Qoysaska
Qurbaha ka imaanaya ee imaanaya dalalka
Carabta oo ay mushkilad culusi soo food saartay

Qaar ka tirsan qoysaska Soomaaliyeed ee ka soo guura dalalka Yurub,
Austrelia, & W/Ameerika, soona dega dalalka Carabta si ay ubadkooda
ugu helaan waxbarasho Islaami ah ayey dhibaato culus soo wajahday,
kadib markii ay soo baxeen kooxo Soomaal ah oo sameystay shirkado ay
ku wargelinayaan dadka doonaya in guryo looga sii dhiso dalalka
Carabta in ay u qabanayaan adeegaasi guri dhisida ah, waxaana durba
arrintaasi ku dhaqaaqay qoysas badan oo hanti xadigeedu aad u badan
yahay geliyey guryo, hasse ahaateen muddo kadib ayey arrintaasi is
bedeshay, kana dhex dhalisay khilaaf baahsan qoysaska Soomaaliyeed
dhexdeeda, waxaana uu khilaafkaasi salka ku hayaa in aysan arrin sax
ah hayn in hanti ka badan Labo boqol kun dollar in la geliyo guriyo
laga dhisayo wadan shisheeye, oo berri wax uu gurigaasi uu ku
danbeyn doono aan la ogeyn & kooxaha qandaraaska guryo dhisida
qaadanaya oo muuqaal ahaan u eg dad wadaado ah balse marka loo
dhabo-galo habka ay ku shaqeynayaan ay tahay hab musuq maasuq iyo
wax is daba marin ah, iyaga oo doonaya in ay dadka macaash xoogan ka
helaan, kuna shaqeystaan hantidooda, dhismaha gurigana ay waqti
dheer oo ka badan 2 sano ka dhigaan
C/xamiid oo ka mid aabayaasha soo dejiyey ubadkooda dalka Masar ayaa
ka warbixiyey sida xawliga ah ee ay arrintaasi ku socoto, uguna
baaqay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka ubadkooda jecel ee
doonaya in ay dalalka muslimka ah guryo ka iibsadaan in ay
arrintaasi aaney ku kadsoomin si weynna uga taxadaraan, wuxuuna
isagoo arrintaasi ka hadlaya uu yiri “Waa arrin aad u wanaagsan in
ubadka Soomaaliyeed haddiiba loo awoodo in la keeno dalalkaas
Islaamka ah oo ay ka helaan waxbarasho Islaami ah, haddana waxaa
beryahan soo badanaya dhibaatada & tafaraaruqa ay ka mudanayaan
aabaha iyo hooyada in ay guri ka iibsadaan dalal sida dalkaan Masar
oo kale, Soomaalideenuna waxey u badan yihiin dad qalbi furan, oo
horay dadka ay bartaan ka aamina iyaga oo aanan ku xisaabtamin in
qofku hadduu uusan ILLAAHEY ka cabsaneyn ay fududahay inuu garweyn
deysto, isuna ekeysiiyo qof culimo ah si uu u qaldo dadka, waxaana
aan jecelahay in aan qoysaska Soomaaliyeed uga digo arrintaasi,
waxaa soo baxay dad wato astaan diimeed kuwaa oo soo diyaariya
mashruucyo lacaga yar ee Cayrta ee ay qaataan qoysaska looga
furanaayo haweenka Soomaaliyeed ee ku nool wadamada reer Galbeedka,
waxaana arrintaasi isku khilaafay kuna burburay qoysas badan oo
Soomaaliyeed waana arrin u baahan in taxadar laga lahaado, waxaad
arkeysaa hooyadii qoyska in ay leedahay waa in lacagta gabi ahaanba
la siiyaa ragaasi guryaha cusub dhisaayo taasina waxey keeneysaa
ismaandhaaf iyo burbur”
Shirkadaha waaweyn oo haweenka lagu furta ayaa xaruma ku leh
wadamada Emaraadka Carabta ,Sacuudiga iyo dalka Masar kuwaa oo dadka
ka qaado lacag kadibna ugu dhisa lacagtooda guryaha kadibna ka qaado
macaash aad u badan
Adam Ege
|