Qiimaha Aqoontu u leedahay Qofka Bani aadamka ah

 


 


Qiimaha ay aqoontu leedahay waa mid aan la qiyaasi karin, oo la wada qirsanyahay, wuxu una Quraankeenna Kariimka ahi inoo sheegay in aanay sinneyn qofka wax yaqaanna ( Aqo onyahanka) iyo qofka aan wax aqoonnin ( Jaahilka). Sidoo kale, sida ay Soomaalidu murti ugu tilmaantay: Aqoon la’aani waa iftiin la’ aan , ayay ummadaha kale ee duniduna wad a leeyihiin xikamdo ku tilmaamaya cilmiga iftiin dadka ku haga waddada horumarka iyo liiba anta, Jahligana mugdi dadka u horseeda luggooyo iyo halaag.



Inkastoo la isku wada raacsanyahay in uu cilmigu yahay harumar, Jahliguna halaag, hadd ana waxaa muuqata in uu culeys ka jiro sidii la isugu waafaqi lahaa: Waa maxay aqooni, qo fkeese lagu tilmaami karaa aqoonyahan?


Waxay ila tahay in qeexidda rasmiga ah ee aqoonta iyo aqoonyahanka sharraxaadda diint eenna ka sokow lagala soo dhex bixi karo murtiyaha ay ka simanyihiin dadyowga adduunku kuwaasoo dhammaan tilmaamaya in ay aqoontu tahay iftiin iyo badbaado, Jahliguna mugdi iyo halaag.

Waxaa la odhan karaa Aqoonyahanku waa qofka ugu horreyn bartay wax naftiisa waxtar u leh ( Aakhiro iyo adduunba), intaa ka dibna waxtar u leh ummaddiisa. Way dhici kartaa in waxa waxtar u leh ummad ay dhibaato u yihiin ummad kale maaddaama ayna ummaduhu is ku dan ahayn, sida ummad xaq-u-dirikeedba uu u yahay ummad kale argagixisadeed.

Haddii qofku intii uu doonaba wax ha soo bartee wixii uu baranayay ay iftiin yeelan waaya an, cid kalena iska daaye ay xitaa naftiisa wax tari waayaan, qofkaasi wuxuu noqonayaa mid mugdi dhex dabaalanaya oo jahli-barasho ku habsaamay, lagumana tilmaami karo aqoo nyahan. Ha qaato shaahaado sare Dr. , Inj. , Prof, iwm,  wixii la doonana ha lagu magacaa bee.

Sidaa awgeed mudooyinkan danbe dadkeena waxaad moodaa inay ku tartamayaan aqoon ta halkii wakhtiyadii hore waxyaabo kale lagu tartami jiray, guri walba waxaa ka soo baxa intaas oo aqoonyahan, markaa hadii sidaa lagu waddo, tayadda aqoontana Mawqif adag o o midaysan laga qaato waxaa dalkeenan Somaliland u soo bixi doona Aqoonyanno wax wa yn ka tara nidaamka Dawladnimo iyo Dal ahaanba.


 

 

 

 

 

 

Qalinkii: Guuleed Muxumed Ibraahim (Guuleed Yare)
guuto-143@hotmail.com
Hargeisa Somaliland.