Khudbadii Distuuriga
ahayd ee Madaxweynuhu ka hor jeediyay Labada Gole Ee Barlamanka
Al-xamdu-lilaah, Ilaahaybaa mahad leh,
Shirgudoonka Baarlamaanka, Mudanayaasha Labada Gole, Wasiirada,
Xisbiyada Qaranka, Marti sharafta, dadweynaha iyo saxaafadda, waxan
idinku salaamaya salaanta islaamka:
“Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu”.
Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u dirayaa dhamman shacbiga
Somaliland gudo iyo dibedba, meelkasta oo ay joogaan.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan sannadkii 4aad hor imaado
aqalka Baarlamaanka Somaliland eeGuurtida iyo Wakiiladda, taas oo
aan ka hor jeedinayo khudbad sannadeedka uu Dastuurkeenu igu
waajibiyay, waxaanan khudbadayda kaga hadlayaa warbixinta sannadkii
tegey iyo Qorshaha Xukuumadda ee sannadka cusub, iyada oo aan si
gaar ahna ugu tilmaamo wixii xaalad daruuri ah in laga waramo.
Somaliland waa qaran saddex iyo labaatan jirsaday oo qaangaadh ah,
waa qaran ay dadkiisa iyo dawladdiisuba mar kasta iyo goorkastaba u
soo jeedaan. Labaatankaa sannadood ee ay Somaliland jirtayna shacbi
iyo dawladba, Somaliland, waxay halgan ugu jirtay, dadaal ay ku
xaqiijinayso qaranannimadeeda, adkaynta nabadgalyada, kor u qaadidda
adeegyada aasaasiga ah ee waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo
horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxaan jecelahay in aan sannadkan warbixintayda ku saleeyo heerka
aynu ka joogno dhinacyada kala duwan ee Nabadgelyada, Siyaasadda iyo
adeegyada bulshada.
Waxaana hubaal ah in maanta Somaliland marayso meel aan indhaha laga
qarsan-karin, iyadoo buuxisay shuruudihii looga baahnaa. Waxaase
jirta in cadawga Somaliland ku hawlanyahay hagardaamooyin uu ku
waxyeelaynayo himilada umadeena oo ah Dawladnimo iyo Qaran cagihiisa
ku taagan oo beesha caalamka ka mid ah.
Warbixinta Xukuumada
Ballanqaadkayagii iyo Barnaamijkii Siyaasadeed fulintooda waxaanu u
soo kala horreeysiinay sidii ay u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida
dalku ahayd, isla-markaa ay awoodda dhaqaale inoo saamaxaysay.
Waxaanan idiin sheegayaa in balanqadayadaa qiyaas ahaan %85 ka mid
ahi qabsoomeen, oo ay sidii loogu talo galay u fuleen, halka %12
gacanta lagu hayo oo aanu ku rajo weynnahay inay maalmaha soo socda
dhammaadaan, %3 keliya ayaan filaynaa waxa aan noo qabsoomin ku
talogalkayagii.
1. Nabadgelyada:
Nabadgelyadu waa aasaaska nolosha aadamaha, waana halbawlaha dal ku
tamariyo ee aanu la’aanteed jiri-karin amase aanu horumar
higsan-karin, haddii aan nabadgelyo jirin. Waa wax Ilaahay loogu
mahad naqo inuu dalkeenu maanta ku sugan yahay nabadgelyo aad u heer
saraysa oo aynu ka mid nahay dalalka Africa ugu nabad gelyada fiican.
Waxaanay nabadgelyadu ku dhisantahay dedaalka Ciidamada ammaanka,
soo jeedka iyo feejignaanta bulshada iyo tacabka iyo joogtaynta ay
ciidammada qaranku ugu jiraan heeganka illaalinta dalka iyo dadka.
Sida aad wada dareensan-tihiin, waxa jira cadow badan, oo u
quudhiwaa iyo xiqdi dartii, doonaya inay wiiqaan degenaanshaha,
dimoqraadiyadda iyo horumarka aynu ku talaabsanay, iyagoo
adeegsanaya tabo iyo xeelado qarsoon. Waxa hubaal ah in aanu cadawgu
kelidii waxyeelo inoo gaysan karin, haddii aanu helin qaar inaga mid
ah oo dhagaraha cadawgu inala beegsanayo gacan ka geysanaya.
