Qisooyinka wali dadku hadal hayaan ee ku saabsan shirkii Ingiriiska ee Wasiirka JSL ka qayb galay waxaa ka mid ah Soomaaliya oo qof aan u dhalani Matalayey

 



Qisooyinka wali dadku hadal hayaan ee ku saabsan shirkii 7 -10 Feb. 2011 lagu qabtay carriga  Ingir iiska waxaa ka mid ah Soomaaliya oo qof aan u dhalani matelayey iyo Somaliland oo qayb ka mid ah ahayd.

Qisada ugu yaabka badan ee wali dadku hadal hayaan waa Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka soo qayb gashay Shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibada ee JSL mudane  M axamed Cabdillahi Cumar ayaa Shirka ka soo qayb galay waxaana ku soo dhaweeyey xubnaha  bees ha caalamka ee xidhiidhka arrimaha Soomaaliya iyo wakiiladii Puntland, Galmudug iyo TFG ee shirka ka soo qayb galay.

Ka soo qayb galka shirka ee Somaliland waxay si toos ah ama si dadban uga tarjumaysaa in  Xukuu madda JSL ogolaatay in Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya ama maamul goboleed ka  tirs an Soomaaliya oo la maqaam ah Puntland iyo Galmudug.

Hadaba iyada oo ka soo qayb galka shirka ee Somaliland lala yaaban yahay ayaa hadana waxa  dad ka fajac iyo amakaag ku noqotay waxyaabaha uu Wasiirku idaacadaha, Jaraa'idka iyo goloha  wakiil ada Somaliland hortooda ka sheegayo iyo xaqiiqada ka jirtay shirka uu ka soo qayb galay oo kaaf iyo kala dheeri ah.

Wasiirka arrimaha dibaddu wuxuu ku doodayaa in dawaladda ingiriisku ku soo casuuntay shirka sida dawladaha kaleba loogu soo casuumay. Halka qolooyinka shirka soo agaasimay ee Ingiriiskuna ay leeyihiin Somaliland sifada shirka loogu soo casuumay waa sida puntland iyo Galmudugba loogu soo casuumay.

Waxaa iska cad bay leeyihiin qaar ka mid ah qolooyinka siyaasadda geeska afrika ka faalloodaa in Wasiirka iyo Xxukuumaddiisaba laga dhaadhiciyey kuna qanceen amaba hore u aaminsanaayeen in Somaliland tahay qayb ka mid Somaaliya sidaana uu wasiirku shirka kaga soo qayb galay.

Sidaa darteed waxaad moodaa in wasiirku dadka maaweelinayo ama quudhsanayo marka uu  leeya h ay waxaan shirka ka doonay ictiraafkii Somaliland iyo beesha caalamka ee shirka ka soo qayb gashay ayaan ka soo dhaadhiciyey qaddiyada gooni isu taagga Somaliland.

Xaqiiqada kale ee shirka ayaa ah in Xubnaha Beesha Caalamka ee shirka ka soo qayb galay u  badna ayeen waddamada xubnaha ka ah kooxda beesha caalamka ee Xidhiidhka Somaaliya waxaanay  shi rka u yimaadeen inay kaalintooda ka qaataan sidii Soomaaliya dib u heshiisiin, nabad iyo nolol loogu soo celin lahaa.

Qiso kale oo aan hore shirarkii Soomaaliya lagu arag ayaa waxay ahayd joogitaanka labada Wasiir ee arrimaha dibada Soomaaliya iyo Somaliland ee walaalaha ah ee u dhashay Somaliland ee shirka isugu yimi.

Dadka qaar ayaa ku farxay isu imaanshahooda una qaatay in Somaliland magaceedii maanta uu  cir ka isku shareerayo kol haddii laba wasiir oo walaalo ahi shirka isugu yimaadeen waxaanay filayeen in dadkooda iyo qaranka Somalilandba xaqiisa u raadin doonaan. Nasiib darro ka qayb galka shirkaas ee Somaliland iyo waxa meesha ka soo baxayba waxay hoo u rideen maqaamkii Somaliland.

Qisa kale ee wali dadku aad u hadal hayaan waa Wasiirka arrimaha dibadda ee Xukuumadda Sheekh Shariif Mr. Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo dhalasho ahaanna ka soo jeeda Somaliland ayaa sheeganayey inuu metalayo shicibka Soomaaliy kuwaas oo iyaguna caddeeyey inaanay u soo igmanin shirka, wax afti ah oo uu ka haystaana jirin maadama oo aany soo dooran.

Dulmigaa la yaabka ah ee shacbiga Soomaliya uu Mudane Oomaar ku samaynayey waxaa ka sii  da raa danbiga uu ka galayey Ummadda Somaliland ee uu ka dhashay kuwaas oo uu dafiray xaqoodii aasaasiga ahaa. Mudane Oomaar wuxuu deedifeeyaa jiritaanka qaranka JSL waxaanu aaminsan yahay oo ku doodaa had iyo jeerna ku nuuxnuuxsadaa inay Somaliland tahay maamul goboleed ka tirsan waddanka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdillahi waraysiyo uu hore u bixiyey wuxuu ku sheegay in Siyaasiyiin caan ah iyo saraakiil ka tirsan Xisbiga Kulmiye ay kula taliyeen inuu doonto mansabka uu maanta ka hayo Soomaaliya. Waraysi kale oo uu bishii Nov. 2010 siiyey Saxaafaddana wuxuu ku sheegay in  Madax weynah JSL, mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo yahay cad ceed cusub oo u soo baxday Soomaaliya. Waxa kale bishan horaanteedii uu mudane Oomaar sheegay in Shirka ku saabsan arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Ingiriiska ay Somaliland ka soo qayb galayso shirka iyada oo ah qayb ka mid ah Soomaaliya.

Su'aalaha wali dadku iska weydiinayan shirka lagu qabtaya Ingiriiska waxaa ka mid ahaa waa maxay sababta uu Maxamed Cabdillahi Oomaar Somaliland uga soo hor jeedo ee uu Soomaaliya oo aanu u dhalanna arrimaheeda faraha ugala bixi waayey?.

Xubno Wasiirka arrimaha dibadda Soomaliya Mudane Maxamed Cabdillahi Oomaar u dhowdhow ayaa ka soo wariyey inuu yidhi waxaanu isku ogayn qoloda Somaliland inaan sii tago Soomaliya iyaguna igaga daba yimaadaan. Waana kuwaaa horaantoodii igaga daba yimi ee aanu shirka Soomaaliya wada fadhiisanay.

 




Axmed Naasir Xirsi Maxamed

Gudoomiyaha UDUB UK
Ahmedlibaah@hotmail.com