Qado sharaf Madaxweynaha Somaliland ay u sameeyeen saaxiibada Somaliland ee Dalka Ingiriiska


 



London (TNN)- Saaxiibada Somaliland ee dalkan Ingiriiska ayaa qado sharaf u sameeyey Madax w eynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo hadda socdaal ku jooga dalkan ingiriiska. Qado sharafta a oo ay ka soo qayb galeen marwada madaxweynaha Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed, Wasiirka Arimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar , Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Ar imaha dibadda Dr. Maxamed Rashiid X. Xasan , Agaasimaha Telefiishanka qaranka ee Yurub Kh adar Xasan Cali iyo Madaxda ururka SIRAG UK Marwo Lulu Farax iyo Axmed kadleye ayaa lagu q abtay Xarunta Commonwealth Club ee magaalada London. Qado sharaftaa oo ay soo abaabule en saaxiibada Somaliland ahna aas aasayaasha Hay'adda Horumarinta iyo Iskaashiga Somalilan d " Somaliland Development Corporation (SDC) oo ay ka mid yihiin Len Tiahlo oo uu wehelinayey Steve Taylor oo ka socday Crown Agents oo u qaabilsan Hay'adda Horumarinta iyo Iskaashiga Somaliland xagga xisaabaadka iyo maamulka Bangiyada iyo Ambassador-hore Myles Wickstead oo ka mida aas aasayaasha Ha'addan, Mr. Paul Whiteway oo ka socday International Diplomat.

Waxaa shirkaa ka maqnaa Cusmaan Maxamed oo Hay'addan u qaabilsan qaybta Emarites-ka. Waxaa kale oo shirkaa ka maqnaa Dr. Saad Cali Shire Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Jam huuriyadda Somaliland oo ka mida madaxda Hay'addan , waxaa kale oo xafladan ka maqnaa Lor ds Avebury oo si weyn uga qaybqaatay aas aaskii hay'addan.


Jeremy Carver oo ku hadleyey magaca saaxiibada Somaliland ayaa hadal yar oo kooban ku soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo waftiga uu hogaaminayey . Jeremy Carver oo ka mid ah Garyaq aanada ugu caansan dalkan Ingiriiska, kuna takhasusay shuruucda Caalamiga ayaa wuxuu ka hadlay in Somaliland sharci kasta oo caalamiya ay buuxisay, ummadda Somaliland-na ay xaq u leedahay ka talinta aayahooda . Isaga oo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi " waxaa waajiba in bulshada caalamku ummadda Somaliland wax la qabato kana caawiso xagga horumarka iyo dhaqaalaha " . Madaxweynaha Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) ayaa si weyn ugu mahad naqay Saaxiibada Somaliland ee dalkan Ingiriiska oo hiil iyo hoo walaaltinimo mar walba la garab taagan dawladda iyo shacabka Somaliland.

Ka dib waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka Arimaha dibadda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaa hi Cumar oo sheegay ahmiyadda iyo qadarinta ay mar walba u hayaan saaxiibadooda , waxaanu carabka ku adkeeyey sida ay muhiimka u tahay in la sii xoojiyo wada shaqayntaa si ummadda Somaliland u hesho xuquuqda ay u leeyihiin inay ka mid noqdaan bulshada Caalamka mar labaa d. Wasiir-u-dowlaha Arimaha dibadda ee Somaliland Dr. Maxamed Rashiid X. Xasan ayaa isna waxa uu sheegay in waxtar weyn ay u soo hoysay Somaliland taageerada joogtada ah ee saax iibada Somaliland ee Ingiriisku la garab taagan yihiin Somaliland . Waxaa kale oo Dr. Maxamed ka hadlay ahmiyadda ay leedahay sii xoojinta iyo wada shaqaynta Qurbo-joogga reer Somalilan d iyo Saaxiibada Somaliland . Waxaa hadal kooban halkaa ka soo jeediyey Qurbo-joogga reer Somaliland ee xafladdaa ka soo qayb galey , waxaanay ka warameen sida ay muhiimka u tahay in la dhiiri galiyo ururada qurbo-joogga reer Somaliland si ay halgankii ay la garab taagnaayeen dalkooda u sii xoojiyaan.

Gebogabadii kullankaasi waxa la isku afgartay sidii xoogga loo saari lahaa dhinacyada mashaarii cda horumarinta dhaqaale iyo maalgashiga shisheeyaha ee Somaliland, taasi oo ay door muhii ma ka qaadan doonaan saaxiibada Somaliland. Wixii faahfaahina ee dheeraada ee ku saabsan Hay'adda Horumarinta iyo Iskaashiga Somaliland ( SDC )






Axmed Ibrahim Kadleye

ahmed-kadleye@live.co.uk West London , UK