Qoddobadda loo Cuskaday Eedaymaha Boqor Buurmadow iyo Ciqaabta uu Mudan Karo Haddii Dambi Lagu Helo


 

 


Dhegaysiga dacwadda Boqor Buurmadow oo bilaabantay + codsigiii Xeer-ilaalinta + oggolaansh ihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa iyo dareenka qareennada difaacaya eedaysanaha

“Siyaasad xumada dalwadda, fashilaadda siyaasadeed, caga-juglaynta iyo nidaamka sharci ee la khilaafay ayey caddaynteedu meesha ka muuqatay… Waxaannu ka filaynaynaa inay…” Boqor Cismaan Buurmadow

Hargeysa (TNN)- Dhegaysiga dacwadda loo haysto Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buurmadow), ayaa si rasmi ah uga bilaabantay shalay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, iyadoo Xeer-ilaalintu dalbatay in la siiyo muddo ay ku soo dhammaystirtaan eedaymaha boqorka oo bil ka badan ku xidhnaa Xabsiga Dhexe Hargeysa.

Dhegaysiga dacwadda Boqor Cismaan Buur-madaw oo laga horjoogsaday warbaahinta, waxa goo b-joog ka ahaa qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada dalka, ehelada iyo qareennada u doodaya eedaysanaha xidhan iyo dadweyne kale oo danaynayey dhegaysiga kiiskan.

Xeer-ilaalinta Gobolka Hargeysa ayaa dacwadda Boqor Buurmadow u cuskatay laba qodob oo ka mid ah Xeerka Ciqaabta Guud - qodobka 212 oo dhigaya dhaqdhaqaaqyo ka dhan qaranka oo uu muwaaddin ka soo abaabulay dalka dibaddiisa iyo qodobka 215 oo ka wararmaya borobagaando ka dhan ah qaranka oo la fidiyo, isagoo Xeerka Ciqaabta Guud dhigayo in qofka ama cidda lagu helo dambiyada ku cad labadaas qodob ay mutaysan karaan ugu yaraan saddex sanno oo xadhig ah.

Sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen qaar ka mid ah goob-joogayaasha ka qaybgalay fadhigii dacwad da ee shalay, ayaa sheegay in xeer-ilaalinta iyo difaacayaasha eedaysanuhu halkaas isku wayda arsadeen doodo ku wajahan eedaymaha loo haysto iyo is-difaac, iyadoo intaas ka dibna Xeer-il aalintu codsatay in eedooda dib u soo xoojin doonto, sidaa awgeedna maxkamadda ka dalbeen in dib loogu dhigo dhegaysiga kiiska loo haysto boqorka, dalabkaas oo maxkamadduna ka oggolaata y.

Dacwadda Boqor Buurmadow ah ayaa noqonaysa kiiskii u horreeyey ee muddooyinkii u dambeey ey lagu eedeeyo mid ka mid ah madax-dhaqameedyada Somaliland, iyadoo qodobadda Xeerka Ciqaabta Guud ee eedaymihiisa loo cuskaday yihiin kuwo aad u culus, kuna salaysan inuu ka soo horjeedo qaranimada iyo jiritaanka dalka.

Garyaqaan Maxamed Siciid oo ka mid ah qareennada difaacaya Boqor Buurmadow, ayaa sheegay in dacwaddu ku bilaabantay jewi degen, isla markaana eedaymihii iyo difaaciiba dhaceen.

“Qaraar caddaalad ah ayaannu sugaynaa, garsoor caafimaad qaba oo dhex ahna waannu filayna a, wax dhibaato ah oo aannu ka arkaynaynaa ma jiro, sidaasna inay u socoto ayaannu rajaynaynaa,” ayuu yidhi qareen Maxamed Siciid.

Mr. Cabdikariin Xuseen Axmed oo ah xeer-ilaaliyaha soo oogay dacwadda ka dhanka ah Boqor Cis maan Buurmadow, ayaa isaguna sharraxaad ka bixiyey nuxurka eedaymaha loo haysto, waxaan nu yidhi; “Boqorku isagoo dalka dibadda uga maqan ayuu telefishanka HCTV oo uu khadka telefoo nka kula soo xidhiidhay ka sii daayey warar uu kaga been-sheegayo xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta, isaga oo sheegay in aan dalkan xukuumad ka jirin oo ay ka jirto kooxo Al-shabaab ah iyo inuu jiro madaxweyne aan talada dalka hayn karin. Waxa kaloo uu wargeysyada dalka ku baahi yey in xukuumaddu tahay xukuumad Al-shabaab ah oo magaalada Muqdisho ka keentay dad Al-shabaab ah, keentayna magaalada Burco, sidaa darteed waxa kaloo uu sheegay isagoo dadka abaabulaya, kicinayana inay mudaharaadyo iyo kacdoomno sameeyaan, talada dalkana ka tuura an madaxweynaha.”

Boqor Cismaan Buurmadow oo isna dacwadda loo haysto uga warramay shalay laanta afka Soom aaliga ee idaacadda VOA-da, waxa uu sheegay in eedaymaha loo cuskaday aanay waxba ka jirin, isla markaana muujinayso siyaasad-xumida xukuumadda talada haysa.

“Waxa weeye siyaasad xumada dalwadda, fashilaadda siyaasadeed, caga-juglaynta iyo nidaamk a sharci ee la khilaafay ayey caddaynteedu meesha ka muuqatay iyo siday xeer-ilaalintu ugu fas hilantay eedaymaha ay soo jeediyeen, waxna kama jiraan; nin sharci baan ahay, nin qaanuunka ilaaliyaan ahay, nin Somaliland iyo dalkaba lexojeclo ka haysaan ahay, nin digdigtan iyo cago-juglayntani waxba u dhimayn baan ahay.

Dacwaddan waxa nooga soo baxay waxaannu ka filaynay in aan dembina jirin, cago-juglayntan iyo marmaris eedayn inay jirto uun baa meesha ka caddaatay.”

Boqor Buur-madow oo ka hadlayey waxa uu ka rajaynayo in eedaynta dacwadda lagu soo oogay ku dhammaato waxa uu yidhi; “Waxaannu ka filaynaynaa xaqa inay asiibaan, waxaannu rajaynay naa caddaaladdu inay ka madaxbannaanato siyaasadda, waxaannu rajaynaynaa in Somaliland m ustaqbalkeedu noqdo mid caddaaladeed, mid aan cago-juglayn, faashiiste iyo digtaytarnimo aa nay dib ugu noqon ayaannu rajaynaynaa.”

Dhanka kale, intii dhegaysiga dacwadda lagu guda jiray waxay ciidammada ammaanku si adag u ilaaliyeen amniga maxkamadda, iyadoo ciidamo badan la dhoobay agagaarka Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo kiiska boqorku ka furmay shalay.
 

Source:Jamhuuriya