Siilaanyo ee www.Gabiley.net).

Waxa dhaygag nagu noqday maah maahdaasi uu ninka dhawaan xilka wasiiru dawlaha wasaarada gaadiidka iyo hawlaha guud loo magacaabay, ee magaciisa la yidhaa Xirsi aw Cabdi sheekh ama ( Maxmad SH, Cabdi oo ku magac dheer Xirsi), uu ugu maah maahay Xisbiga Kumiye iyo Mudane Siilaanyo, mar uu xaflad ay UDUB ku qabsatay Gabiley ka hadlayay, waxanu leenahay hadaanu nahay qurba jooga beelaha Gabiley, xaal ka qaata dhamaan dadka taageera xisbiga KULMIYE.

Waxana aanu si gaar ah xaal u siinaynaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo uu ninkani marar horena aflagaado iyo ceebayn internet-ka u mariyay!.Mar walba waayeel baa adkaysta oo dulqaata ee Mudane Siilaanyo waxanu leenahay Beesha Jibriil Abokor ee qurba joogta ahi xaal ka qaado maahmaahdaa ayay ku leedahay, beeshuna ka wayn wax nin qoolku-dhuun saday magaceeda kugu aflagaadeeyo, Xaal tolnimo ayaanu ka bixinay,

Waxana aanu uga digaynaa ninkaa inaanu magaca beesha mar danbe ku gaban ee uu tiisa ku meel maro si loola xisaabtamo, waxa kale oonu ku dardaaranaynaa dadka kale ee ka qayb galay xafladaa ee sharafta leh ee beesha JIBRIIL ABOKOR ee goob jooga ahaa, inay iska hubsadaan dadka aan waxba xeerinayn ee magacooda uskagaynaya.


F.G, Marnaba haka fogaato oo yaan loo qaadan inuu ninkaasi magac beeleed ka duulayo oo uu dadka ku aflagaadaynayno!.

Gabagabada, Odayaasha iyo wax garadka qurba Jooga ah ee reer Gabiley, waxay leeyihiin Xaal ayaanu ka siinaynaa mar labaad, Kulmiye, Siilaanyo iyo dhamaan dadka reer Somaliland, afxumadaa UGUBKA ah ee dhalaanimo ee uu ninkaasi sida badheedhka ah ee qaawan, ugu gaystay haldoorka iyo lama garacaanka dalka Somaliland.



Wa salaama Calaykum.
 


Afhayeenka odayaasha qurbajooga reer Gabiley ee Yurub, ayaa soo diraya xaal marintan,oo magaciisa la yidhaa,

 

 


Oday Ismaaciil X. Maxmad.


waxa soo gudbiyay.
CCX.
mrbigwild@hotmail.com