Qarax dhimasho & dhaawac keenay oo Laascaanood ka dhacay


 

Laascaanood (Longlivesomaliland News)- Allaha u naxariistee Taliyihii  Qay bta 12aad ee Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum Cismaan  Yu usuf ayaa geeriyooday, Shan qof oo afar ka mid ahi ay Ciidan ahaayeen-na waxa soo gaadhay dhaawac, ka dib markii saaka laba Qarax oo  waaw ayn lala beegsaday Taliyaha iyo Ciidan la socday Magaalada Laascaanood.

Taliyaha ayaa geeriyooday ka dib markii laba qarax oo kala dambeeyay  la la beegsaday isaga iyo Ciidan la socday, waqti ay saaka subaxnimadii  mar ayeen Jidka badhtamaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland Saleebaan Warsame, ayaa  xaqiijiy ay dhimashada Taliyahan. Isla markaana wuxuu tacsi u diray guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan Ciidamada Qaranka. Waxaanu sheegay in Qaraxyadan ay ka dambeeyeen cadowga Somaliland. hase ahaatee, ma jirto cid gaar ah oo uu farta ku fiiqay.

Wasiirku wuxuu sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland iyo guud ahaan Shacabku inay diyaar u yihiin difaaca dalka. Waxaanu xusay in baadhitaan socdo, isla markaana wuxuu sheegay in aanu ka hor dhacayn baadhitaankaa.

 



Source: Somaliland.Org