Qaran laga waa

 


 

Salaanta qaaliga ah ee Islaamka iyo hambalyada bisha barakaysan ee Ramadaan, mark a aad guddoontaan kaddib:

Tixdan oo la magacbaxday: " Qaran laga waa", waxay soo baxday 26kii Juun 2014ka; waxayna ka mid tahay ololaha qabyaalad diidka ah ee uu curiyaha tixdani muddaba wad ey. Waxayna ku salaysan tahay oo jaanteedu ku socotaa heesaha geela.

Tusaale ahaan: nin geelihiisa u heesay oo ammaanayey baa yidhi,

" Rudda jiilaal
ee raguna hadho
raamo gunudooy".

Haddaba, si aynnu u fahanno macnaha dhabta ah ee tixda, waa in aynnu is taabsiinnaa ujeeddada ereyada xuddunta u ah tixda ( Key words).
Haddaba, labadan erey ee Qaran iyo Qabiil oo ah mucda ( central idea) ayaa u baahan, in aynnu isla fahanno inta aynaan guda galin tixda.

Ereyga Qaran waxaynu u-la-jeednaa; waxa afka Ingiriisiga loo yaqaanno: (State) oo aad qeexdiisa ka heli kartid qaamuusyada afka Ingiriisiga. Ereyga " Qabiil ama qabyaaladna" waxaynu u-la-jeednaa ( tribalism).

Waxay ku bilaabantay oo ay leedahay:
 


Qumanay xalay
waan qaldhabayoo
Qarow bay dilay

*****

Ma qandho cuduriyo
Quud la'aaniyo
Qadoodaa jira?

*****
Anoon taa qabin
Qaylo mooyiye
Qosol maan helin!

*****
Miyaad qayishoo
Qoomkii hoosiyo
Qaniin bahaliyo
Qudhaanjaa timid?

*****
Qaadir mahaddii
Qayilaadiyo
Qiiqa loo shido
Qaxwe mooyiye
qawlal maan gelin!

*****
Ma qardoofiyo
Qudho baxay iyo
Qaylaa kuu timid?

*****
Mayee Qarankaan
qobtolaayee
Qudh u bixiyaa
Qabiil roorsaday!

*****
Meel qabiil galay
wallee waa quus
qaylo mooyiye
Qaran laga waa!

*****
Meel qabiil galay
Qalooc mooyiye
qummanaaniyo
Qaran laga waa!

*****
Meel qabiil galay
Qiiq abaariyo
Qoonsimaadiyo
Qardoofaa taal

*****
Meel qabiil galay
Qabow roobiyo
Qawlkii Eebbiyo
Qur'aan loo diid.

*****
Meel qabiil galay
Oo qofka taliyaa
Qallin eexiyo
Quwaddiisuun
Ku qadhaabtaa
wallee waa quus!

*****
Meel qabiil galay
Qaaddi eexdiyo
xeer qarqooshiyo
Qudhun lagu sheeg

*****
Meel qabiil galay
Niman qoodhiyo
Qaar la liidiyo
Quudhsi baa jira!

*****
Meel qabiil galay
qaybsanaaniyo
qolo hoosiyo
qoqobaa jira!

*****
Meel qabiil galay
Qalbi xaadhani
Wuu ka quustee
Qallooc baa yaal

*****
Meel qabiil galay
Qaran sharafliyo
Quwad talisaa
Way quusteen

*****
Meel qabiil galay
Qosol beeniyo
Qalbiyo is nacay
Iyo qaylo lagu sheeg

*****
Meel qabiil galay
Qoonsmaadiyo
qowl la diidiyo
Qarqarsaa yaal!

*****
Meel qabiil galay
haddii quudkii
rag qorshaystaan
Qatanaa dudi!

*****
Meel qabiil galay
Qaran dhimayoo
Ka qaxay iyo
Qorigaa xigi

*****
Meel qabiil galay
Oo qaraabiyo
qofkanay xiga
qoshihii yahay
Qaran laga waa!!

*****
Meel qabiil galay
Qummanaaniyo
Qaran laga waa!

*****
Meel qabiil galay
oo qabyaaladi
Qiimo leedahay
Qudhun baa yaal

*****
Meel qabyaaladi
Qaran lagadoo
la isku quudhsado
Qaadir wuu nacay!

 

C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com