Anagoo ku dedaalayna sidii aan kor ugu qaadi lahayn tayada,
tababarka, dhaqaalaha iyo mooraalka Ciidanka, waxaanu kordhinay
mushaharooyinkii, waxaanu siinay Derajooyinkii, waxaanu u samaynay
Kulliyado iyo Dugsiyo-tababar oo aqoontooda kor loogu qaado. Sidoo
kale, waxaanu idiin soo gudbinay shuruucdii ay ku shaqayn lahayeen (Xeerka
Sirdoonka Qaraka, Xeerka Booliiska iyo Xeerka La-dagaalanka
Argagixisada). Waxaanan idinka codsanayaa in aad gacan naga siisaan.
2. Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf Raadinta:
Waxaanu u guntanay xaqiijinta iyo taabo-gelinta madax-bannaanida
Jamhuuriyadda Somaliland, sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada
caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.
Illaahay mahaddii, Somaliland waa Dawlad ku timi rabitaanka bulshada,
dadkeedu aqoonsanyahay, dadkeedu illaashanayo, buuxisay dhamaan
shuruudihii dawladnimo, waa hubaal dunidu way inala macaamishaa,
waanay ina ixtiraamtaa balse inama aqoonsan weli.
Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waa mid cad oo haysata
jidkii loogu talo galay. Waxa dunidu si aan mugdi ku jirin u qirtay,
marar badan iyo goobo badan kaalinta aan la dafiri karin ee JSL kaga
jirto mandaqadda Geeska Afrika iyo beesha caalamkaba.
Wada-hadaladii inoo dhexeeyey inaka iyo Somalia way socdaan,
waxaanay ku xusan yihiin nuxurkii ka soo baxay buugtaa laydiin
qaybiyey, waxaanan soo jeedinayaa in goluhu ka doodo wixii dan-qaran
loo arko la ansixiyo, si joogto ahna warbixinteeda waan idiinla
wadaagi jiray oo waxaaba markasta Guddiga Wada-hadalada idiinku
jiray xildhibaano iyo shirgudoonka golayaasha.
Waxaan maalmahan iyo maalin horeba warbaahinta kala socday
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo sheeganaya xidhiidh noo
dhexeeya iyo waraaqo aanu is waydaarsanay, waxaan leeyahay
Madaxweynuhu wuxuu ku cusubyahay saaxada siyaasadda waana dhalinyaro,
waa nasiib daro haddii uu sheegto oo wax-qabad ka dhigto waraaqdii
tahniyada madaxtinimada aan ugu diray.
Ma jirto wax aan ka waydiinayo Xasan Sheekh dalkayga iyo
xuduudihiisa-toona, waxaa noo dhexeeya wada hadal dunidu inoo
golaysay ee si nabadgelyo ah ma u kala boqoolaa ayaan leeyahaya.
Qaranimada Somaliland waa mid ku timi codka shacabka waanu
difaacaynaa, waa u dagaalamaynaa, waana u dhimanaynaa.
3. Waxbarashada iyo Caafimaadka:
Waxbarashada iyo caafimaadku waa labo shay oo aan kala maarmin
kuwaas oo saldhig u ah nolosheena, waa waxa bulshooyinka dunidu ku
kala horeeyo ama isku dhaafo taas oo eynu la’aantood qiimo yeelan
karin.
Waxbarashadu waa xuquuq aasaasiga ah oo ay leeyihiin dhammaan
muwaaddiniinta Somaliland, angoo ogsoon in dhammaan muwaadiniintu
xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, tayo leh
ayaan tacab badan gelinay waxbarashada.
Dawladdaydu waxay mudnaan siinaysaa horumarinta, baahinta iyo
fidinta waxbarashada dadweynaha. Waxay dhiirigelineysaa
sare-u-qaadidda cilmi-baadhista, hal-abuurka iyo farshaxanka,
horumarinta ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, isboortiga iyo dhaqanka
suuban ee dadka Somaliland. Waxaana xaqiiqo ah in maanta
waxbarashadu ay marayso meel fiican oo aynu ka horayno dalal badan
oo Africa ku yaalla.
