Qadaadxiir Qumane muxuu ka yidhi weedhii dhanxiir laba
afle. Walee Ina Xaashi cilmi lamaanaa.
![](IMAGES/thinking-man-logo.gif)
Waa Ilaahay mahadii kol haddii labaatan sano kadib
Dhaxiir bilaabay in uu ku hadlo "broken English" oo
safarkii madaxweynaha isaga oo sumad laba aflaynaaya
marba si u dhigay. Dhanxiir intaad Mada xweynaha
oo keliya ka hadlayso miyaanad maqalayn khudbadii
koobnayd ee Sacad Cali Shire isku lab a rogey madashii
Bariga London iyo hoygii SNM-ta.
Aan ku xusuusiyee
wuxuu yidhi:"Waxaanu salka u taagi doonaa dawlad
distoorku ka sareeyo ee aan ka sareen, dawlad iyo dad u
hogaansan sharciga.
Dawlad dadka u
adeegta ee aan adeegsan. Dawlad awooda maamulka ku
baahisa gobolada, degmoo yinka iyo tuulooyinka. Dawlad
ku dhaqanta oo hirgelisa talooyinka ka soo fula
tuulooyinka ilaa heer Qaran iyo weliba dhanxiirka oo
maashaa alladiisa iyo wagartiisa la mideeyo oo ul iyo
diirkeed laga dhi go.
Haddaba waxaanu u
baahan nahay dad nala xisaabtama oo aanu la xisaabtano.
Waxaanu baahan na hay dad na saxa markaanu
qaldanahay, umma baahnin dadweyne noo sacaba tuma oo hay
hayda gura sax iyo qaladba."
Markaan intaa maqlay anna waxaan idhi: "Wallee kii ina
Xaashi Cilmi muddo ayuu suke amma madi ah aaye maantuu
lammaanaaday, oo golihii wasiirada wehel ku yeeshay."
Dadweynihiina wuxuu yidhi:"Curadaba loo soo dhigayow
kaygii dhanxiir laba aflana waxaa la yidhi dh
akhtar baa la geenayaa oo labada af midbaa la
tolayaa.Tolow ma wagartaa mise waa maashaa allaa da? Bal
adba ............
|