qurba jooga oo arli jooga ka awood batay[[-talada s/land iyo soomaliya yaa haya qoraalkan iyo heestan akhriso-]]

 

 


asc bismilaahi raxmaani raxiim

Maxay tahay sababta qurba joogu had iyo goor talada dalka s/land iyo soomaliya u hayaan
miyay ka aqoon badan yihii arli jooga waligii dhex taagnaa ee waqtiyo badan iyo marxalado badan
usoo taagnaa haday rafaad noqto haday colaad noqoto haday baahi noqoto.
soomaliya waxa dhawaan iska casilay farmaajo oo ah nin ka yimi usa dalka maraykanka kaas oo
dadka soomaaliya markay is maamuli kari waayeen ay isaga door bideen.
samaliland labada xisbi mucaarid iyo mdaxwaynaha hada talada haya mudane axmed siiraanyo waxay dhamaantood degan yihiin qurbaha
dhinaca maamul goboleedka puntland ee soomaliya ka tirsan waxa ka taliya mudane faroole oo ah nin qurbaha
ka yimi gaar ahaan dalka maraykanka.
DHamaan wasiirada somaliland iyo golaha baarlamanka raga ku jiraa waxa aad ugu badan qurbo jooga aan deganayn dalka
dabcan nin kastaaba dalka waxa uu jooga mudada yar ee xilku gacanta u soo galaayo mushaaaradiisana ku xasilinaayo
ka dibna wuxuu iska yimaada halkii xaaskiisa iyo caruurtiisu daganaayeen.

waxaan hubaa in rag badani inta ay dalka joogaanba ay yartahay taasina aanay anfacayn umada dalka ku dhaqan.
waayo hal su,aal ayaad is waydiin kartaa maanta maceeshada somaliland waxay maraysaa meel aad u xun lacagtii dadkii waxba
way o goyn wayday waxa jira sicir barar aad u xun raashinkii waa qaali samada ayuu marayaa.
marka hadii waxan oo dhibaato ahi jiraan maxay siyaasiyiintu wax uga qaban waayee ayaad is waydiinaysaa?
jawaabtu waxay tahay ayaga danu uguma jirto caruurna dalka kama joogto wixii qaali noqonaya iyo
wixii kor u kacaya ayaga waxa uga muhiimsan kharashka uga soo baxaya dalka ee jeebka ay ku shubanayaan.

siyaasiyiinta arli jooga ee ubakoodu jooga ayaga cidi waxba suaali mayso waayo dee haday naf leeyihiin
way ka damqan lahaayeen dhibka haysta ubadkooda iyo maatadooda.
hadaba waxay su,aashu tahay ma udanbaa in dalka ay maamulaan ama hogaanka u qabtaan nin aan ubadkiisu dagenayn oo hantidiisa
debeda gaysta mushaarada uu dalka ka qaatana ay tahay mid uu qurbaha guri kaga iibsanaayo?.
qoraalkani maaha mid hal madaxwayne ama hal wasiir ama raga hada talada haya aan ku maagayo waa
qoraal khusaynaaya guud ahaan sida qurba joogu talata uga maroorsaday arli jooga .


arladan qurbaawigii
aweedeeda leeyhay
asaagii lahaana
afka ciida loo daray

arladan qurbaawigu
ubakiisa meel dhigtay
ameerica iyo carabta
intuu yurub geeyay
aqal wayn u taagay
ayagoo wax baranaaya
eeganayaa bidhaan

araladan kii laha
abidkii dhex taagnaa
ayaamahay darnayd
intuu oomay waayo
ama gaajo ku seexday
abaal uu ka waayee
ixtiraamba loo hayn

alaw sahal umuuraha
adigaa awoodlee
ubadkiyo caruurta
noo ilaali waligaa
arligoo nabad ahaada
abidkood colaad arag
aadmiguna dhamaantii
laysu uursamaan-yahay
isaseegu kala dilin
aamiinta ila dhaha
aqbaliyo ijaabada
ilaahbaa awoodlee

arabsiyo iyo salaxlay
ama sooliyo sanaag
awdaliyo saylac
anoo jooga hargaysa
isha saaray rabaso
arligaad nasiisay
alahayoow amaankii
inkaaraha naga hay
na ilaali waligaa

soomaaliyana nabad u taag
ayaguba waa islaam
afka nala wadaagee
aafadiyo colaada
inay maanta dayso
isha saarto maatada
agointiyo caruurta
arxan inay u yeeshaan
alahayaw garansii

umad yahay su,aal
arlijoogan itaalgabay
qurba joogu awood biday
ma aqoonbay is dheeryihii
aduunbay is dhaafeen
mise awood shisheeyaa
eeganaaya qaarkood
arinkani yaablehe
adoonsigan muxuu yahay
arligeena haysta

wabilaahi tawfiiq

 


Siciid Cabdi Dheen

dheen@live.co.uk
london uk