Qurba Jooga Beesha Jibriil Abokor (Sacad Muuse) Oo U Digtay Dadka
Magaca Sacad Muuse/Subeer Awal Ceebaynaya
Salaama Calaykum
Anaga oo ah waxgaradka iyo duqayda beel waynta Jibriil Abokor (Sacad
Muuse,Subeel Aw al), waxanu wax laga xumaado oo aan loo dulqaadan
karin u aragnaa dheg xumada la huwin ayo qoomiyada Subeer Awal. Dadka
ku abtirsada beesha Subeer Awal ma aha, dad Xisbi kali ah, ama
degaan gaar ah, amaba dan gooni ah oo ka duwan ta guud ee reer
Somaliland wada yeelan kara. Sidaa darteed, waa inay joojiyaan
shakhsiyaadka damaca siyaasadeed sida aa n haboonayn ee guracan u
doonaya, iyo odayada xadhkaha goostay ee aan beelwaynta Ha b ar awal
matali karin , ee kolba baaq laga xishoodo oo xumaan iyo xanaf wata
hawada soo marinaya.
Hadii aanu nahay Qurbe jooga beelwaynta Jibriil Abokor , waxa aanu
taageersanahay go’aa nkii ay golaha guurtidu soo saartay ee garta
lagu siiyay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Som aliland, Md. Madaxwayne
Axmed Maxamad Maxamuud Siiraanyo. Dhanka kale, waxa aanu ku
diirsanay go’aankii hordhaca ahaa ee uu gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Muuse Biixi ku qaatay gartii laga helay. Hase yeeshee taa waxa col
biyo dhaanshay ka dhigay oo aanu aad iyo itaa l u saluugsanahay
falalka foosha xun ee ka dabayay ee lagu kicinayo maxasta iyo
caruurta, iyo waliba nimanka isku sheegaya inay yihiin odayaasha
Subeer Awal ee ceebta u soo hooy ay beel waynta Subeer Awal. Ninka
maanta oo aan belaayo jirin ku baaqaya in aan Dahab sh iil lacag
diranin waa nin aan cidna ahayn.
Cadaawada iyo colaada dadka walaalaha la dhex dhigayaa ma aha mid aan
u dulqaadan doo no. Hadii aanu nahay wax garadka beesha Jibriil Abokor
,
waxanu qabnaa nin cadhada lehi isagu ha xoqdo halka cuncunays , ee
yaanu beel waynta Sacad Muuse ama Subeel Awal ku xoqonin. Dadka Muuse
Biixi Gar darada ku raacayaa ha badheedhaan oo yaanay anaga
mag acayaga dhulka jiid jiidin. Hadii caqligaagu uu kuu kala saari
waayo Saxa iyo Qaladka, xumaha aad laaq laaqanayso adigu isku koob
anagase nagala durug. Subeer Awal iyo
Sacad Muuse c id magaceeda
matali karta oo aanu u xilsaaranay majirto, sidaa darteed,
ninka
magacyadaa sheegtaa waa nin iska hadlay.
Gabogabo; Qurba jooga beesha Jibriil Abokor guud ahaan gaar ahaanna
kuwa ku dhaqan Eur ope waxay mar labaad hambalyo u dirayaan gudidii
golaha guurtida ee sida cadaalada ah ga rta u naqay. Gari laba ruux
kama wada qasliso ayaa la yidhi ee qofka goaanka dabadii guuxa iyo
diidmada ka daba keenaa rag ugu liita.
Wa Bilaahi Tawfiiq;
Qurbajooga Jibriil Abokor (Sacad Muuse/Subeer AWAL)
|