Waxaad wada ogtihiin muhiimada caafimaadka iyo fayadhawrku dadka u
leeyahay, anagoo ogsoon xilka iyo waajibaadka naga saaran umaddayada,
waxaanu caafimaadka ka qabanay waxyaabo muuqda, haddii ay noqon
lahayd dhinaca dhismayaasha xarumaha caafimaadka, hadday tahay
qalabka caafimaadka iyo kor u qaadidda aqoonta hawl-wadeenada
caafimaadka iyo hadday tahay ololeyaasha lagu cidhibtirayo cudurada
dilaaga ah iyo kuwa faafa.
Iyadoo aanu dedaal badan gelinay caafimaadka guud ahaan, waxaan si
gaar ah ula tacaalay xanuunka HIV/AIDs oo dunida faro-xun ku haya,
“dabcan inakuna dunida ayuun baynu ka mid nahay”.
Xukuumadaydu waxay xil weyn iska saartay si walba oo xanuunkan wax
looga qaban karo, Somaliland ahaan si aynaan u gaadhin heerka loo
yaqaan “marxaladda uu xanuunkani baahsanyahay” iyadoo nasiib wanaag
aynu joogno marxalad aanu baahin oo wax laga qaban karo, waxaanu si
buuxda isu barbar-taagnay Komishanka qaranka u qaabilsan hawshan.
Markii aan ogaaday in uu jiro culays maaliyadeed oo ku soo kordhay
Global-Fund-ka oo ah Hay’addii Somaliland iyo waddamo badan oo
dunida ka mid ah ka caawin-jirtay dhinaca dhaqaalaha; waxaan
Miisaaniyada qaranka ugu daray taageero maaliyadeed anigoo baaqna u
diray bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamka guud ahaan kaas oo ku
wajahan sidii aynnu gacan buuxda u siin lahayn Komishanka Qaranka ee
Xakamaynta AIDs-ka sidii loogu horjoogi lahaa shanta sano ee soo
socota heerka ugu hooseeya ee aynnu gaadhsiin karno, intaa wixii ka
danbeeyana aynu u cidhibtiri-lahayn xanuunkan.
4. Xoolaha iyo Illaalinta Deegaanka:
Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidaa darteed waxa lagama
maarmaan ah in lagu dadaalo caafimaadkooda iyo daryeelka iyo
deegaanka ay ku nool yihiin.
Waxaana Wasaaradda iyo hawl-wadeenadeedu dedaal badan geliyeen
caafimaadinta Xoolaha, waxaana la daweeyey in ka badan 12,000,000 oo
adhiya 1,500,000 oo Geel ah iyo 1,500,000 ka badan Lo’ ah. In kastoo
tacabkaa la geliyey, haddana waxaa jirtay labo markab oo geel ah oo
laynagu soo celiyey kuwaas oo markii la baadhay laga helay %2,
dhibtuna waxay noqotay 40 neef oo geel ah.
Iyadoo xooluhu muhiimadaas leeyihiin ayaa waxaa ka muuqda dayac iyo
dedaal la’aan taasoo deegaanadii xooluhu daaqayeen weerar badan lagu
hayo iyadoo aad maqasheen tuulooyin, Oodo iyo xidhmooyin dhulkii
xooluhu daaqayeen lagu xayiray. Waxaan labada gole ka codsanayaa in
aad arrintaa gacan naga siiyaan, xeerka hortiina yaala ee Illaalinta
Deegaanka idinkoo waajibkiina sharci ka gudanaya aad dedejisaan si
ay noogu suurtagasho illaalinta iyo xakamaynta deegaanka.
5. Waddooyinka:
Wadooyinku waxay muhiim u yihiin dhinacyada kala duwan ee
nabadgelyada, dhaqaalaha, isku xidhka gobolada iyo Degmooyinka,
waana lafdhabarta horumarka, anagoo arrintaa ka shidaal qaadanayna
waxaanu dayactir balaadhan ku samaynay waddada Hargaysa–Berbera,
waxaa la dhameeyey Wadada Boorama, waxaanu dhawaan xadhiga ka jaray
Waddada Wajaale, sidoo kale waxaa la bilaabay waddadii Ceerigaabo.
