Qaramada Midoobay Oo Dalacaysa Darajada Amni Ee Somaliland

 

Isu duwaha Xafiiska Arrimaha Gargaarka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Mark Bowden, ayaa qoraal uu dhawaan u qaybiyay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya, oo uu kaga hadlay xaaladda ammaan ee Somaliland iyo Somaliya, waxa uu ku ammaanay dawladda Somaliland oo uu tilmaamay inay xil iska saartay xoojinta ammaanka Xarumaha Qaramada Midoobay iyo weliba ammaanka guud ee caasimadda Hargeysa

Qoraalkaas oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu nuqul kamid ah helay xafiiska Nayrobi ee Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu Mr. Bowden, ku dammaanad qaaday in Qaramada Midoobay badhta maha sannadkan dib u eegayso go'aankaas ay hoos ugu dhigtay darajada amni ee Somaliland. "Bishii January aniga iyo maamulaha baanka adduunka ee Somaliya, waxaanu u socdaalnay Hargeysa. Waxaanu ka soo wada hadalnay arrimo la xidhiidha ka soo kabash adii iyo dib u dhiskii, iyo sida aanu intaas in ka badan u sii dhisi karno fursadaha horumar." Ayuu yidhi Mr. Bowden, ku yidhi qoraalkiisa uu Geeska Afrika helay oo ku qornaa luuqadda Ingiriisida, waxaanu intaas raaciyay, "Sidoo kale waxaan fursad u helay inaan arko horumarka ay sameeyaan Qaramada Midoobay iyo maamulka Somaliland, ee soo gebagebeeyay walaacayagii amni."


Isu duwaha Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya, waxa uu ammaanay tallaabooyinka ay xukuumadda Somaliland qaadatay ee la xidhiidha xoojinta ammaanka, waxaanu yidhi, "Waxa I soo jiitay isbedelka dhinaca amniga ee xarumaha Qaramada Midoobay iyo dedaalada tixgelinta mudan ee ay samaysay dawladda Somaliland si ay u horumariso amniga Hargeysa."


Waxa uu Mr. Bowden, dammaanad qaaday in Qaramada midoobay ay dib u eegi doonto darajada amni ee Somaliland, waxaanu yidhi, "Mid ka mid ah qodobada lagaga dooday Somaliland wuxuu ahaa samaynta qiyaas sugan oo xagga ammaanka ah, taas oo midhihii ka dhashay ay nagu dhallinayaan inaanu dib u eegno heerka amni ee Somaliland. Waxaan qirayaa inaanu dib u eegi doono sannadkan gudihiisa. Waxay tani sidoo kale nagu dhalinaysaa inaanu xisaabta ku darsano wixii soo jeedin ah ee ka timaada xarunta qaramada Midoobay ee Somaliya, taas oo noqon doonta in dib loo eego amniga iyo maamulka xarumaha qaramada midoobay ee Somaliya."
Waxa kale oo uu qoraalkiisa sarkaalkani kaga hadlay xaaladda amni ee guud ahaan dalka Somaliya, oo uu walaac ka muujiyay, isagoo tusaale u soo qaatay falkii isqarxinta ahaa ee ay dhawaan kooxaha xagjirka ahi la beegsadeen ciidamada Burundi ee jooga magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

 


 


Wargeyska Geeska Africa