Qurba joogga Saaxil way soo dhoweynayaan Guddida Horumarinta G/Saaxil

 



......gacan qarsoon iyo mid toosaba kula jirtay taas oo guud ahaan gobolka ku keentay ......May dhici w aayin mana garanwaayin dadka meesha u dhashay in ay yaqiinsadaan Xuquuqda gobolkoodu ku leeya hay isuna yimadaan oo ay falan-qeeyaan,waxase lagu Qufuley Berbera waxa sidaas u galay......... Dow lad kasta oo dhexe oo jirtaa waxay xanbaarsan tahay barnaamij siyaasadeed oo ku wajahan gobolad eeda mid kasta gaarkiisa isla markaana waxaan odhan karnaa iyadaa ah muftaaxa iyo .......xarunta la ga helo miisaaniyadda uu ku dhaqaaqo Qaranka Somaliland....masuuliyada horumarka Berbera waxuu ahaa arin dusha markasta ka imanaysay oo aanay wax shuqul ku lahayn Masuuliyiintii Gobolka, Degma da iyo Shacaybka Saaxilba.......arimahaasu waa waxa la degay G/Saaxil gaar ahaana Caasimadiisa  Ber bera.....Gobolka Saaxil ayaa u eeg maanta inuu cagta saarayo dhabihii horumarka ku gaadhi ....



Marka Hore waxaan salamaynaa Saxaafada Somaliland oo dhan ee madaxabanaan oo hadh iyo habeen u heelan sidii warar la hubo laguna kalsoonyahay ahna kuwa lagu farxo shacabkooda ugu diyaarin lah aayeen isla markaana u gudbiya rayiga dadwaynaha iyo aaraaadooda , oo aan leeyahay hawl aad u w ayn baad wadanka u haysaane halkaa ka sii wada dadaalka isla markaana wixii dhibato keenaya iska il aalaiya , intaa ka dib waxan doonayaa in aan inyar oo fikirkayga oo kooban aan ka idhaahdo gudidii cu sub ee horumarinta G/Saaxil oo dhawaan lagu dhawaaaqay.


Tan iyo intay Somaliland la soo noqotay xornimadeeda kuna dhawaaqday gooni isutaaga ayaa gobolka ni ahaa xarunta laga helo miisaaniyadda uu ku dhaqaaqo Qaranka Somaliland,taas oo u baahan in uu h elo G/Saaxil xuquuqdiisa gaarka ah , iyadoo la ogyahay in dhinaca Cimilada uu kaga duwanyahay  Gobol ada kale , si loo daboolo baahiyaha asaasiga ee G/saaxil ka jira oo aynaan maanta ka waramayn, hada ba waxaa looga baahanyahay dawlad kasta oo dhexe inay ka go,naato arintaasi ama ilaalinta  xuquuq da Gobolkaa ay ka soo xorooto dhaqaalaha lagu hago hawlaha dalka una baahan in lagu ixtiraamo isla markaana ay si dhaba loo ilaaliyo kuna dhisan hab dhamaystiran , lagana dhigo maamulkiisa inuu si  xori yad taama ugu shaqeeyo haday magaalo madaxda tahay Berbera ama gobolkaba.
 

Dhibaatooyinka Gobolka haystay ama dibu-dhaca ku keenay waxaa ka mid ahaa Dawladda dhexe gacan qarsoon iyo mid toosaba kula jirtay taas oo guud ahaan gobolka ku keentay dibu-dhac aad u weyn iyo kalsooni-daro ku timaada iyo iyadoo ay suurtagal ka dhigiweyday in Gobolka laga unko Guddi  horumari need sida gobolada kale Somaliland ee dhigooda oo kale ah uguna shaqeeya Horumarka Gobolka .


Barnaamijka Siyaasadeed ee Gobolka Saaxil lagu hagaayey waxuu ka dhigay inuu saameyn weyn ku  ye esho oo magac u yaal ah maamul kasta oo loo dhiibo ,waxaanuu si gaara u saameeyey golihii degaanka Berbera oo haba yaraatee sidii loo doortay aan kaba shaqayn wax horumarin ah ,kuna idlaystay is-qab qabsi ,nin toocsi iyo is-canbaareyn ,waxanaan odhankaraa waxaas oo dhani waxay ahaayeen arimo  si yaasadeed oo lagu soo tuuray ama haddii aan si kale u dhigno meel Gobolka ka baxsan laga soo  malee gi jiray lagu mashquulinjiray xildhibaanada degaanka macno mooshin, ridid maayar iyo canbaarayn iwm.


Dowlad kasta oo dhexe oo jirtaa waxay xanbaarsantahay barnaamij siyaasadeed oo ku wajahan  gobol adeeda mid kasta gaarkiisa isla markaa waxaan odhankarnaa iyadaa ah muftaaxa iyo xidhaha intaba, waxii hirgala ama hirgeli waayaaba iyadaa masuuliyadeeda tuurta u ridanaysa,shaqsiga masuulka ahi waxa waajibkiisu yahay in uu ku shaqeeyo nidaamka dawladdiisa dhexe uga yaal Gobolkaasi ama  degm adaasi loo dhiibay.