Sanduuqa Somaliland Development Fund waxaa laga bixinayaa kharashka
dhamaystirka Wadada Berbera ee Xamaas illaa Sheekh oo ay ku bixi
doonto $4 Million oo U.S Dollar iyo Waddada Kala-baydh illaa Dilla
oo loo qorsheeyey $2 Million oo U.S Dollar.
6. Horumarinta Madaarada iyo Dekedaha:
Maddaarada iyo dekeduhu waa albaaka laga soo galo dalka, waana
xidhiidhka waddamada iyo dariiqa ganacsi ee sahla macaamilka
nololeed ee ina dhexmaraya dalalka caalamka, anagoo arrintaa ka
shidaal qaadanayna, waxaan u hawl-galay sidii loo dhisi lahaa
Madaarada Caasimada Hargeysa iyo Berbera, waxaana socota dhismaha
lagu dheeraynayo Dhabaha diyaaaradaha ee Caasimada, kaasoo marka uu
dhamaado noqon doona Madaar ay nooc-kasta oo diyaaradeed kasoo degi
karto.
Dekedda Berbera oo ah marsada ugu muhiimsan dekedaha geeska taasoo
leh waxyaalo dabiici ah oo ay dheertahay dekedo badan, waxaanu muddo
ku hawlanayn sidii loogu heli lahaa maalgelin iyo dhaqaale lagu
horumariyo si ay u noqoto deked soo jiidata, qayb-libaaxna ka
qaadato xarakada ganacsi ee mandaqada (World Class Facility). Waxaa
wada hadallo noo socdaan shirkado badan oo ay ugu mudantahay shirkad
Faransiis ah oo lagu magacaabo Bollore.
Horumar-badan ayaa dalka ka socda, “Cudurku waa soo boodaa,
Caafimaadkuna aayar aayar ayuu u yimaadaa”, waxyaalaha badan ee la
qabtay iyo inta socotaa cayaar kuma iman ee waxaa la geliyey deddaal
iyo tacab. Haddii aynu yara milicsano maanta iyo maalintii aan
xukunka la wareegay waxaa kuu soo baxaya faraq aad u badan, tusaale:
· Askarigu wuxuu qaadan jiray mushahar: SL.SH/=265,200 taasoo u
dhiganta ($44)
· Maanta wuxuu qaataa mushahar: SL.SH/=636,000 + Gunnada Derjada
taasoo u dhiganta ($106 + Gunnada Derajada)
· Wasiirku wuxuu qaadanayey: SL.SH/=4,800,000 taasoo u dhiganta
($800)
· Maantana wuxuu qaataa: SL.SH/=14,100,000 taasoo u dhiganta $2,350
· Garsooruhu wuxuu qaadanayey: SL.SH/=2,097800 taasoo u dhiganta
$349.6
· Maantana wuxuu qaataa: SL.SH/=8,100,000 taasoo u dhiganta $1,350
· Xildhibaanada Golayaashani waxay qaadanayeen: $421 (SL.SH/=2,526,000)
· Maantana waxay qaataan: (SL.SH/=8,125,000) taasoo u dhiganta
$1,354
Waxaan shaki ku jirin in Xukuumadani tahay Xukuumadii Horumarka
iyadoo aanu qabanay wax badan, balse qabyada iyo baahida dalka ka
jirta ayaa ka badan, waxbase kala hadhimayno intii awoodi noo
saamaxdo.
Waxaa Sannadkan 2014-ka noo qorshaysan dhamaystirka mashaariicda
faraha badan ee socota, Xoojinta Ammaanka iyo Fidinta maamulka,
Diwaangelinta Muwaadinka, Kor u qaadidada Adeegyada Caddaalada iyo
Horumarinta Xeebaha iyo khayraadka badda.
Ammaanka iyo Fidinta Maamulka: Waa ogtihiin oo Ciidamadu waxay
joogaan duleedka Taleex oo u dhow xuduudka Somaliland, Wasiirkii
Caafimaadku wuxu joogaa Buuhoodle, waxaanu ka wadaa horumar iyo
maamul fidin. Xagga Laasqoray iyo Barina waxa ka socdaa dedaallo.
