Qalabkii Doorashada lagu galayay qaarkood oo dalka soo gaadhay & aragtida Komishanka


 


Hargeysa (TNN)- Qalabkii u horeeyey ee loogu tallogalay in lagu galo doorashadda  mada xtooyadda Somaliland, ayaa shalay dalka soo gaadhay, kaasi oo ay siday diyaarad ka soo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sada xalay lagu faafiyey telefishanka Universal, waxa dalka soo gaadhay sanaaduuqda lagu codaynayo marka bisha June ee sannadkan loo dareero doorashada  madaxtooya dda, kuwaasi oo lagu sameeyey dalka Denmark ee qaarada Yurub.

Waxa kale oo sida masuuliyiinta Komishanku sheegeen la filayaa in waraaqihii codaynta iyo qalabkii kale ee doorashadda lagu gelayey iyaguna sida ugu dhakhsaha badan dalka u yimaadaan si labada toddobaad ee u horeeya bisha May ee sannadkan 2010 loo qaybiyo waraaqaha codaynta ee lagu beddelayo kuwii ay hore u haysteen dadkii doorashada isu diwaangeliyey.

Md. Cabdiraxmaan Dixood oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka oo faah-fa ahin ka bixinayay nooca qalabka shalay la soo gaadhsiiyey, ayaa sheegay in qalabka la soo gaadhay inta ugu badani tahay Sanaaduuqdii loogu talagalay codbixinta, oo ah noocii ugu casrisanaa sanaaduuqda doorashooyinka dunida. Waxaanu xusay in Sanaaduuqda loo keenay laga dhex arkayo Waraaqaha codaynta marka lagu rido (Sanaaduuq Muraay a d ah).

“Qaybtan na soo gaadhay waa qaybtii ugu horreysay qalabka doorashada, isla markaana waa qalab casri ah oo tayadiisu aad u sarrayso, oo shirkadda Qandaraaska qaadatay ay ka soo iibisay magaalada Copanhegan ee dalka Denmark. Qaybaha qalabka doorashada ka hadhsani waxay noo imanayaan maalmaha soo socda, si is daba-joog ah ayaana  qala bkaas loo keenayaa illaa inta laga soo dhamaystirayo. Waxyaabaha hadhay waxa ka mid ah, Waraaqihii codaynta, kaadhaddkii lagu beddalayay kaadhadkii hore ee diiwaangelinta, khadkii codbixiyayaasha lagu calaamadinayay iyo noocyo kale oo badan oo ka mid ah qalabka aannu sugayno, si dhakhso ahna waa loo keenayaa qalabkaas,” ayuu yidhi; Md. Cabdiraxmaan Dixood.

Komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa maalintii la kala saxeexday xeerka anshaxa caddeeyey in doorashada madaxatooyadda Somaliland ay dalka ka dhici doonto bisha June ee sannadkan 2010.

Source:Somalilandorg