Hadaba waxaan odhankarnaa masuuliyada horumarka Berbera waxuu ahaa arin dusha markasta ka  im anaysay oo aanay wax shuqul ku lahayn Masuuliyiintii Gobolka, Degmada iyo Shacaybka Saaxil , Maah maah ayaa ahayd ("nina korkiisa Biyo kama dhowro") Maamulka Gobolka iyo Degmada waxaa ay  hayst een awaamiir kala jihooyin ah oo xoog badan oo aad moodo mararka qaarkood in ay iska hor-iman jire en, iyadoo ay ku shaqaynaayey instruction odhanaaya ama sidaa nagula Shaqee ama qayrkaaba waa uu joogaa waxaanu haynaa boqolaal(Guulwade) oo kale, una baahan oo noo fulinaaya "Nin faash  hays taa xaabo ma-waayo" arimahaasu waa waxa la degay G/Saaxil gaar ahaana Caasimadiisa Berbera.


May dhici waayin mana garanwaayin dadka meesha u dhashay in ay gartaan Xuquuqda gobolkoodu ku leeyahay isuna yimadan oo ay falan qeeyaan,waxase lagu Qufuley Berbera waxa sidaas u galay Reerka (Ciise-Muuse) oo dadkii ka sheegtay waa Weedhaha dhengagaaluhu odhan jirey ahaydna wax loo soo dhiibay , arimahaasi waxay ahayeen dacayado raqiisa oo lagu dabraayo horumarka gobolka oo  waxye elo weyn iyaduna ku leh, isla markaana lagu Xalaashan jirey in aan sinaba loogu qoondayn wixii  Berbe ra u go,i lahaa ee horumarinteeda ku saabsanaa, waxaase nasiib daro noqotay in dadka gobolka u  dha shay taas ay aqbaleen Waanay aamineen markii loo awood sheegtay oo loo isticmaalay kuwii ay  aqoo nta ama garashada bidayeen.


Waxaan odhankarnaa Dadka gobolka u dhashay waa dadka ugu jecelka badan dalka iyo dadka  Somalil and waayo waxa ay 20 sanadood u shubayeen dhiigooda , welina way ku xidhan tahay faleemadii, kuna socota gobolada kale,waxaanu sheegeynaa in iminka ay gaadhay dhuuxii oo socda waana lagama  maa rmaan hadii la doonaayo in Somaliland jirto, in loo qoondeeyo Miisaaniyad gaara ama loo gooyo per ce nt wixii ay soo saarto, suurto-gal noqonmayso in dadkeedii la haajiriyo lana yidhaa waa gobol aanay ci di joogin,taasu wax-tar u keeni-mayso Qarankan.


Hadaba waxaan odhankarnaa masuuliyada dibudhaca-dhaca horumarka G/Saaxil gaar ahaan  caasima diisa Berbera waxuu ahaa arin dusha kaga imanjirtay oo aanay shuqul ku lahayn shacabka saaxil  meel kasta oo ay joogaan , waxaa la wada ogyahay sida Berberi u ekaatay ama looga guuray ee dadkeedii laga raray sabab kasta ha noqotee markii asaaskii nolosha ee Bulshadu ku noolaan lahaayeenba goob-kasta oo ka mida G/Saaxil laga waayey.


Waxaa kaloo aan xasuusinayaa dadweynaha Somaliland in la doonayey in dembiga lagu sameeyey  gob olkaa lagula kufo Beel gaara (Ciise Muuse) oo haba-yartee beri-ka ah dibu-dhaca gobolkooda, wax  ma suuliyadina aanay gacantooda ku jirin ahaydna siyaasad kale oo dadweynaha Somaliland loo tusinaayo si kale ,macnaha ay xanbaarsanaydna ahaa in G/Saaxil ay ka haajiraan dadkii ilaahay ku uumay kuna jireen arimo qarsooni.


Hadaba Gobolka Saaxil ayaa u eeg maanta inuu cagta saarayo dhabihii horumarka ku gaadhi lahaa  ka dib markii uu uu waayo badan ka jiray dibu-dhac aad u weyn oo dhinac kasta ka saameeyey guud  aha an Gobolka oo dhan gaar ahaan magaalo madaxdiisa Berbera.


Hadaba ku dhawaaqida Guddida Horumarineed ee G/Saaxil Waa arin ay soo dhoweynayaan Qurba  joo gga u dhashay Gobolkani , waana arin weligeed loo baahnaa kana maqnayd gobolkan si horumar looga sameeyo la mida heerarka gobolada kale ama ka sareeya ujeedada iyo muhiimada ayaa ku salaysan in Gudida Horumarinta Saaxil oo loogu tala galay sida la sheegay inay dhaqaajiyaan horumarka gobolka iyo waxyaalaha waxqabad ku salaysan arimaha asaasiga ah.


Talo soo jeedin:- Gudoomiyaha G/Saaxil, Duqa Caasimada Berbera,Maareeyaha Dekadda Berbera iyo Xoghaya D/Hoose Berbera waxaan u soo jeediinayaa una rajeyneynaa guul waxaanse kula talinaynaa inay ugu horeyn fuliyaan waajibaadkooda Qaranimo oo ah tii loo soo igmaday, waase inay ogadaan in aanay iska iman meesha ay ku yimadeen inay ka soo jeedaan gobolkooda taasna looga baahanyahay inay xilgaara iska saaraan hawlaha gobolkoodu ka sugayo oo aanay dhayalsan ama sidii saxiibadoodii ka horeeyey iska ilaaliyaan madiidinimo aan waxba diidin ama card laga marsado waxii looga baahdo.

 



-ALLAA MAHAD LEH-



By: Afhayeenka Qurba-jooga Saaxil

Mr. Shucayb Maxamed Gurux/ UK