Horumar kasta waxaa aasaas u ah nabadgelyada, waxa aan shacbiga JSL
ku boorinayaa in ay nabadgelyadooda ilaaliyaan, kana fogaadaan wax
kasta oo dhaawici kara xasilloonida aynu muddadaa badan ku soo
caano-maallay.
Diwaangelinta muwaadinku: waxay salka ku haysaa in la sugo
muwaadinkasta oo xaq u yeeshay muwaadinimo, laguna yeeshay
waajibaadka iyo xuquuqda ka laasimaysa muwaadin Somaliland u dhashay,
waxaana saldhig u ah Dastuurka JSL iyo xeerarkii golayaashani ay
dejiyeen oo ay ka mid yihiin Xeerka Jinsiyadda iyo Xeerka
Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, iyo Xeer-nidaamiyayaasha
Diiwaangelinta muwaadinka ee aan Xeer Madaxweyne ku soo saaray.
Cadaaladda iyo Garsoorka: Waxaanu hore u qaadanay tallaabooyin badan
oo aanu ku taageerayno, dhiirigelinayno kuna kobcinayno bahda
garsoorka iyo cadaaladda. Waxaan mar labaad iyo mar sadexaadba xooga
saaridoonaa xoojinta iyo ka midhadhalinta garsoorka iyo cadaaladda,
kana daalimayno illaa inta bulshadu helayso adeegii loo baahnaa.
Horumarinta Xeebaha: Waxaad dhamaan ka warhaysaan safarkii dheeraa
ee aan ku soo maray dhamaan xeebaha Somaliland si aan u ogaado
duruufaha nololeed ee bulshada, si aan ugu kuurgalo waxna uga
ogaanno qaabkii loo horumarin-lahaa loogana faa’iidaysan lahaa
xeebaheena iyo khayraadka ku duugan. Sannadkan waxaanu samayn doonaa
daraasad dhamaystiran oo ku wajahan horumarinta xeebaha iyo
khayraadka badda. Waxaanan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa
maxaliga-ahba ugu baaqayaa in xooga la saaro horumarina xeebaha.
Gebogebadii
Culimada
Maadaama aynu 100% dad muslima nahay, waxa culimada door weyn iyo
masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta Diinta Islaamka, dhaqanka
suuban iyo ammaanka. Waxaa lagama maarmaan ah in aynu ka midowno
iskana kaashano duruufaha jira si aan da’yarteena loogu
marin-habaabin fikrado xag jir ah oo aan diinteena waafaqsanayn.
Anigoo xoojinaya doorka culimadu ku leedahay bulshada iyo illaalinta
dawladnimada, anigoo ogsoon in culimadu yihiin birma-gaydo, isla
markaana ka shidaal-qaadanaya Dastuurka Qodobkiisa 115 illaa 121,
waxaan soo saari-doonaa Guddiga Culimada ee Dastuuriga ah.
Beesha Caalamka
Waxaanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno beesha caalamka danaha
guud ee la wadaago, sida ammaanka, la dagaalanka budhcad-badeeda,
argagaxisada iyo deegaan-dhawrista. Waxaanu u soo jeedinaynaa
dawladaha caalamka in ay garwaaqsadaan rabintaanka iyo xaqqa ay u
leeyihiin shacbiga Somaliland aayo ka tashiga madax-banaanidooda.
Sidoo kale, waxaanu ka codsanaynaa Qaramada Midoowbey, dalalka deeq
bixiye-yaasha iyo hay’adaha samafalka in ay si mug leh noogala
qayb-qaataan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.
Haweenka: Waxaan hore labo-jeer idiinku soo gudbiyey kootadii
haweenka, anigoo qadarinaya qiimaha ay haweenku bulshada u leeyihiin
iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka, waxaan mar saddexaad
idinka codsanayaa in golaha la horkeeno oo aad ka gudataan
waajibkiina dastuuriga ah.
Dhamaan Golayaasha Qaranka, Qurbajooga Somaliland iyo guud ahaanba
bulshda reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in si mug leh loogu
diyaargaroobo xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May.
Aad baa u mahadsantihiin,
Wassalaama calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatuhu.
|