QIIMAYNTII SODAALKII GUDOOMIYAHA GOLAHA
WAKIILADA EE UK
Sannadkan cusub ee 01/01/16 maalintii uu curtay ayuu Gudoomiyaha
Golaha Wakiilada isla m arkaasna ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee
Waddani ayuu Dalkan Britain ama England safar shaqo ku yimid isagoo
hogaaminaya Xubno ka tirsan golaha wakiilada iyo Xisbigaba.
Ujeedada socdaalkoodu wuxuu ahaa u guur gelida iyo dardar gelinta
hawlaha Xisbiga mid dha qaale, iyo taageeroba sidii kor loogu qaadi
lahaa Xisbiga Waddani ee dalkan England ama guud ahaan qurba jooga
reer Somalilanday uga qayb qaadan lahaayeen.
Waxaa Arintaas weheliya soo bandhigida Nidaamka siyaasadeed ee
Xisbiga Waddani uu dalka ku hogaamin doon Mustaqbalka haddii Alaha
Awooda lihi uu idmo.
Sidaas darteed waxaa u Gudoomiye Ciro iyo Wafdigiisu ay shacabka
Jamhuuriyada Somaliland iyo guud ahaan Bahweynta Xisbiga Waddani ugu
baaqayaan midnimado wadda jir, waxa wad da qabsi, in lagu raadiyo
Aqoonsiga Janmuuriyada Somaliland. Waxaa intaas dheer in ay kula mo
la yeeshee madax ka Tirsan Golayasha Baarlamaanka, iyo degaanada ee
dalkan (Member Of Parliment And Councilors) Iyagoo ka wada xaajooday
xaalada Somaliland ee Aqoonsi Raad inta, nidaamka Dimuquraadiyada,
iyo Nabad gelyada guud. Magaalada Sheffield waxaa uu kula kulmaya
madaxa ka tirsan Xisbiga liberal democrats Mr. Steve Ayris.
Hadda waxaa maalinta Jimcaha ee Toddobaadkan 15/01/16 Xisbiga
Waddani uu ku soo band higayaa magaalada London Xaflada balaadhan oo
ay ka soo qayb gelayaan Gudoomiyaha Md Abdiraxmaan Mohamed Abdilahi
Ciro iyo wafdiga uu hogaaminayo.
Afhayeeka Xisbiga Waddani La'aanta Sheffield
Mataan Maxamuud Cumar
|