Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Somaliland oo booqday Wasaaradda Warfaafinta


 

 


Hargeysa (TNN) Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Somaliland Brigade Bereha Tasfaye ay aa maanta Booqday Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxaana halkaas ku qaabilay Wa siirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade iyo Agaasimaha Guud.

Booqashada Qunsulka ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku tago mudadii uu dalka joogay was aarad ka mid ah kuwa Somaliland, waxaanayu Wasiirku tusay qaybaha kala duwan ee Was aaradaasi oo ay ku wada yaalaan Telefishanka Qaranka, Idaacadda Radio Hargeysa iyo Xa fiisyadda Wasaaradaasi.

Qunsulka iyo Wasiirka ayaa kormeerka ay wasaaradda qaybaheeda kala duwan ku sameey een kadib kulan ay ayeesheen kaga wadahadlay sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen dhi naca Warbaahinta waxaana la sheegay Qunsulku inuu u balanqaaday Wasiirka inay Xukuu maddiisu tababaro siin doonto Suxufiyiinta Somaliland, taasoo uu Wasiirkuna ka aqbalay.

Kulanka Qunsulka iyo Wasiirka ayaan xog badan laga haynin waxa uu daaranaa hase yees hee sida Waaheen wararka ku helay waxa la sheegay inuu xidhiidh qoto dheere si gaar ah uga dhaxeeyo Qunsulka iyo Wasiir xaabsade kaasoo keenay inuu ku booqdo xafiiskiisa.

Sidoo kale kulanka labada masuul ayaa ku soo hagaagay xili Gobolka Sool oo uu ka soo jeed o Wasiirka Warfaafinta Somaliland uu ka socdo shir ay soo abaabuleen Koox uu gadh wade en u yahay Cali Khaliif Galaydh oo ah siyaasi Aaminsan midnimada Somaliya balse ma cada inay arrintaasi isla soo hadal qaadeen iyo Inkale.

Dhinaca kalena waxa uu Qunsulku shalay kulan qado sharafeed ah la yeeshay Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland kulankaas oo ahaa sida la sheegay mid isbarasho ah.
 

source:waaheen