Qurba-jooga Somaliland Ee Haysta Dhalashada Ingiriiska Iyo Maraykanka Oo Difaacay Xasilloonida Somaliland
 

 


Qurba joogan oo manta Shirjaraaid ku qabtay Hotel Maansoor ee Magalada Hargeysa ayaa.....

Hargeysa(TNN)-Dadka Qurbajooga ee haysta dhalashada Dalka Ingiriiska ee reer Somaliland ayaa maanta ka hadlay Arrimihii digniinta ahaa ee ay dhawaan ku dhawaaqeen Dawladdaha Ingiriiska iyo Maraykanka in Dadkooda u Dhashay iyo kuwa kale ee haysta Paasabooradooda ay ka soo baxaan.
.
Qurba joogan oo manta Shirjaraaid ku qabtay Hotel Maansoor ee Magalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ay ka jirto Nabadgelayo buuxda oo laysku Haleyn karro, Waxayna Sheegen in aanay Illa Imika Garaneyn Nabadgelyo Daroda la sheegayo in ay ka jirto dalka Somaliland.
.
Ugu Horeyan Waxa Halkaasi ka Hadlay Maayirka Caasimada Hargeysa ahana Kusimaha Maayirka Md. Cabdicasiis Cagaweyne Waxanu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo Qaybgalo Shirkaasi jaraa’id ee ay qabteen Qurbajoga Somaliland, Waxanu Xusay in Somaliland ay ka jirto Nabadgelyo Buuxda.
.
Guddomiyaha Hay’ada Qurbajooga Somaliland Mr. Maxamuud Cabdiraxmaan waxanu ka sheekey Taariikhdii ay Soomartay Somaliland Wakhtigii Gumaysiga, waxanu Xusay in Somaliland waxbadan ay qabsatay, Waxanu Bulshada Caalamka u soo jeediyey in ay Somaliland ku Ixtiraaman Nabadgelayada ka jirta Somaliland.

Guddomiyaha oo la Hadlaya Dawlada Somaliya Waxa yidhi “Xamar waxaan leenahay waxaa wanaagsan inaad nagaga dayataan waxa wanaagsan ee aanu qabanay waxyaabaha aad nalaga masuugaysana maaha wax munaasib ah, marnaba ma dhacayso inay Dawladdayada,Baarlamaankayaga iyo Guurtidayadu idinkala soo qaybgalayaan ee wixiina iska wata, Somaliland markii ay dhisanaysay nidaameedka Ingiriis,Maraykan iyo Talyaani toona Somaliland muu joogin markii dhisanaysay” ayuu yidhi Mr Maxamuud Cabdiraxmaan.

Salma Sheekh Cabdiraxmaan Walaaleeye oo ka mid ah Qurbajooga Somaliland ee Degen dalka Ingiriis oo madashaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ka tirsan tahay Jaaliyadda reer London iyo urur ay ka tirsantahay oo kajira London.
DSCN5180
Waxayna Tidhi“Waxan Doonaya in Dawlada Ingiriisku noo sheegto meesha ay nabadgelyo Darro ka jirto, waayo anagu wax nabadgelyo darro ah oo ka jirta Somaliland ma aragno, lakiin Dawlada Ingiriisku xaqbay u leedahay in ay Digniintan oo kale ay soo jeediyeen oo muwaadinintooda u digan balse Aqbali mayno in mar qudha nala yidhado soo baxa, lakiin waa in dawaldaha Somaliland iyo ingiriisku noo sheegan waxay arkeen.”Ayey Tidhi Salma.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Cabdiraxmaan oo ah nin dhalinyaro ah oo sida la sheegay farsamo yaqaan ka ah Aljazeera waxaanu sheegay inaanu wax dhibaato ah arag intii uu joogay Somaliland.

Axmed Waqaf oo ka tirsan Dawladda hoose ee London oo soo akhriyey waxyaabihii ay jaraa’idka London ka qoreen arrimaha digniinta ah ee ay London bixisay waxaanu sheegay Inay warwar badan ka qaadeen markii ay dhagaysteen ama ah arkeen digniintaasi “runtii waxay nagu noqotay shook aad u wayn markii aanu akhrinay jariiradaha waaweyn ee London halaga soo baxo Somaliland” ayuu yidhi Mr Waqaf.

Ismaaciil Cali oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay Somaliland tahay meel nabad ah oo laysku halayn karo isla markaana aanay lamid ahayn Somaliyada kale xagga nabad galiyada
Waxaa iyana madashaasi ka hadashay Ayaan oo kamida dadka dibadaha ka soo laabtay gaar ahaan dalka London waxaanay sheegtay Inay meelo kala duwan kaga soo noolayd dunida balse aysan London ku haysanin maanta nabad galiyada ay ku haysato.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlau Eng Ilyaas waxaanu sheegay inuu dalka daganaa ilaa laba sano balse markii ugu horeysay ee uu Addis Ababa ka soo dagay in lagu wargaliyey inaanu tagin Somaliland oo aanay nabad ahayn.

Waxaa isaguna madahsaasi ka hadlay Xuseen Asad oo ka mida dadka ku nool UK waxaanu sheegay inay tahay fariinta ay dirayaan inay Somaliland tahay meel amaan ah oo aanay cabsi ka jirn

Axmed Cadays oo ka mid ahaa dadka wax ka soo qaban qaabiyey xafladdaasi isla markaana ka soo jeeday qurbajoogta dalka dibadiisa gaar ahaan dalka UK, ayaa warbaahinta Somaliland ku baraarujiyey inay ilaaliyaan waxay gudbinayaan, oo qaranka wax fiican ka gudbiyaan.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Axmed Guray waxaaanu sheegay inuu dalka joogay oo kaliya 3 bilood isla markaan uusan Somaliland ku arag Falaal argagixiso iyo wax cabsi toona ah.
 

 


Guuleed Muxumed Ibrahim
Timacade News desk
Hargeysa ,Somaliland